Waxaan aad ugu hanbalyeynayaa Madaxweynha oo qaatay dhammaan

0
412

Waxaan aad ugu hanbalyeynayaa Madaxweynha oo qaatay dhammaan

talooyinkii aan si gaar ah iyo si guudba u soo jeediyey. Dabcan Madaxweynahu waxuu dhegeystay darafyada ay khuseyso dhammaan cabasho iyo soo-jeedinba, waana tan uu uga baahan yahay in meelaha qaar daraasad cilmiyeysan laga sameeyo. Waa mid muujineysa odaynimo, qunyar socodnimo iyo digtoonaan looga baahan yahay talaabo kasta oo taabanaysa dhaqaalaha guud ee qaranka. Sidoo kale waxa aan bogaadinayaa Guddigii uu Madaxweyne Xigeenku gudoominaayey ee arrintan loo saray iyo labada hay’adood ee sida gaar ah mas’uuliyadeeda leh Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe. Waxaan leeyahay hanbalyo.
Waxa se loo baahan yahay inaynu dardar gelino daraasadda oo hab qarannimo loo eego. Waa mid u baahan inaan la siyaasadeen. Waxaana ka saaran warbaahinta xil weyn sidoo kale xisbiyada mucaaridka ooyna ka noqon diidmo iyo canbareyn fudud. Qiima dhaca lacagteenu waa mid si wadajir ah u baahan in looga hawl galo.
Arrimaha noocan ihi ma aha qaar lagu eego indho muxaafid iyo qaar mucaarid. Daraasad cilmiyeysan oo daahfuran ayaa loo baahan yahay. Waxa lagu gaadhayaa taas kolka la helo qiimeyn iyo baadhis aan looga baqayn in si qaldan mucaaridku uga faa’ideysto. Taas waxa waajib gaar ihi ka saaran yahay warbaahinta oo si dhexdhexaad ah u qiimeysa afkaarta arrimahan la xidhiidha ee ayna noqon makarafoon si gaar ah ugu adeega koox danno gaar ah leh dhinac kasta ha ka yimaadaaneh.

Waxa Madaxweynahu ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay madax banaanida iyo xoojinta awoodda Bankiga Dhexe si uu u ilaaliyo kaydka qaranka oon noqon mid si hawl yar suuqa loo galiyo, iyo la-dagaalanka sicir bararka.

Aan idiin dhaafo talaabooyinka Madaxweynahu sida cad ugu sheegay khudbad sanadeedkii 2016..

Qiima Dhaca Iyo Isticmaalka Shillinka Somaliland

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Dalkasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland. Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaadi. Taasi waxay keentay in lacagteenii ay soo ururto isticmaalkeedu. Haddaba, si aynu uga badbaadno dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo lacagteena oo sii qiima beesha. Waxaa xukuumadayda ka go’an in ay xaqiijiso arrimahan:

1) Waxaannu suurto gelinaynaa in lacagta Shillinka Somaliland noqoto cumlada rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado.

Waxaa waajib ah in bulshadu wax ku kala iibsato ama wax isku weydaarsato lacagteena, dhamaan Goobaha Ganacsiga sida Huteelada, Dugsiyada Waxbarashada, Suuqyada kala duduwan, Seyladaha Xoolaha iyo wixii la mida.

2) Waxaa bartilmaameed inoo ah in qiimaha sarifka dollarka ee Shillinka Somaliland la gaadhsiiyo 6,000 oo Shillin.

3) Waxaannu xoojinaynaa isla markaana dardar gelinaynaa Awoodaha Baanka Dhexe ee Qaranka, si uu u xakameeyo sicir bararka iyo sarifka lacagaha.

4) Waxaannu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo daah furka daraasad qotodheer oo lagu xaqiijinayo in adeega Zaad-ka iyo E-Dahabka ku shaqeeya lacagta dollar ka ah ay qayb ka yihiin qiimo dhaca Shillinka Somaliland.

5) Sidoo kale, waxaa daraasadaa lagaga gun gaadhi doonaa in lacagta sarifka Shillinka Somaliland ee gacanta u gashay Ganacsatada Waaweyn ee Bangiyada, Xawaaladaha iyo Jaadwalayaasha ay saamayn ku leeyihiin ama qayb ka yihiin qiima dhaca Shillinka Somaliland. Arimahan aan kor ku soo sheegnay haddii cilmi baadhistaasi si dhab ah u xaqiijiso, waxaa lagama maarmaan ah in aanu go’aamo adag ka qaadano si loo helo xal waara.

6) Waxaannu Shirkadaha iyo Shacbi Weynaha Somaliland ku dhiiri-galinaynaa in ay lacagta dalkooda ku isticmaalaan adeegyada casriga ah ee Zaadka iyo E-dahabka.

7) Waxaannu dhiiri gelinaynaa in dalka ay yimaadaan Maal-gashadayaal, Shirkado Ganacsi iyo Bangiyo Caalami ah, si dhaqaaleheenu u kobco.

8) Si aynu u helno lacag adag oo dalka ku soo noqota, isla markaana loo yareeyo wax yaalaha la inoo soo dhoofiyo, waxaan ku dhiiri-gelinayaa shacbigayga in ay xooga saaraan Wax Soo Saarka, Dalaga Beeraha, Shaqa Abuurka, Xoolaha Nool, Beeyada, Kalluunka iyo wixii la mid ah, kuwaas oo ah khayraad alle inagu manaystay bad iyo berrina dhulkeena buuxiyey.

9) Waxaan Shacbiga Somaliland u damaanad qaadayaa in aanay is dhex geli doonin hantida Qaranka keyd ka u ah ee Bangiga Dhexe ka mas’uulka yahay, iyo hantida ay xukuumadaydu isticmaasho.

Qodobada kor ku xusan ee Madaxweynahu ku hawl galaayo, muhiimadeeda waatan halka hore kaga hadlay iyo dhowr wareysi oo maqal iyo muuqaal ah, maanta waxa loo baahan yahay inaynu ku hanbalyeyno oo ku bogaadino Madxaweynha isna barbar taagno sidii looga midho dhalin lahaa oon ugu hiilin lahayn lacagteena dalkeena ku noqotay ajnabi, si aan u dhisno dhaqaalaha uguna gurmano danyarta qiima dhaca shilinku dhibta weyn ku hayo.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

eci.advisor@gmail.com