‘’Waxoogaa Buuqa Ayaa Dhacay Waad Maqlayseen Ilaahayna Ayaa Dadka Inagu Kala Barayey, Casharo Aduunka Ka Socda Ayey Ka Mid Ahaayeen, Si Toosa Oo Macanawiyana Ayaa La Inoo Tusayey, Ilmo Yar Oo Kalyuhu Fadhiisteen Qofka Wax Ka Dayayey

0
415

‘’Waxoogaa Buuqa Ayaa Dhacay Waad Maqlayseen Ilaahayna Ayaa Dadka Inagu Kala Barayey, Casharo Aduunka Ka Socda Ayey Ka Mid Ahaayeen, Si Toosa Oo Macanawiyana Ayaa La Inoo Tusayey, Ilmo Yar Oo Kalyuhu Fadhiisteen Qofka Wax Ka Dayayey Waxa La Inoo Sheegayaa Inaanu Khayr Ku Jirin, , Waxa La Ina Baray Dad Noocaasa OO Shar Kasoo Burqanayaa Inay Jiraan, Wasiir Cali Xasan Maxamed
01-10-2016 ‘’Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud’’ Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Isagoo Si Meeqaam Keedu Sareeyo Loogu Soo Dhaweeyey Madaarka Cigaal International Dhinaca Kalana Ka Hadlay Ujeedka Safarkiisa.

Ugu Horeyn Wasiirka Ay Soo Dhaweyn Meeqaamkeedu Sareeyo Kala Kulmay Golaha Wasiiradda, Golaha Baarlamanka, Golayaasha Deegaanka Dalka, Culimadda, Ganacsatadda, Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Hayadda Wadooyinka, iyo Shacbiweyne Aad Utiro Badnaa.

Ugu Horeyn Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Mukhtaar Maxamed Cali Ayaa Ugu Horeyn Dalka Kusoo Dhaweeyey Wasiir Cali Xasan Maxamed Dalka, Waxaanu Si Kooban Usharaxay Sida Lootabay Wasiirka Gaar Ahaan Wasaaraddii Hawlaha Guud iyo Hayadii Wadooyinka, Waxaanu Yidhi Agaasime Mukhtaar.
‘’Ugu Horeyn Saaka Aad Ayaan Ugu Faraxsanahay Inaan Dalka Kusoo DHaweeyo Wasiir Cali Xasan Maxamed oo Safar Caafimaad Dalka Dibadiisa Ugu Maqnaa, Mudane Wasiir Waanu Ku Tabnay Shaqadii iyo Dalkuba, Waxaan Aad Ugu Mahadnaqayaa Inta Maanta Nala Soo Dhaweysay Wasiirka Uguna Horeeyaan Shaqaalaha Wasaaradda Oo Aan Ukala Hadhin’’.

Maareeyaha Hayadda Wadooyinka RDA Xasan Cali Cismaan Ayaa Wasiir Cali Xasan Maxamed Dalka Kusoo Dhaweeyey, Wuxuuna Sheegay Inay Udarsadeen Shaqadii Wadooyinku Mudadii Uu Maqnaa. Wuxuuna Umahanaqay Raxmaanka Soo Nabadd Caliyey Guulna Ugu Soo Dhamaayey Safarkiisii Caafimaad Ee Uu Ku Maqnaa.
Xildhibaano Ka Tirsan Golayashaa Deegaanka ee Degmooyinka Burco, Hargeisa, Berbera, Sanaag Ayaa Iyaguna Dhinacooga Si Isku Mida Usoo Dhaweeyey Wasiir Cali Xasan Maxamed, Waxaanay Muujiyeen Sidey Ugu Faraxsanyihiin In Maanta Dalka Kusoo Dhaweeyaan Wasiirka oo Safar Caafimaad Dibadda Ujirey.
Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Baarlamanka Ayaa Iyaguna Dhinacooga Siweyn Usoo Dhaweeyey Wasiir Cali Xasan Maxamed, Iyagoo Ay Uhadleen Xidhibaan Maxamed Diiriyey Nacnac, Xildhibaan Kijaandhe, iyo Xildhibaan C/raxmaan Dheere, Iyagoo Xusay Inay Si Weyn Usoo Dhaweynayaan Wasiir Cali Oo In Mudo Ah Dalka Ka Maqnaa Sababo Caafimaad Awgeed, Waxaanay Tilmaameen In Laga Aqbalay Ducadii Ay Alle Usoo Duceeyeen Wiilkii Uu Dhakhtarka Kula Jirey Wasiirku.

Wasiirku Dawlaha Wasaaradda Biyaha Mahdi Cismaan Buuri iyo Wasiir Ku Xigeenka Qorsheynta Mudane Keysar Ayaa Dhinacooga Si Wayn Usoo Dhaweeyey Wasiir Cali, Waxaanay Umahnaqeen Cid Kasta Oo Uduceysay Intuu Wiilkii Uudhalay Uduceysay Alle-na Ubariday.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Beeraha C/waaxid C/raxmaan C/Qaadir Ayaa Dhinaciisa Si Wayn Usoo Dhaweeyey Wasiir Cali Xasan Maxamed Waxaanu Yidh:.
‘’Maanta Waxaan Halkan Kusoo Dhaweynaynaa Wasiir Cali Xasan Maxamed Oo Dalka In Baddan Ka Maqnaa Sababo Caafimaad Awgeed, Waxaanu Ku Leenayahay Kusoo Dhawoow, Waxaynu Umahanaqynaa Raxmaanka Fududeeyey Labadii Yeryaraa Ee Kalyaha Iyagu Isku Saaray, Mar Labaadkana Cid Kasta Oo Uduceysay Waxaynu Leenahay Dhamaantiin Waad Mahadsantihiin’’.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Ugu Danbeyn Madashan Soo Dhaweyntan Loogu Sameeyey Ka Hadlay Ayaa Ugu Horeyn Umahadceliyey Madxda iyo Dadweynaha Soo Dhaweeyey, Wuxuuna Umahadceliyey Cid Kasra Oo Usoo Duceeyey Intii Uu Maqnaa. Waxaanu Yidhi.
‘’Waan Umahadcelinayaa Intiina Halka Igu Soo Dhaweysay Saaka, Golaha Wasiiradda, Baarlamanka, Xildhibaanadda Golayaasha Deegaanka Dalka Ka Kala Socda, Waxaan Dhinaca Kale Umahacelinayaa Intii Soo Duceysay Dalka iyo Dibadiisaba, Wax Kale Oo Idhaa Magaranayo Dhamaantiin Waad Mahadsantihiin’’.
‘’Sagal Cabdi Xasan Iyadaa Go’aansatay Inay Kalida Usaarto Walaalkeed, Anigu Umaan Yeedhan Lamana Hadlin, Aabbaheed Ayaa Ila Soo Hadlay Iguna Yidhi Waanu Kuu Imanaynaa Oo Walaalkay Iga Weyna, Sagal Ayaana Usaareysa Kaliyihii Maxamed, Sagal Iyadaa Go’aansatay Inay Kalyaha Saarto, Qatar Ayey Kasoo Dhoofeen, Waxa Jirey Isku Dayo Hore Oo Anigaygan Ku Jiray iyo Walaalkay Igayar, Laakiin May Suurto Galin, Maantana Way Caafimaad Qabtaa oo Sidaanaa Oo Kale Weeyi’’.

‘’Waxoogaa Buuqa Ayaa Dhacay Waad Maqlayseen Ilaahayna Ayaa Dadka Inagu Kala Barayey, Casharo Aduunka Ka Socda Ayey Ka Mid Ahaayeen, Si Toosa Oo Macanawiyana Ayaa La Inoo Tusayey, Ilmo Yar Oo Kalyuhu Fadhiisteen Qofka Wax Ka Dayayey Waxa La Inoo Sheegayaa Inaanu Khayr Ku Jirin, Alle Wuxuu Leeyahay Nafhiina Ayaanu Tusaynaa Inuu Xaq Yahay, Waxa La Ina Baray Dad Noocaasa OO Shar Kasoo Burqanayaa Inay Jiraan, Oo Qof Xanuunsanaya Aan Utudheyn Cidna Aan Ka Waabaneyn’’.
Ugu Danbeyn Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Loo Soo Galbiyey DHinaca Iyo Gudaha Magaaladda.


C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud