Waxaan U Arkaa Arintan Maanta Ee Uu Ku Kacay Gudoomiye Ciro In Uu Ku Waayayo Taagerayaal Badan

0
405

Waxaan U Arkaa Arintan Maanta Ee Uu Ku Kacay Gudoomiye Ciro In Uu Ku Waayayo Taagerayaal Badan

Waxaan U Arkaa Arintan Maanta Ee Uu Ku Kacay Gudoomiye Ciro In Uu Ku Waayayo Taagerayaal Badan Oo Reer Somaliland ah Gaar ahaan Reer Laascaanood ah Laascaanood waxa ay kamid ahayd magaalooyinka sida xoogan looga taageero Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani munaasibadaha Xisbiga wadani ee laascaanood lagu qabtaana ay ahaayeen kuwo ay buux dhaafiyaan kumanaan kadim ah dadwaynaha reer laascaanood balse arintan maanta awgeed kumanaan kamid ah taageerayaashii uu ku lahaa somaliland guud ahaanteed gaar ahaana reer laascaanood waa mid ay kaga niyad jabeen isagoona caasimadii dalka ka xigsaday muwaadin udhashay dalkan isagoona U Adeegsaday Awood Qabiil.

Halka Gudoomiye Cirro Ay Ka Dhaceen Hadalo Qof Masuul Ahi Uusan Ku Dhawaaqin Isagoo Dhulbahante Ah Suu Igula Murmaa Magaala
Daydii Waxaad Moodaa In Caasimadii Dalka Reer Leeyahay Halka Dadka Laasaanood Ay Uhaysteen Caasimadda Hargaysa In Loo Wada Siman Yahay Aysana Jirin Masuul Heer Qaran Ah Oo Masuul Heer Qaran Ah Udaba Fadhiisanaya waana ayaan daro Nin Dhan Oo Masuul Ah Oo Dadka Reer Somaliland Cod Ka Doonayaa In Uu Sidaa Yelo Isagoo Madaxwayne Laga Dhigana Muxuu Keeni Lahaa Maantuuba Tan Aan Reer Somaliland Gabi Ahaanteeda aysan Kasoo Waaqsan Doonin Sharaf Dhacna Uu Ukeenay Dalkani Somaliland,

Baashe Oo Ay Gacanta Saareen Gudoomiye Ciro Iyo Colkiisa Oo Ay Kamid ahaayeen Laba Xildhibaan Oo ka Tirsan Golaha Wakiilada Iyagoona Hab Qabiil Ula Dirir rayay Waxaana Ay Ku Dhawaaqayeen –XINIINYO MAAHAN KUWA KUGU JIRA EE WAA KUWA KU GARABTAAGAN Baashe Oo Aad Moodo In Uu Koox Isku Hayb Ah SooDhex Galay Gacantana La Wada Saaray ayaa Aqalkii Golaha Guurtida Iskaga Baxay.

Kurigan Gudoomiye Ciro Uu Fadhiyo Ma Ahan Kursi Xaq Ay Uleedahay Beeshiisu Waxaana Saami ahaan Kursigan Iska Leh Beesha Uu Kasoo Jeeda Baashe Ee Dhulbahante Waxaana Saami Qayb Siga Somaliland Loo Kala Qayb Saday Madaxwaynaha Oo Ay Beesha Isaaq Leeyihiin Madaxwayne Kuxigeenka Oo Ay Lahaayeen Beesha Guda Biirsi Halka Gudoomiyaha Baarlamaankana Ay Lahaayeen Beesha Dhulbahante Waana Markii Somaliland Ay Wada Dhisanayeen Beelaha isaaq Dhulbahante Iyo Guda Biirsi Waana Mid Ayaan Daro Ah In Maanta Booskii Beesha Baashe Lagu Dhirbaaxo Walibana Gacanta Lagu Wada Saaro.

Xamse Darwiish
Laascaanood
xamze cabdiraxmaan axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here