Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Isku Badel iyo Magacaabis Ku Sameeyey Wasaaradaha
Dawladda iyo
Hay'adda Qaranka Qaar Ka Mid Ah
Saddex masuul oo loo magacaabay xilal cusub iyo laba
agaasime guud oo laysku badelay iyo maareeye xilkii laga qaaday
Hargeysa (Warsugan) Madaxweynaha Somaliland
Mudane, Axmed Siilaanyo ayaa isku badal ku sameeyey qaar ka mid ah
agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka, halka uu xilkii ka qaaday maareeyihii
hore ee Hay'adda abaabulka ka saarka qaranka (NDC) Jamaal Caydiid
Ibraahim, sidoo kalena wakiil cusub u magacaabay safaaradda ay Somaliland ku
leedahay Itoobiya.
Madaxweynuhu
wuxuu wasiiru dawlaha wasaaradda qorshaynta
u magacaabay wakiilkii hore ee itoobiya u fadhiyey Somaliland Maxamuud
Aaden Jaamac Galaal, Waxaanu isku
badelay laba agaasime guud. Halka Aadan Muuse Jibriil loo magacaabay wakiilka
Itoobiya ee Somaliland. War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka
madaxtooyadda Somaliland mudane, Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
ayaa lagu yidhi "Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto
madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XILQ/249/1-3881/022016 uu magacaabid,
isku-bedel, iyo Xilka qaadis ku sameeyey qaar ka mida Masuuliyiinta laamaha
kala duwan ee Xukuumadda.
Madaxweynuhu:-
Markuu
Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu
Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu
Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta
Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka
Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku
Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane,
Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru
Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda
Somaliland. (Bedel Wakiilkii hore Somaliland u fadhiyey
Itoobiya).
Ø MAGACAABIDDA WAKIILKA CUSUB EE
ITOOBIYA:
Madaxweynuhu:-
Markuu
Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu
Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka dibeddu u leeyihiin
dhismaha Qaranka;
Markuu
Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u
fadhiya Dalka Itoobiya;
Markuu Ka
Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku
Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Aaden
Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda
Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya.
Ø ISKU BEDELKA AGAASIMEYAASHA GUUD:
Madaxweynuhu:-
Markuu
Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu
Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha
Qaranka;
Markuu
Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha
Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Agaasimaha Guud ee Xannaanada Xoolaha ee
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka
Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku
Qancay: In ay hanan karaan xilalkaa loo magacaabay;
Wuxuu
go’aansaday
1. In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee
Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha)
2. In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda
Somaliland. ( Bedel Agaasimihii Guud ee hoe ee
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda)
Ø MAGACAABIDDA GUDOOMIYE KU-XIGEENKA HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA:
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Gudoomiye Ku-xigeenka Hay’adda
Shaqaalaha Dawladda;
Markuu Ka
Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu
go’aansaday
In Mudane,
Maxamuud Cabdillaahi Xarbi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye
Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ø Magacaabidda & Xilka Qaadista
Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC)
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranku u leedahay
Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka
Qaranka.
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku qancay: in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu
go’aansaday
In Mudane,
Ibraahim Axmed Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha
Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ø Ujeeddo: Xil-ka
Qaadis
Ku:
Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahim
Maareeyihii Hore ee Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka
(NDC)
Mudane,
Waxaan kaaga
mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka
Qaranka (NDC). Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo
kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaas darteed,
waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul Ka Saarka
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (NDC).
Haddaba, waxaan
kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay
Mudane, Ibraahim Axmed Raabi oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh.
Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Eng Faysal Cali Waraabe Oo Xukumadda Ugu Baaqay
Inay Talaabo Degdeg Ah Ka Qaaddo Dhul Balaadhsi Maamulka Puntland Wado
Hargeysa(Warsugan) Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng
Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in maamulka Puntland bilaabay qorshe dhul
balaadhsi oo ay ugu soo fidayaan Somaliland. Waxa uu ka hadlay dagaal dorraad
dhexmaray ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland oo sababay
dhimashada qof shacab ah.
Eng Faysal ayaa tilmaamay in maamulkaasi Bariga Somaliland hadimo
ku hayay muddooyinkii uu jiray islamarkaana gobollada Sool iyo Sanaag Bari ka
dhigay dhul lagu muransan yahay. Arrintaasi oo dib u dhigtay hawlaha dawladnimo
ee gobolladaasi laga hirgalin lahaa, sidoo kalena beesha caalamku halkaasi u
aragtay dhul muran ka taagan yahay.
