WiIl Sheegtay Inuu dhalay Bill Clinton oo Obama ka codsaday sidii uu u aqbali lahaa Clinton inuu dhalay:

0
351

Danney Williams oo 30 jir ah oo sheegtay inuu yahay wiilka maaxweynahii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa mar kale ka codsaday Barack Obama inuu gacan ka geysto sidii uu u cadeyn lahaa in uu yahay wiilka Bill Clinton.

Wiilkaan ayaa ku doodaya in uu ku dhashay galmood sharci daro ah sida uu yiri isla markaana hooyadiis ay la seexaday Clinton xiligii uu ahaa dhalinyarada, 13 jeerna u galmooday.
Danney ayaa wuxuu ka codsaday Madaxweyne Barack Obama in uu aamino tijaabada dheecaanka ee DNA taasoo wax walba kala caddeyn karta, hase ahaatee waxaa si cad u inkiray Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton.

Sidoo kale, hooyada dhashay wiilkaasi ayaa iyadana ku doodaysa iyadoo tiri “Waa uu ii galmooday Clinton oo wiilkaan isagaa iga dhalay.

Bill Clinton ayaa xiligii uu ahaa Madaxweynaha Mareykanka la kulmay dhowr fadeexo oo la xiriira galmood taasoo laga xusi karo fadeexadii Monica Lewinsky oo xafiiskiisa ka shaqeyneysay.