“Waxaynu Isku Raacsanahay In Ninku Aanu Reerkooda Waxba Ugu Fileyn Haddii Waxa Innaga Dhexeeya Aanu Intiisa Goosan..” Sheekh Aaden Siiro

0
361

“Waxaynu Isku Raacsanahay In Ninku Aanu Reerkooda Waxba Ugu Fileyn Haddii Waxa Innaga Dhexeeya Aanu Intiisa Goosan..” Sheekh Aaden Siiro

Hargaysa(warsugannews)- Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) ayaa ka hadlay dhibaatada hantida sida gaarka ah loo lunsadaa ku leedahay shacabka reer Somaliland, waxaanu xusay in arrintaasi ay saamayn taban ku leedahay bulshada danyarta ah.

siiiro Sheekh Aaden Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga hadlay arrimahaasi iyo dhibaatada boobku dhulku ku hayo nabadgalyada iyo danta guud ee Somaliland, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya hantida lunsiga waxa uu yidhi “Hantida Umadda oo la lunsadaa macnaheedu waxay tahay qofku inuu isticmaalo maskaxdiisa iyo qaababka faraha badan ee nimanka ku takhasusay sida loo isticmaalo hantida umaddu (Adeegsadaan).. dabadeedna uu qofkaasi awoodi waayo inuu hantidaa dib ugu soo celiyo umadda, taasi ayaa loo yaqaan hanti lunsi, ILAAHAYNA wuxuu yidhi kii khiyaameeya hantida umadda, maalinta Qiyaamaha wuxuu isla soo taagayaa iyada oo ay (Qoortiisa) sudhan tahay intii uu khiyaameeyay…”

Sheekha oo sii hadlaya ayaa ka waramay duruuf nololeed oo haysata dad danyar ah oo uu ku booqday koonaha Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu tilmaamay inay noloshooda saamaysay xaaladda hanti lunsi ee dalka Somaliland ka jirta “Shalay (Doraad) waxaan tagey meel koonaha Hargeysa oo nin khayr badan oo uu ka dhisay Madarasad iyo Masaajid, meeshaa dadka jooga iyo sida ay u eg-yihiin iyo duruufta ka muuqata markaan arkay waan isbeddelay, waana ta keentay inaan ka hadlo hanti lunsiga iyada oo dadka ay kala badh bakhtiyayaan iyo doorka (Hanti lugsigu) ku leeyahay iyo dhibka ay ku keeni doonto mustaqbalka haddaan dadku wanaagga iska kaashan…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey in hanti ku filaan lahayd shaqaalaha Somaliland oo dhan uu qof kaliya uu qaadanayo “Dhammaan shaqaalaheennu guryihii ay geli lahaayeen iyo biyihii ay cabbi lahaayeen waxa laga yaabaa in qof kaliya uu isticmaalo, waayo dhibaatada ina haysataa maaha baahi, waayo waxaynu nahay dad tiro yar oo ILAAHAY dul-dhigay khayraad badan, laakiin sidii aynu u maamuli lahayn ee cadaaladda ahaa ayaa innaga lunsan…”

Sheekh Aaden Siiro waxa kale oo uu ka hadlay aragtida dadka qaar aaminsan yihiin ee odhanaysa in qofka dawladda ka mid ahi uu hantida umadda boobo “Waxaynu isku raacsanahay in ninku (Masuulka dawladeed) yahay nin seexday oo aan reerkooda waxba ugu fileyn haddii waxa innaga dhexeeya aanu intiisa goosan….”ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey oo uu soo jeediyay in xal loo raadiyo mushkiladaha dhulka ee ku soo badanaya dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here