“Kaantaroolkii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia ee Garoowe 6Km u
jiray ayaa la soo qaaday oo hadda 30Km ayuu gudaha ugu jiraa Somaliland. Hal
qof oo shacbiga Somaliland ah oo ka hor tagayay dhulfidsigaasi ayaa ku dhintay.
Dadkii reer Sool jeclaa ee odhan jiray maxay Somaliland u noqon waayeen, maanta
ayay inoo baahan yihiin, qarannimadeeniina khatar bay ku jirtaa, shacbigeenii
khatar buu ku jiraa oo dhul fidsi baa la bilaabay. Xudduudii garoowe ayaa la
soo durkinayaa, sababtoo ah halka xadkeenu maro iyo madaxtooyada Puntland waxay
isku jiraan ilaa saddex Kilomitir,” ayuu yidhi Eng Faysal.
Guddoomiyaha xisbiga Ucid wuxuu xukumadda u soo jeediyay inay
tallaabo ka qaaddo qorshaha Puntland “ Waxaan leeyahay xukumadda arrintaas
jirta waa inay si dhakhso ah uga jawaabtaa. Shacbiga reer Somaliland waxaan
leeyahay waa in la garab istaagaa shacbiga reer Sool. Waxaa suurto gashay wixii
baryahaba la sheegayay ee la lahaa nimankani dhul fidsi ayay wadaan ayaa suuro
gashay oo ay si cad uga badheedheen.
Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii u
dambeeyay bulshada gobolka Sool degtaa si weyn uga cadhaysan yihiin qorshaha
maamulka Puntland ku soo durkiyay kaantaroolkiisa, islamarkaana dagaallo ka
dhaceen degaanka Dixin oo laga dhigayo barta kaantarool. Waxgaradka Sool ayaa
sheegaya inay duulimaad dhul balaadhsi u arkaan qorshaha maamulka beelaysan ee
Puntland ku soo qaaday dhulkaasi.
Xildhibaan Nac-nac Oo Noqday Xildhibaanka Kaliya
Ee Booskiisa Waxqabad Ee Golaha Wakiiladda In Lagu Tartamo 11 Sano Kadib
Hargeysa (Warsugan) Xildhibaan
Axmed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah 82 Xubnood ee ka tirsan Golaha Wakiilada
Somaliland ayaa si weyn uga dhex muuqday mudooyinkii uu ka tirsanaa Aqalka
golaha wakiilada.
Xildhibaanka
oo ku sifoobay dhinaca adeegyada bulshada ha noqoto wadooyinka ama taakulada
dadka jilicsan ee uu inta badan ka caawiyo dhanka quudinta cuntooyinka,
dhismaha hoy ay ka galaan dhaxanta, cadceeda, iyo dibedyaalnimada ayeynu ku so
qaadan doonaa qormadan maanta.
Hadaba
Xildhibaan Nac-nac muxuu ka dhaxlay arrimaha taakulada bulshadiisa uu u fidiyo,
aynu yara jaleecno kuna daadegno doorkaa uu ka dhex muuqday xildhibaanku oo ah
mid waajib ku ah, ahaydna sababihii loo soo doortay xildhibaanka balse waxa u
dheer oo maanta shaqsi walba oo ka mida bulshada Somaliland guclo ugu jiraa
sidii uu ku noqon lahaa nac-naca golaha danbe ee la soo dooran doono, sababta
oo ah waxa in dhawaydba dhegaxa bulshada ku soo noq-noqota, marka lagu kulmo
munaasibadaha uu Madaxweynaha Qarankuna joogo, mudane Madaxweyne waxa aanu iska
soo dooranayn Hebel oo noqon doona Nac-naca noo qaabilsan waddo heblaayo
bilowgeeda ama Mudane Madaxweyne markaanu aragnay in aanay wadadaasi ka
maarmayn in aanu u helno nac-nac oo kale waxa aanu dib isugu noqonay in aanu
hebel u garano nacnac noo dabataagnaada hawlahaasi iyaga ah, taas oo ay ugu
danbaysay wakhti uu madaxweynuhu dhagax dhigayey wadada isku xidha burco iyo
hargeysa oo ay sulaadiin ka mida dadkii hawshaasi faraha ku hayey ay isku
magacaabeen xilkaa nacnac madaxweynuhuna uu sidaasi ula socdo.
