Weftigii WADDANI ee Nayroobi oo Dalka Dib-u-gu Soo Laabtay Kana War-bixiyey Guulahii u Soo Qabsoomay+SAWIRO

0
993

Weftigii WADDANI ee Nayroobi oo Dalka Dib-u-gu Soo Laabtay Kana War-bixiyey Guulahii u Soo Qabsoomay+SAWIRO

Hargeysa(WSN):-Weftigii uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) ee maalmahii ugu dambeysay socdaalka ugu maqnaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya isla mar ahaantaas na halkaasi kulamo daarnaa gurmadka abaaraha iyo xayiraadda ay dawladda Sucuudiga saartay Xoolahii Somaliland la yeeshay safaarado badan oo wadamo ka tirsan beesha caalamka ahi ay ku lee yihiin magaalada Nayroobi, uru-goballeedyo, xildhibbaano baarlamaan iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin aad u tira badan, ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Mas’uuliyiinta weftigan ee maanta dalka dib ugu soo laabtay oo ay ka mid ahaayeen Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali, Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif, siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo weli ba sida oo kale xoghayaha xidhiidha wadamada Carabta iyo Xisbiga WADDANI Ambassador Safiina, ayaa ka dib markii ay ka soo degeen madaarka Hargeysa, waxa ujeedka socdaalkooda ay ugu maqnaayeen dalka Kenya warbaahinta uga warbixiyey Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif isaga oo sheegay in halkaas ay kula soo kulmeen wadamo badan kuwaasi ay gaadhsiiyeen fariimo ay ka mid ahaayeen xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo weliba Xoolaha ay joojisay dawladda Sucuudigu.

“Sida aad la wada socoteen, waxa aanu safar ballaadhan ugu baxnay magaalada Nayroobi, oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Xisbiga ahna Murashaxa WADDANI, oo safar shaqo u tagay dalka Kenya, safarkaasi na siddii aad ujeedadiisa aad ka war hayseen waxa uu daarnaa duruufaha dalka ka jira oo aynu runtii xilligan ku jirno xilliyo aad u adag oo ay ka mid tahay abaaro baaxadle oo saameeyey dalka guud ahaantii, waxa kale oo jiray duruufao kale oo inagu gedaaman oo Xoolahii ay ka mid yihiin oo loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga oo ahaana suuqii ugu weynaa ee xoolaheenu ay tagi jireen, sidaas awgeed Xisbiga WADDANI isaga oo gudanaaya waajibaadka qaran ee saaran waxa ay safar ku tageen wadanka Kenya oo maanta ah xarun ay fadhiyaan ama iskugu yimaadaan wadamada caalamka iyo hay’adaha caalamka oo idil dhammaantood ba oo intoodii badnayd ay halkaas joogaan, waxa aanu halkaas u tagnayna waxa ugu weynaa in la gaadhsiiyo fariinteena iyo duruufaha inagu gedaaman dhammaantood ba oo la tuso lana dareensiiyo dhibbaatadu baaxadda ay leeg tahay oo iyagu na ay biyo iyo baad ba ka qeyb qaataan dhibbaatooyinkan taagan siddii xal looggu heli lahaa.”.Ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif

Md.Cabdirisaaq Khaliif oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Weftigu siddii aad hore ba u ogeydeen waxa ay la kulmeen illaa todoba safaaraddood, waxa kale oo ay la kulmeen ururo caalami ah oo urur goballeedka IGAD uu ka mid yahay, dhammaantood na kulamaddii aanu la qaadanay waxa ay ahaayeen kulamo midho dhal ah oo aanu is lee nahay qaranka wax badan bay u tari doonaan. may ahayn wax aan is idhaahdo sas baa laga muujin karaa ama cid bay damqi kartaa waxaas oo kale se waxa aan u malaynayaa nimankii meelahaas ka qeyl qaylinaayey, waxa ay ahaayeen rag naftu meel ay ka baxdo uun doonaayey in ay kula soo gal-gashaan Xisbiga iyo madaxdiisa dhibbaatooyin ay ku filnaan kari waayeen oo ay ahayd in iyagu ay xal ka gaadhaan, iyagu ahayd in ay horseed u noqdaan halka ay kaga habsaameen xaflado iyo marba fooladeyn dad aan hada munaasib ku ahayn, waxa ay ilaabeen in Xisbiga iyo xubnahan ba in dalka iyo dad ka uu xil ka saaran yahay, xattaa haddii aanu gudduumiyaha Baarlamaanku na la socon lahayn dhammaantayo xil baa na wada saaran, muwaadin kasta na sidaas uun buu xilkaas u saaran yahay, nin walba na halkii uu gaadhsiin karaayo in uu gaadhsiiyo uun baa la innooga baahan yahay.”.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa cabiray maadaama oo ay mas’uuliyiin qaran yihiin kaalinta ay kaga jiraan siddii ay indhaha beesha caalamka ugu soo jeedin lahaayeen dhibbaatada abaareed ee dalka ka taagan.

