“Waxaan Qirayaa In Wasiir Samsam Ay Horumar Weyn Ka Qabatay Wasaaradda Waxbarashadda”

0
407
????????????????????????????????????

“Waxaan Qirayaa In Wasiir Samsam Ay Horumar Weyn Ka Qabatay Wasaaradda Waxbarashadda”

Hargeysa (warsugannews)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Md. Faarax Cilmi Geedoolle, ayaa sheegay inuu qirayo in Wasiirkii hore ee waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo haatan ah Wasiirka Maaliyaddu ay wax weyn ka qabatay horumarinta iyo taabo-gelinta waxbarashadda dalka.

Wasiir Geedoolle waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad ay ku qalin jabinayeen Arbacadii todobaadkii hore dufcaddii 14-aad ee ka aflaxday Jaamacadda Cammuud, waxaanu majeertay heerka ay Somaliland ka gaadhay waxbarashadda.

“Waxaan halkan ka caddaynayaa oo aan qirayaa In Wasiirkii iiga Horeeyay Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo imikana ah Wasiirka Maaliyaddu ay wax weyn oo la taaban karo ka qabatay horumarinta waxbarashadda dalka iyo tacliinta sareba. Waxaan ku amaanayaa Wasiir Samsam inay wax weyn mudadii ay wasaaradda waxbarashada ahaa ku soo kordhisay mustawihii wasaaradaasi taagnayd markii hore,”ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta Sare ee Somaliland.

Wasiirka Waxbarashaddu waxa uu sheegay in wasaaradiisu ay ka go’an tahay inay gacan siiso jaamacadaha dalka oo ay gacan qabato isla markaana kala shaqeyso sidii kor loogu qaadi lahaa tayadda waxbarashadda jaamacadaha maxaliga ah.

Wasiirkii hore ee Waxbarashadda oo haatan ah Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu majeertaa dedaalkii iyo juhdigii naf-hurka ahayd ee ay gelisay wasaaradda waxbarashadda sannadihii ay ahayd Waxbarashadda, waxaana ka mahad sheegta dhammaan gobollada dalka oo dhawr jeer oo Madaxweynuhu socdaal shaqo ku maray gobollada waxa waxgaradkii deegaammadii uu marayay ay ka sinaayeen inay ammaan balaadhan u jeediyeen wasiirkii hore ee waxbarashadda oo ay sheegeen inay baahida waxbarasho ee dalka gufaysay intii awoodeeda ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here