Taas
waxa aan u soo qaatay oo ay daliil cad u tahay in xildhibaankaasi yahay
xildhibaan la majiirtay oo la qiray kartidiisa iyo dedaalkiisa muwaadinimo,
balse aynu u baahanay in qof walba kaga daydo dedaalka iyo taakulada
bulshadiisa.
Goobo
badan oo bulshadu ku kulanto ayaa kafta ugu badani yahay war hebel ma nacnac
ayaad noqotay mise waad iska dhigaysaa, iyadoo looga danleeyahay uun waxbaad
qaybisay ama dad baahan ayaad ka hadlaysaa,
Hadaba
isku soo wada duuboo muhiimada iyo mudnaanta ku jirta arrimahaas ayaa ah in
dadkeenu yihiin kuwo ka dhego xidhan wanaaga ama samafalka ay tahay in aynu ugu
tabarucno walaaleheena baahan ee darxumada iyo diiftu saamaysay kuna dhaqan
gobolada dalka.
Sidoo
kale xildhibaanku waxa uu xil weyn iska saaray bilicda caasimada Somaliland oo
uu ku soo kordhiyey wadooyin la odhan karo waa wadooyinkii u horeeyey ee qof
aan ka tirsanayn Golaha Deegaanka, ha noqdo maayar ama maayar ku xigeen iyo
Xoghaye tooni uu hindiso inuu dhamaystiro waddo muhiima oo caasimada waxbadan
ku soo kordhisay.
Waxaana
mid loo baahan tahay in aynu wax kaga dayano oo aynu muujino kaalinteena
muwaadin-nimo inaga oo garab iyo gaashaan la barbar istaagayna dawlada hoose ee
caasimada Somaliland ama Gobolada kaleba ee aynu maanta culayska ku saarno inay
keligeed wax ka qabato arrimaha magaaladu la ciir ciirayso ee dhinaca bilicda
la xidhiidha, hadiise sidaa xildhibaan nacnac aynu meel uga soo wada jeedno
danta qaranka iyo ta shacbiga waxa
hubaala in aynu berina la iman doono kaalin muhiima oo aynu madaxweyneyaasha ka
caawino si ay dalkooda horumar ugu hogaamiyaan ama u horseedaan.
Saraakiisha
Somaliland Oo Wacad Ku Maray Inay Garoowe Soo Taaban Doonaan Haddii Puntland
Soo Xadgudubto
Laascaanood
(Warsugan) Saraakiisha ciidanka qaranka ee Gobolka Sool ayaa wacad ku maray
inay soo taaban doonaan gudaha magaaladda Garoowe, waxaanay farriin u direen
maamulka Garoowe iyagoo ugu baaqay inay dib uga gurtaan degaanadda ay faraha la
soo galeen. "Aniga oo ah taliyaha ciidanka gobolka Xaysimo Taleex
magacayaanaga la yidhaahdo Cabdisalaan Yuusuf Muuse ( Cabdisalaan Siigaale)
waxaan u digayaa maamulka Punltand oo ay hormuud ka yihiin Ciise Maxamuud
(Qabiil) ee ay ku soo duuleen meesha la yidhaahdo Bixin iyo Wow oo ay ka
samaynayaan degaan, waxaan uga digaynaa maamulka Puntland inay si deg deg ah
baxaan, haddii ka bixi waayaana waxaan u sheegaynaa in talaabo deg deg ah oo
kama danbays ah in aanu ku soo qaadanayno haddii aanay maamulka Puntland si deg
deg ah u bixin inay jawaabteeda helayaan"
" Anigu waxaan ahay sarkaal ka tirsan
ciidanka qaran, kana imi jiida Boocame soona indha indheeyey ee uu boobayo
ninka la yidhaahdo Ina Farweyne ee ay ku
boobayaan maamulka, waxaan leeyahay ka noqon nin aqal muraayad ah ku jiraa ma
shiido nin aqal cariish ah ku jiraa, waxaan ku leeyahay ka noqo weynu isugu
imanaynaa, Walaahi waa la seexan waayi Garoowe, dib uga noqda oo ka gurtay oo
yeynaan galabta isugu iman" Sidaas waxaa yidhi sarkaal kale oo ka tirsan
ciidanka qaranka gaar ahaana Boocaame
Madaarrada
Kenya Oo Heegan Ka Galay Weerarro Qorshaysan Oo Al-Shabaab La Damacsan Tahay
Madaarrada Mambasa iyo Nayroobi
Nairobi(Warsugan) Booliska Kenya ayaa Isniintii
shalay la galiyay heegan sare kadib markii hay’addaha sirdoonku ka war heleen
weerarro argagixiso oo lala damacsan yahay madaaradda diyaaraddaha ee Kenya.