“Ujeedka weftigu wuxu ahaa in aanu safar ugu baxnay dalka Kenya oo aanu safaarado badan kula soo kulanay, waana xil culus oo saaran dawladda mas’uuliyiinta qaranka iyo muwaadiniinta ba, waxaana runtii loo baahnaa xilkaas in qof walba uu guto haddii ay tahay dhibta abaaraha ee maanta dalkeena haysata iyo haddii ay tahay qadiyaddeena iyo weliba dhammaan dhibbaatooyinka kale ee ina la soo dersa ba, dhammaantood waa kuwa loo midoobo, waa kuwa qof walba waxa uu ka qaban karayo uu ka qabto, waxaana ay ahaan jirtay in wax kasta oo qofku qaranka u soo qabto in la isku mahadiyo oo mar walba xaajadu waxa ay ahayd sideynu wax u wada qabanaa ee aynu wada midownaa, anagu haddii aanu cagahayga ku tagnay halka dhibtu ka jirto, maaha wax aanan soo arkinee, waanu soo aragnay oo waxa aanu qeybinay intii awoodayada ahayd , intii dalka ayaanu ugu baaqnay in ay gurmadkaas ka qeyb-qaataan hada na dibaddii ayaanu fariinteenii gaadhsiinay oo dunidii baanu u tagnay, xaqbaana aanu u lee nahay oo waa waajib qof walba saaran oo Islaam ah. marka dhibta noocaas oo kale ahi timaado na waa la isku yimaadaa oo talo ayaa la wadaa, haddii ciddii gacanta ku haysay ay ka gaabiso na ciddii kale ayaa arrintaas qabata oo markaa ciddii wax qabata waxa ay ahayd in inta loo yeedho la yidhaahdo waar yaadhaheen maxaynu qabanaaa oo maxaad soo aragteen oo halkaynu wax ka qabanaa laakiin se wixii kale ee buuqa ee la sameeyaa waa wax aan ku habbooneyn dalka.”.Ayuu yidhi Xirsi

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in hawsha ay soo qabteen ay ahayd mid qaran isla mar ahaantaana aan cid gaara lagu xumaynaynin.

“Hawsha aanu u baxnay may ahayn hawl cid gaara lagu xumaynaayo ama dawladda wax looggu dhimaayo ama dalka wax looggu dhimaayo oo wax lagu yeelaayo, waxa ay ahayd hawl saaran qof kasta oo reer Somaliland ah meel kasta oo uu joogo, anaga se Xisbi ahaan weli ba Murashaxa Xisbiga oo ahna guddoomiyaha Baarlamaanaka,xilka na saarani waxa weeye in aanu dalka wixii jira qabano inta na saaran ee waajibka ah nagu ah, may ahayn wax cid gaara lagu xumaynaayo , Xisbi mucaarad ah ayaanu nahay laakiin wax ceebayna iyo dhaleecayna iyo weli ba wax wadanka wax u dhimaaya midna may ahayn e’ xil na saaran uun baanu soo gudanaynay, haddii ay Xukuumaddu aragtay in aanu ka tallaabo horeynayna waxa ay ahayd in ay tallaabadayaddaas ay soo dhaweeyaan oo ay yidhaahdaan maxaad soo qabateen oo halkee ayey wax ka dhiman yihiin aanu soo dhammaystirnee laakiin may ahayn in laga dhigo dad dawladda af duubaaya oo inqilaab samaynaaya.”.Ayuu yidhi Maxamed Xaaji Cali Cabdi

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ugu dambeyntii isna halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in hawsha ay soo qabteen ay ahayd hawl qaran oo uu ka gaabiyey Xisbiga KULMIYE isaga oo si aadana ugu dhalliilay in uu dantii qaranka uu kaga mashquulay olole siyaasaddeed iyo xaflado u gaara.

“Marka hore Alle ayeynu ka baryeynaa in roob khayr qaba ina siiyo, Ilaahay abaarta ha inaga soo jebiyo. Hadalka maanta halkan yaalaana waxa weeye Somaliland maanta waxa ay ku jirtaa xaalad adag oo abaareed, xaalad qof kasta in uu ka damqado awgeed ay tahay ayey ku jirtaa, waxa intaa innoo weheliya iyada oo shaygii kaliya ee dhaqaalaheenu ku tiirsanaa oo Xoolaha ahaana la inaga joojiyey, marxaladdaasi waxa ay nooggu muuqatay mid aan dhibayn Xisbiga KULMIYE ee talada dalka haya. KULMIYE waa Xisbi xaakimkii, kaalintaas gurmadka ee shacabkiisa na haddii ay abaar tahay iyo haddii ay xoolo tahay ba wuxu kaga mashquulay oo aad ka war haysaan in uu ku jiro olole aan wakhtigiisii la gaadhin haddii uu bari u baxay iyo haddii uu galbeed u baxayba wuxu ku jiraa olole illaa maanta na wuu ku jiraa, waxaana noo muuqatay Xisbi ahaan in kaalintaasi ay tahay mid la gabay oo uu gabay Xisbiga talada hayaa. Markaa maadaama loo baahan yahay in kaalintaas la buuxiy wuxu Xisbigu go’aan ku gaadhay xilkaas in isagu uu qaato isaga oo Xisbi ah, Xisbi qaran ah iyaga oo muwaadiniin ah iyo iyaga oo mas’uuliyiin ah ba, go’aanku na waxa uu ahaa mid dalka looggu gurmanaayo ee muu ahayn mid dalka wax looggu dhimmaayo, mid xukuumadda wax looggu dhimaayo muu ahayn, mid Xisbi Xaakimka laftiisa wax looggu dhimaayo muu ahayn, laakiin wuxu ahaa in baaqaas fariinta ah ee gurmadka ah l gaadhsiiyo meeshii kasta ee la gaadhsiin karo.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)