WAYNE ROONEY OO SEEGI DOONA KULANKA SPAIN IYO KABTANKA SADEXDA LIBAAX EE KULANKAAS OO LA SHAACIYAY

0
674

Kabtanka xulka qaranka England Wayne Rooney ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda sadexda libaax ee wajayahaya Spain kadib dhaawac dhanka jilibka ah oo soo gaaray, waxaana la siiyay fasax uu ugu laabto magaalada Manchester kadib markii uu seegay tababarkii ugu dambeeyay sida ay ku warameen xiriirka FA-ga.

Subaxnimadii Isniinta markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Wayne Rooney uu dhaawac ku seegayo ciyaarta Spain ayuu tababaraha kumeel gaarka ah ee qaranka England Gareth Southgate xaqiijiyay in kabtanka Liverpool Jordan Henderson uu noqon doono hogaamiyaha xulka.

Si kastaba kuma soo bilaabayo Wayne Rooney kulankaan, Jordan Henderson ayaana noqon doona hogaamiyaha qaranka” Ayuu Gareth Southgate ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka.

“Waxaa fure ii ah inaan aamino, waxaan heysanaa hogaamiyeyaal badan kuma fakarayo kaliya inaan hal kabtan heysano”

“Aad bey u weyn tahay masuuliyadda Wayne Rooney, waxaan u baahanahay inaan la wadaagno, marka aad heysato koox ay ka buuxaan hogaamiyeyaal waxaad awoodaa inaad guulo gaarto” ayuu isku qanciyay Gareth Southgate