Madaxda garoomada diyaaraddaha ayaa la siiyay digniin la xidhiidha inay ka
tabaabushaystaan weerarro qorshaysan oo la mid ah kii diyaaradda Daalo ku
qabsaday magaalada Muqdisho.
Warqad qoraal ah oo loo diray maamullada
madaaradda Kenya ayaa lagu sheegay in koox Al-shabaab ka tirsan loo tababarayo
weerarro qorshaysan oo ay ka fuliyaan madaaradda Kenya, iyagoo damacsan inay
hawada ku qarxiyaan duullimaadyada ka haada madaaradda Nairobi ama Mambasa.
Waxaa lagu wargeliyay maamullada inay arrintaasi ka tabaabushaystaan.
Warqadda digniinta ah oo ku taariikhaysan 26-kii
February, kuna saxeexan yahay maareeyaha hay’adda amniga madaaradda Kenya Mr
Eric Kiraithe ayaa lagu sheegay in Somalia lagu barayo koox fulinta hawlgallada
la xidhiidha sidii hawada diyaarad loogu qarxin lahaa, iyadoo marka hore laga
raacay madaarka “Koox 11 naftii hure ah ayaa tababar uga socdaa gudaha Somalia,
tababarkaas oo ku saabsan hawlgallada ismiidaaminta hawada, waxayna diyaar u
yihiin weerarrada. Shan hawlgal waxaa lala beegsanayaa garoonka caalamiga ah ee
Jomo Kenyatta ee Nairobi ama madaarka Wilson Airport, halka inta kale lagu
bartilmaameedsan doono garoomada gobolka Xeebta, garoonka caalamiga ah ee Moi.
Mr Eric Kiraithe waxa uu intaasi ku daray in
ujeedada weerarradan Al-shabaab qorshaysay yihiin sidii loo dhaawici lahaa
ammaanka qaranka Kenya iyo sidii khalkhal loo galin lahaa hannaanka shaqo ee
madaarada “Weerarrada Al-shabaab qorshaysay ee ka dhanka ah Kenya waa kuwo lagu
curyaaminayo hawlgallada sida muhiimka ah u nidaamsan iyo khalkhalinta ammaanka
qaranka ee cagaha ku taagan,” ayuu yidhi Eric.
Digniinta madaarada Kenya heeganka lagu galiyay
ayaa imanaysa todobaado kadib weerarkii diyaaradda Daalo lagula beegsaday
magaalada Muqdisho, taasi oo iyadoo hawada ku jirtay 15 mirir qarax ka dhacay.
Baadhitaannada ayaa lagu ogaaday in naftii hore ahi diyaaradda oo Jabuuti ku
wajahan raacay balse lama oga halka qaraxaasi ku jahaysnaa, balse ninka qaraxa
lagu tuhunsan yahay ayaa kaligii qaraxu kala baxay diyaaradda, halka laba qof
oo dhaawacmay mooyee todobaataneeyo diyaaradda saarnaa si nabad ah ugu soo
noqdeen madaarka Muqdisho.
Wasaaradda
Macdanta iyo Tamarta Somaliland Oo Markii U Horaysay Tababaraysa Isuduwayaasha
Gobollada Ee Wasaaradda
Hargeysa(Warsugan) Masuuliyiinta wasaaradda macdanta iyo tamarta
Somaliland ayaa markii u horaysay tababar u furay isu duwayaasha wasaaradda ee
gobollada dalka. Wasiirka wasaaradda Xuseen Cabdi Ducaale ayaa furay tababarkaasi
oo Hargeysa uga soconaya muddo saddex cisho ah. Wasiiru dawlaha wasaaradda,
Aggaasimaha guud, Afhayeenka wasaaradda, madaxa maamulka iyo masuuliyiinta kale
ee wasaaradda ayaa goob joog ka ahaa furitaankii tababarka masuuliyiinta
laamaha wasaaradda ee gobollada oo kor loo qaadayo aqoontooda maamulka iyo
shaqada ay u igman yihiin wasaaradda.
