Waxa Dhacday In Nin Askariya Oo Beeshan Habarjeclo Ka Tirsan Ay 20 Nin Oo Beeshaas Habar-Awal Ahi Wada Dileen.Habarjeclo Way Yaaban Tahay, Wayna Tashan Doontaa”. Boqor Buur-Madaw

0
555

Waxa Dhacday In Nin Askariya Oo Beeshan Habarjeclo Ka Tirsan Ay 20 Nin Oo Beeshaas Habar-Awal Ahi Wada Dileen.Habarjeclo Way Yaaban Tahay, Wayna Tashan Doontaa”. Boqor Buur-Madaw

Burco: (Warsugannews)- Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madaw,ayaa si adag uga hadlay aayaha Xulafadda Siyaasadeed ee ka dhexaysay Beelaha Habar-jeclo iyo Habar-awal.waxa uu sheegay in Beeshaa Habar-jeclo ay tashan doonto Is-bahaysigaas kala dhexeeyay Beesha Galbeedka Hargaysa,waxaana uu intaas raaciyay Beeshiisu ay dhib iyo kadeed ku qabto Xulafaysiga ay la wadaagtay Beesha Habar-awal,isla markaas waxa uu ku Edeeyay in Beesha Habar-awal aanay ka xaal-marin dhadooyin iyo Gardarooyin badan oo kaga yimid dhinacoodda,taasina ay keenayso in lakala tashaddo.

Boqorka,ayaa hadalkan ka sheegay soo-afjaridda Shir-weyne ay Deegaanka Qorilugud ku laahayeen Beesha Solomadaw oo ka mid ah Beel-weynta Habar-jeclo.

“Maxamed Kaahinow adaan kugu hal qabsanayaa oo ka jooga qooladi Xisbiyadee, Beesha Habarjeclo shuraakadii siyaasadeed iyo Jeegaanti ka dhaxaysay beesha Habar-awal ee abtiyaashaa way ka tashanayaan. Waan ku celinayaa Habarjeclo dareenkeeda ayaan sheegaya maanta arrintaas talo dhaba ayaa laga yeelanayaa waayo sababtana waan sharxayaa…” Sidaa waxa gabogabadii shirkasi ka sheegay Boqor Buurmadow, waxaanu intaasi ku darey “Duhur cad ayaa Hargaysa qori lagugu qabtay adiga (Maxamed Kaahin) way ka bidday cid beeshaas ka tirsan oo sidii dhaqanku ahaa intay timi raali galin iyo xaal ka bixisay ma jirin. Waxaa iyana dhacday in nin askariya oo Beeshan Habarjeclo ka tirsan ay 20 nin oo beeshaas Habar-awal ahi wada dileen waa la ogaaa ilaa hadda cid timi oo uba haysata inay wax dhibeen ma jirto. Waxay maanta maraysaa in la shiido oo la jajabiyo meheradahayagii oo lagu gardaroodo, cid timi oo ka hadashay ilaa hadda ma jirto. Marka ninka maanta isagoo debadda jooga oo ii baahan oo aanu wax wada leenahay isoo fadhiisan waayay u malayn maayo inuu bari hadu Madaxtinimada fuulana is badalaayo, markaa Habarjeclo way yaaban tahay, wayna tashan doontaa” ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Boqorku.

warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here