Wefti heer qaran ah oo uu hogaaminaayo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Xasan Daahir Dhinbiil ayaa gaadhay Nairobi.

0
446

Wefti heer qaran ah oo uu hogaaminaayo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Xasan Daahir Dhinbiil ayaa gaadhay Nairobi.

weftigan oo la filaayo inay maalmaha soo socda shirar kala duwan la qaataan Hay’addaha UN ka ee fadhigoodu yahay Dalka Nairobi ayaa la filayaa in lagu soo qaado qorshaha mashaariicda Somaliland lagu horumarinaayo sanadka cusub ee fooda inagu soo haya 2016ka, halka sanadkii tegayna lagu soo qaadi doono wixii ay somaliland ka qabteen iyo wixii aan uga fulin mashaaricii ay ugu talogaleen.

Hadaba waxa Galabnimadii maanta markay saacadu ahayd 7pm gaadhay Nairobi wafti uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka caafimaad oo kala ah, agaasimaha Guud ee wasaarada Biyaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan wasaaradahaas oo shirirkale duwan kaga qaybgelaya dalka Kenya.

wixii warar dheeraada ee ka soo baxa shirarkaasina waxaanu idin ku soo gudbindoonaa warbiximaha danbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here