Wayne Rooney oo Abaarta Gool La’aanta Ka Baxay ee sanadkan uu ku bilowday

0
414

Wayne Rooney oo Abaarta Gool La’aanta Ka Baxay ee sanadkan uu ku bilowday.

Wayne Rooney oo Abaarta Gool La’aanta Ka Baxay Kadib Saddexleey uu Ka Dhaliyay Kooxda Club Brugge Ay U Suurta Galisay In Manchester Utd Ay U Soo Baxdo Groups-ka Koobka Champions League.
Hargeysa(Warsugannews)Club Brugge and Man utd Wayne Rooney has scored his first European hat-trickWayne Rooney oo Abaarta Gool La’aanta Ka Baxay Kadib Saddexleey uu Ka Dhaliyay Kooxda Club Brugge Ay U Suurta Galisay In Manchester Utd Ay U Soo Baxdo Groups-ka Koobka Champions League.

Weeraryahanka Wadanka Ingiriiska Wayne Rooney ayaa soo gabo gabeeyay oo ka baxay abaartii ka heysatay gool dhalinta kadib markii uu saddex gool uu ka dhaliyay kulankii ay kaga horjeedeen kooxda Club Brugge ciyaar ka tirsanayd lugta 2-aad isreeb reebka koobka Champions League oo caawa dhacday taas oo Manchester Utd ay ku badisay 4-0.

Wayne Rooney ended his goal beat Club BruggeGuushaan ay gaareen naadiga tababare Louis Van Gaal ee Manchester Utd ayaa ka dhigayso in Man Utd ay cel celis labada lugood ay kaga badisay 7-1 kooxda ka dhisan dalka Belgium ee Club Brugge iyadoo ciyaartii lugtii 1-aad ay Manchester Utd kusoo badisay 3-1.

Wayne Rooney ayaa goolasha saddexda ah kala dhaliyay daqiiqadihiii 20-aad,49-aad, iyo 57-aad halka goolka 4-aad kooxda Manchester Utd uu u dhaliyay ciyaaryahankooda qadka dhexe dalka Spain Ander Herrera oo dhaliyay goolkiisa daqiiqaddii 63-aad.

Wayne Rooney ended his goal drought with a hat-trickWayne Rooney ayaa dhaliyay goolasha loo yaqaanno saddexleeyda markiisa ugu horeeysay tan iyo sanadkii 2004 markaas oo ahayd xilligiisa ugu horeeyay uu ciyaaro Champions League wuxuuna ka dhaliyay kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga.

Ander Herrera and Man utd players celebMemphis Depay oo u dhashay dalka Holland ayaa afar kamid ah goolasha ay Manchester Utd dhalisay isreeb reebka labada kulan uu isaga masuuliyadeeda uu lahaa labo gool wuu dhaliyay labana wuu baasay.

Kooxda Manchester Utd ayaa ka qeyb qaadan doonto Tartanka Champions League kadib markii ay ka maqneed xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaana isku aadka group-yada koobka Champions League la sameen doonaa maalinta qamiista ee barito ah.

Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here