Wenger oo diyaar u ah in uu dib ula midoobo Fabregas

0
389

Arsenal waxa ay diyaar u tahay in ay dalab la yaab leh ka gudbiso Cesc Fabregas si ay ugu soo celiso gegida Emirates, sidaas waxaa laga soo xiganayaa Daily Express.

Fabregas boos joogta ah kama haysto safka kowaad ee Conte waxaana laga door bidayaa Nemanja Matic iyo  N’Golo Kante.

Dhaawac soo gaaray Nemanja Matic ayaa siiiyey fursad Fabregas kulankii Manchester City  waxa ayna ku badiyeen 3-1.

Hadii bandhigiisii wacnaa ee shalay aysan qancin Conte, Wenger ayaa diyaar u ah in uu dib ula soo laabto.

Caqabad weyn ayey ahaan doontaa maadama ay Chelsea aysan ogolaan doono in ay ka iibiso xiddigooda koox ay horyaalka ku loolamaan.