Weftigii Madaxweynaha Somaliland Hogaaminayey Oo Gaadhay Ingiriiska Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Oo Ka Hadlay

0
290

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Hogaaminayey Oo Gaadhay Ingiriiska Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Oo Ka Hadlay

London (Warsugan) Weftigii uu hogaaminayey madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa shalay gaadhay wadanka boqortooyada Ingiriiska, halkaasi oo ay soo dhaweyn kala kulmeen safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Ingiriiska mudane Cali Aadan Cawaale.
Wasiirka madaxtooyadda mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi oo warbaahinta la hadalay markii ay gaadheen wadanka Ingiriiska ayaa ka war bixiyey ujeedada socdaalka weftiga ee London, waxaanu yidhi “Si nabad qab leh ayaanu galabta halkan u soo gaadhnay weftigii uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland hogaaminayey wadankan Ingiriiska magaalo madaxda London. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku sugnaan doonaan wadanka Ingiriiska mudo kooban, socdaal kooban ayaanu halkan ku nimi taas oo looga gol leeyahay in la kobciyo xidhiidhka labada dal, bulshada la wacyi-galiyo loo xog waramo maadama oo ay dalkan ku nool yihiin jaaliyad badan oo Somaliland ah oo xoog weyn ah”

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlayey xoojinta ay Somaliland ugu jirto kor qaadka cilaaqaadka ay la leedahay wadamada beesha caalamka ayaa yidhi “Waxa aanu ka soo kacnay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta caasimadiisa Abu Dubai halkaas oo weftiga madaxweynuhu hogaaminayey ay ku sugnaayeen mudo maalmo ah; ujeedada socdaalkaygu waxay salka ku haysay xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo horumar ee wadanka Imaaraadka Carabta inaga oo xidhiidh fara badan leh oo dad walaaleheena ay yihiin waxa aanu jecelnahay inaanu kordhino xidhiidhka Imaaraadka Carabta iyo guud ahaan dalalka ay Somaliland wada shaqaynta leeyihiin”

Xigasho Wargeyska Warsugan