telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

“Waxa jira Wadamo jaar inala ah oo u baahan inaynu u adeegno, taa lafteeda waanu ka shaqaynayna imika heshiis baa jiri doona Itoobiya iyo Somaliland ay qayb ka noqdaan” Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdillaahi Abokor

Hargeysa, Somaliland September 26, 2018 (Warsugan) – Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa kormeer ku soo maray xafiiska gaadiidka jidadka Burco iyo madaarka magaalada oo muddo dheer xidhna.

Wasiirka oo ay weheliyaan maamulka heer gobol iyo degmo ayaa wasiirka uga warbixiyay guud ahaan xaalada gobolka xaga jidadka iyo gaadiidka.

Wasiirka iyo maamulka gobolka oo kulan wada yeeshay ayaa markii uu dhamaaday u la hadlay saxaafada ugu horayna Cabdillaahi Abokor isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “wixii qarankan waajib kaga ah waxay dawladu jeceshahay inay wax ka qabato ay ka mid tahay horumarinta waddooyinka, shuruucdooda iyo xaga nabadgalyadooda-ba.

Waxaanu baaq u jeedinayna dhammaan gaadiidlayda iyo hantiilayaash, qaybtan gaadiidku inay nala shaqeeyaan, wixii anaga ay nooga baahan yihiina diyaar waxaanu ula nahay inaanu la shaqayno, wixii iyaga ku waajibay ee qarankani ku yeeshana inay ku dadaalaan siday iskaga soo bixin lahaayeen.

Waxaanu doonayna inaanu xoojino iskaashatooyinka gaadiidleyda, nidaam wax wada qaybsiya, sidoo kale waxa jira qaybtaasi in badan buu dib inooga dhacsana. Waddamo badan oo jaar inala ah oo u baahan inaynu u adeegno, taa lafteeda waanu ka shaqaynayna imikana heshiis baa jiray uu dhaxeyaa Itoobiya iyo Somaliland oo qayb ka noqdaan oo xaga gaadiidka ah khuseeya.”

Wasiirka oo kormeer ku maray madaarka Burco oo muddo xidhna ayaa sidoo kale waxa uu booqday dugsiga dhagoolayaasha ee magaaladaasi, isaga oo ardayda dugsigaasi balan qaad u sameeyay waxa uu yidhi, “Waxaanu jecelahay laba arday oo ka baxay dugsigan dhagoolayaasha inaanu shaqo galino, waxa kale oo aan ka jawaabaya codsigiinii ahaa in gaadhi labaad la idiin iibiyay oo aad u baahan tihiin shidaal. Bil kasta waxaan idiin balan qaadi doona inaan idin siin doono 200 oo litir oo shidaal ah oo aad u isticmaashaan gaadhiga, waxaan idiin rajaynaya dadka aduunka ugu maskaxda badani waa dadka dhagoolayaasha ah.”

561 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins