Waxa Loo Baahan Yahay Saxaafada Laftigeedu In Anshaxa, Akhlaaqda Iyo Xeerarka Ay Ilaaliyaan” … Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland

0
598

Waxa Loo Baahan Yahay Saxaafada Laftigeedu In Anshaxa, Akhlaaqda Iyo Xeerarka Ay Ilaaliyaan” … Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland

Hargeysa (Warsugannews)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ugu baaqay saxaafadda in ay ilaaliyaan anshaxa Suxufinimo iyo xeerarka dalka u yaalla, waxa uu sheegay in go’aankii uu dhawaan ku sheegay inaan saxaafadda la iska xidh-xidhi Karin, aanay macnaheedu ahayn in qofkii khalad gala aan tallaabo laga qaadaynin.

Aadan Xaaji Cali ayaa sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay Tabobar uu u furay Koox garsooreyaal ah oo loo tabobarayayo takhakhuska qaadista dacwadaha xasaasiga ah, kuwaasi oo ka kala yimid gobollada dalka.

“Maalin dhawayd waxaynu qaadanay in aanay ciddina sharciga kama sarayso oo marka hore dacwad lagu furo Saxaafadda, dabadeedna ay is-difaacaaan oo wixii lagu helo markaa lagu xukumo. Laakiin aan la iska xidhin iyagoo aan dacwad laga furin. Arrintan macnaheedu maaha, cidna lama dacwayno markaa waxa loo baahan yahay saxaafada laftigeedu in anshaxa iyo akhlaaqda iyo xeerarka ay ilaaliyaan.

Marka la leeyahay marka hore yaan la xidhiidhin, macnaheedu waxa weeye in fursad loo siiyo in ay is-difaacaan, waxa lagama maarmaan ah in xeerarkooda dib u eegaan, akhlaaqda saxaafada ilaaliyaan oo ay samaystaan Guddidii iyaga looga dacwoonaya,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Waxa uu ku booriyay Saxaafadda Somaliland inay noqdaan xirfadleyaal koraya, waxaanu yidhi “Duniddu wixii dagaalkii labaad ee adduunka ka sokeeyay, Saxaafadda hab gaar ah ayaa lagula dhaqmaa. markaa waxa loo baahan yahay saxaafadduna inay korto, xeerkoodana dib u habeeyaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here