West Ham oo u sheegtay Payet inuu ixtiraamo qandaraaskiisa

0
385

Milkiilaha kooxda West Ham United ayaa soo faragaliyay xaalada xun ee laacibkiisa Dimitri Payet kaas oo doonaya inuu dib ugu laabto dalkiisa.

Payet ayaa heshiis waqti dheer ah u saxiixay kooxdiisa bishii February ee sanadkii hore, laakiin laacibka ayaa codsaday in la fasaxo maadama uu dareemayo culays dhanka qoyskiisa ah.

David Sullivan oo ah milkiilaha kooxda West Ham United ayaa ugu baaqay Payet inuu ixtiraamo qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa.

Mowqifka maamulka kooxdu uu kataaganyahay arinka Payet waa mid iska cad, waana in aan niyad loohayn iibkiisa, ma jirto dhibaato dhaqaale oo nagu riixaysa iibkiisa, mana iibin doono suuqaan janaayo” ayuu yiri David Sullivan.

“Waxa kaliya ee aan haatan ka codsanayno Payet waa inuu ixtiraamo qandaraaskiisa kooxda, waa inuu ixtiraam badan u muujiyaa West Ham si lamid ah sida kooxda iyo taageerayaashu ay isaga ugu sameeyeen”.