Waxa la igu yidhi dadka ayaad af taqaanay ee Xoolaha miyaad af garanaysaa waxaan leeyahay? Wasiirka Xannaanad Xoolaha Oo Xilkii La Wareegay

0
313

Wasiirka Xannaanad Xoolaha Oo Xilkii La Wareegay

“Waxa la igu yidhi dadka ayaad af taqaanay ee Xoolaha miyaad af garanaysaa waxaan leeyahay? maya ma af garanayo laakiin masuuliyiinta iyo khuburada wasaaradda ayaan la tashanayaa” Wasiir Cukuse

Hargeysa(Warsugannews):- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse,ayaa shaly si rasmi ah ula wareegay xilka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo uu dhawaan Madaxweynaha Qaranku u magacaabay kalana wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas oo loo bedelay noqday Wasirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somalialnd Cumar Sheekh Maxamed Faarax.

Munaasinad balaadhan oo ay labada Wasiir xilka kula kala wareegayeen oo shay ka qabsoontay Caasimadda Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirro,Xildhibaanno,madaxda qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horrayn waxaa munaasinadda xil wareejinta ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannanada Xoolaha Dr Jaamac Maxamed Odowaa oo ka war bixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu Wasiirka xilka wareejiyay wasaaradda joogay.

Waxaanu Wasiirka Cusub war bixin ka siiyay halka ay marayso hawshii seeraynta bananka Qool-cadaya iyo Aroori oo uu sheegay in ay meel wanaagsan marayso isla markaana sanadkan ay guul ku soo dhamaan doonto.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo Wasiirka Cusub Xilka ku wareejinayay ayaa ka hadlay kaalinta ay xooluhu kaga jiraan nolosha bulshada reer Somaliland iyo siday ay daruuriga u tahay in wax loogu qabto mar kasta.

“Maanta haddii ay dhacdo in aay Dekeda Berbera waxba ka soo degi waayaan kaydka kaliya ee Bulshada Somaliland aynu u hayno ee Cunto ahi waa Xoolaha Nool oo inooga baahan in aynu dhamanteen u wada shaqayno oo aynu ugu guntano sida ugu wanaagsan,waxaad ogtahay Mudane Wasiir maanta haddii aad u tagto qoys reer miyi ah waxa ugu horreeya ee ay ku siinayaan ee ay hayaan waa neef xoolo ah oo ay kuu qalaan waana cuntada kaliya ee ay hayaan.”ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo xilka Wasaaradda si rasmi ah ula wareegay shalay ayaa ballan qaaday dhankiisa in uu shaqada Wasaaradda kala tashan doono masuuliyiinta iyo khuburada jooga ee hore uga hawl gelayay isla markaana taladooda uu ku shaqayn doono si hagar la,aan ahna Wasaaraddu ugu adeegi doonto daryeelka Xoolaha Somaliland.

Waxaa la igu yidhi dadka ayaad af taqaanay ee Xoolaha miyaad af garanaysaa waxaan leeyahay maya ma af garanayo laakiin masuuliyiinta iyo khuburada wasaaradda ayaan la tashanayaa oo aan wax waydiinayaa oo aanu wada jir shaqada u wada qabanaynaa waxaanan u wada shaqaynaynaa in xooleheenu ay daryeel joogto ah helaan.”ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse. Oo shalay si rasmi ah shaqada Wasaaradda Xannaanda Xoolaha ula wareegay.

Cumar Maxamed Faarax
00252 24424148
252 2 9162495