“Waxaan Qabaa In Aanay KULMIYE Waxba Ugu Kordhayn Is Hortaagii Xirsi Ee Caynaba Haddii Aragtida Lagu Kala Baydhana Maha Inay Colaad Abuurto” Jamaal Cali Xusen

0
418

“Waxaan Qabaa In Aanay KULMIYE Waxba Ugu Kordhayn Is Hortaagii Xirsi Ee Caynaba Haddii Aragtida Lagu Kala Baydhana Maha Inay Colaad Abuurto” Jamaal Cali Xusen

“Mar Kasta Waxaan Idhaahda Siyaasadda Yaan Colaad Iyo Cunfi Laga Dhigin, Waayo Waxaad Aragtaa Maantaba Raggii Silaanyo Ugu Darnaa Xilligii UDUB Ayuunba Dawladdii KULMIYE Ugu Batay Markaa….” Waraysi Gaar Ah. Murrashaxa Xisbiga UCID.

Hargeysa (Warsugannews)-Murrashaxa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa talooyin ka dhiibtay xifiltanka Xisbiyada dhexdooda iyo laacdanka is badalka badan ee ay caanka ku tahay siyaasadda Somaliland. Jamaal Cali Xuseen oo xogwaran siiyay Wargayska Somalilandtoday, wuxuu ka hadlay falkii hadheeyay shir dhaqan oo lagu qabtay xarunta Gobolka Saraar, kaas oo lagaga horjoogsaday Magaalada Caynaba Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan. Murrashaxa Xisbiga UCID oo arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.

“Waxaan qabaa in aanay KULMIYE waxba ugu kordhayn is hortagii Caynba ee Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan, waayo Khilaafkii Xisbiga ayaa wali qoyan, in kasta oo ay isaga iyo saaxiibadii ka baxeen Xukuumadda hadana Xisbiga way ku siijiraan hadii aragtida lagu kala baydhana maha inay colaad abuurto, madasha lagu wada socday waxay ahayd mid furan oo Mucaarid iyo Muxaafid lagu marti qaaday, may ahayn mid siyaasadeed mid dhaqan ayay ahayd, markaa ma arko sabab qofkuu doonaba ha ahaade cid laysku hortaago. Midna runtii way jirtaayo aniga way Idhibaysaa markaan arko falalka nocaas ah, waayo ma jecli wixii annaga nagaga dhacay Gabilay iyo Burco ee layskagaaya hortaagay annagoo aan dhib wadin inay cid kale ku dhacdo. “. Jamaal Cali Xuseen oo markale ka hadlaaya in aanay haboonayn inay cadaawad dhasho xifiltanka siyaasaddu wuxuu yidhi.

“Mar kasta waxaan idhaahda siyaasadda yaan colaad iyo cunfi laga dhigin, waayo waxaad aragtaa maantaba raggii Madaxweyne Silaanyo ugu darnaa xiligii UDUB ayuunba dawladii KULMIYE u batay, marka bahasho meel ma taagnaato, waxay ku wacantahay in si quman oo qardoofo la’aan ah loo tartamo, midna waa iga kaftane dee Xirsi markuu ahaa Wasiirka Madaxtooyada nin waxbadan qabtay ayuu ahaa markaa haddii aragtida lagu kala duwanaaday waxaa haboon in aanay cadaawad noqon”. Sidaa waxaa hadalkiisi ku soo xidhay Murrashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday.