waydiimihii tooska ahaa Muuse Biixi la waydiinayay aad ayay naftu ugu diirsatay. hase yeeshee dhibaato ayaa jirta

0
381

waydiimihii tooska ahaa Muuse Biixi la waydiinayay aad ayay naftu ugu diirsatay. hase yeeshee dhibaato ayaa jirta

Hore umaynan arki jirin waydiimaha tooska loogu dhigayo hogaamiyaasha siyaasada ee Somaliland waase bilaw aad u heer sareeya aad moodo inaynu xiliyo badan ku so dhaqmaynay. Wax badan aya ku jira oo faaiido ah dhinaca hogaamiyasha oo kasbanaya taagerayaal iyo shacbiga oo kala arkaya hogaamiyashoda siday kala yihiin jidna u helaya kay dooran lahayen lagu aamini lahaa aayaha umada. Muuse Biixi wuxu muujiyay geesinimo dhiiranan waji furan laab xaadhan, si xishmad iyo waayeelnimo ku dheehantahayna wuu uga warceliyay.

Sidaan ugu dhagana een isha ugu hayay waydiimaha iyo warcelinaha is dhaafaya iyadoon waxba laysu reebayn run ahantii ayaa markaliya darenkaygu is gadiyay dhagaysigiina iska jaray.Dhibkan kaligii MUUSE maaha waxa la wadaaga siyasiyiinta raga aqonyahanada wadaadada waxay ku fiday bulshada oo dhan, afkii hooyo weeye oo lala coloobay lagana doorbidayo afshisheeye marka dadka wax loo sheegayo. sebentti tiriigii ayuu muuse yidhi , aydhi sigisna inuu ku daray ayan filaya tirsigasanadka inta badan waxa lagu sheega sidas waana arin guracan marka loo eego wax ka dhaadhicinta ama qaabka gudbinta maxaa yeelay dadku ma wada yaqaanin tirada ingriisku leeyahay waxase hubaal ah inay wada garanayan tooda afkoodana loogu sheego.

Qofkasta oo dad wax u sheegaya waxa saaran inuu kula hadlo afkooda ay yaqaanan gaarhaan siyaasiga doonaya inuu dad hogaamiya waa inuu xil dheerada iska saro maankana ku hayo iany jiraan dad aan afkooda mooye midkale aqoon.

Igama aha inaan dhaliil u raadinayo Muuse waan sheegay inay boqolkiiba boqol ay ahayd qaabka uu uga warcelinayay waydiimaha ujeedkayga ah inaan wixi darenkaygu ka celiyay soo bandhigoha hadii gef loo qaatona raali galinteeda ku darso waa suurtagal inan qaloocanahay laftigaygu waayo aadami ayaan ahay . XUSEEN WARAABE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here