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo furitaankii kulanka la hadlay
Isuduwayaasha ayaa tilmaamay qodobada xoogga lagu saari doono tababarkan
saddexda cisho ah “Tababarkani wuxuu soconayaa saddex cisho. Waxa aanu ugu talo
gallay inaanu hawsha aad gobollada u joogtaan idinka tayaynno oo idin siinno
macluumaad dhammaystiran oo aad ku hawlgashaan. Tababarkani waxa weeye in si
fiican la idiinka dhaadhiciyo sida waaxyaha maamulka ee gobolladu u shaqeeyo,
si idinkoo hawshiinna dawliga ah fahansan shaqaddiina uga soo baxdaan. Waxaa la
idiin sharrixi doonaa hawlaha maamulka haddii ay maamul noqoto, hadday maalidda
iyo xisaabaadka noqoto iyo hadday shaqaalaha noqotaba, markaa waxaanu doonaynaa
in aad halkan ka baxdaan idinkoo waxyaabo badan fahansan,” ayuu yidhi wasiirka
macdanta iyo tamartu.
Wasiirku waxa uu sidoo kale u sheegay isu duwayaasha in
masuuliyadda wasaaraddu tahay macdanta, tamarta(korontada) iyo shidaalka loona
baahan yahay inay saddexdaasi hawlood si fiican uga hawlgalaan “Waxaanu
doonaynaa inaanu si culus idin hawl gallinno oo saddexdaas qaybood ee
wasaaraddu masuulka ka tahay aad ka hawl gashaan oo imika aad moodo hawl badan
inaanay ka socon laakiin aanu doonayno inaanu dardar gallinno. Waxa ugu weyn
waxa weeye macdanta oo meel walba dalkii si sharci darro ah loo wado ee dad
badan waxay wadaan ba la ogayn, waxaas oo dhan waxaa la doonayaa in gobollada
masuul ka tihiin ciddii macdan soo saaris ka waddaa aanay shaqo qaban haddaanay
idinka idin soo marin,” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirka macdanta oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay
shaqaalaha iyo xafiisyada wasaaradda ee gobollada tayaynayaan “Waxaanu
doonaynaa in waxyaabaha aad baahida u qabtaan ee gawaadhidu ka mid tahay, ee
xafiisyo ka mid yihiin, ee qalabkii xafiisyada iyo kombiyuutarradii ka mid
yihiin intii tamartayadu tahay ee kharashkayagu noo saamaxayo inaanu idinka
kabno, oo noqotaan xafiis shaqaynaya oo maamul leh,” ayuu yidhi wasiir Xuseen
Cabdi Ducaale.
Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, wasiiru dawlaha wasaaradda Macdanta
iyo Tamarta ayaa isna si kooban ula hadlay isu duwayaasha wasaaradda “Isu
duwayaasha gobolladu aad iyo aad bay wasaaradda muhiim ugu yihiin, waayo? Waa
gacmihii gaadhayay meesha aanay wasaaraddu gaadhayn. Waa kuwii xogta soo
ururinayay, sidaasi awgeed waa inay noqdaan dad tayo leh, garanaya waxay
qabanayaan, xidhiidh joogta ahna la leh wasaaradda. Aad baanu uga doodnay sidii
la idiin xoojin lahaa, wasaaraddu waxay tamar leedahayna way idin taageeraysaa,
idinna ka faa’iidaysta maalmaha tababarkan socdo, soona gudbiya wixii aad
tabanaysaan,” ayuu yidhi wasiiru dawluhu.
Maxamed Mixille Boqorre, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda
ayaa isna kulankaasi ka hadlay waxaanu madaxda wasaaradda ku bogaadiyay
tababarka ay siinayaan laamaha gobollada “Aad bay u fiican tahay inaad
hagaajisataan maamulkii gobollada, shaqaalana inaydaan haysan baan u malayn,
haddaad shaqaale yeelataan shaqaalaha xuquuqdooda waa la ilaalinayaa laakiin,
shaqada inuu ka maqnaado looguma dulqaadanayo. Shaqaalaha qof walba Fayl ayaad
u samaynaysaan, kaas oo ay ku xusan yihiin goorta shaqada la qoray, darajada
iyo mushaharka uu qaato,” ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu
.Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu isu duwayaasha ku dardaaray
inay kordhiyaan aqoontooda islamarkaana ka faa’iidaystaan khibradda wasiirka
macdanta iyo tamartu u leeyahay hawlaha ay qabanayaan “Inta uu wasiir Xuseen
idinla joogo ka faa’iidaysta, waar cilmi buu hayaaye ka barta macdanta iyo
tamarta cilmiga uu ka hayo, ka faa’iidaysta intaas uu idinla joogo oo buug buu
kolay idiin soo diriye akhrista. Kordhista aqoonta macdanta iyo tamarta,” ayuu
yidhi mudane Mixille.
Isbahaysiga
Kulmiye Oo Wada Hadalka Ucid U Socda Iyo Kulamo La Sheegay Inay La Yeelanayaan
Masuuliyiinta Waddani
Hargeysa(Warsugan) Afhayeenka garabka isbahaysiga Kulmiye la baxay
Xuseen Axmed Caydiid, ayaa tilmaamay inay wali hubinayaan kala doorashada
xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid iyo
Waddani, kuwaasi oo ay wada hadallo kala gooni ah la leeyihiin. Garabka ayaa
hore wada hadal ula furay hoggaanka xisbiga Ucid, halka ay shaaciyeen inay
maalmaha soo socdana la fadhiisan doonaan hoggaanka Waddani.
Isbahaysiga Kulmiye ayaa hore kulammo ula yeeshay masuuliyiinta ugu
saraysa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, kuwaasi oo lagaga arrinsanayay sidii ay
xisbiga ugu soo biiri lahaayeen. Afhayeenka isbahaysigu wuxuu sheegay in wada
hadalka Ucid sii socon doono “Guddoomiyaha iyo
masuuliyiinta kale ee Ucid waanu la wadaynaa wada hadallada, guddi baanu u saaray
garabka isbahaysigu,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.
Geesta kale wuxuu bulshada u iftiimiyay in maalmaha soo socda ay
kulammo ibo fur u ah wada hadal la yeelan doonaan hoggaanka Waddani “Waxaanu
umadda ku wargelinaynaa inaanu wada hadallada uga gudbi doono xagga Waddani,
waxaanan idiin sheegayaa inaanu ballanqabsanayno guddoomiyaha Waddani iyo
raggiisa oo aanu iskugu imanaynno kulankii koowaad. Ballankaasi wuxuu dhici
doonaa barri ama saadambe, maalmaha soo socdana kulankaasi wuu qabsoomi doonaa
marka goobta uu ku qabsoomayo la isla qaato,” ayuu yidhi Xuseen.
Afhayeenka Isbahaysigu wuxuu bulshada xasuusiyay sababta ay uga
tageen xisbigoodii Kulmiye “Garabkan Kulmiye waxay xisbigii Kulmiye isku
qabteen waad garanaysaan. Mabaadiidii xisbigu ku aasaasnaa ee wada tashiga iyo
ku dhaqanka xeerka xisbiga ahaa in xisbiga intiisii ku hadhay khilaaftay oo
jabisay ayay ahayd, markaa haddii mabaadiidii xisbigu burbureen oo fadhiyadii
hay’adduhu qabsoomi waayeen waxaanu iska hubsanaynaa xisbiga kale eel eh
mabaadiidii aanu kula shaqayn lahayn.”
Isaga oo sii hadlaya wuxuu tilmaamay qodobada guddidoodu ka eegayso
xisbiga ay ku biirayaan “Maaha qof xisbigu, maaha magac khalliya, xisbigu waa inuu mabaadii yeeshaa. Mabaadiida ayaanu
eegaynaa, wixii aanu ku biirin karno mabaadiida ayaanu eegaynaa, dabeedna marka
gorgortankaasi dhammaado iyo wixii xisbinimo lagu wada noqon karo ayaa garabku
iskula soo noqonayaa talo uu ku go’aan gaadho halka uu geediga u rarayo,” ayuu
yidhi Xuseen.
Garabkan ayaa hore uga dareeray xukumadda Siilaanyo iyo xisbigeeda
Kulmiye kadib markii la isku afgaran waayay hannaanka loogu tartamayo shirkii
golaha dhexe ee qabsoomay 10-kii November sanadkii hore. Waxay si weyn u
saluugeen musharaxiinta Kulmiye loogu cumaamaday doorashada 2017-ka, iyagoo hadda
u muuqda inay si rasmi ah uga rajo dhigeen in Kulmiye ay ku laabtaan.
Hargeysa (Warsugan) Muwaadin Cabdimajiid
Sheekh Maxamed Ibraahim (Cabdi-majiid Jannagalle) oo kamid ah ganacsatada
Aqoonyahanka ah ee reer Somaliland gaar ahaanna reer Hargeysa ayaa si rasmi ah
u shaaciyey hankiisa musharraxnimo ee ku wajahan doorashada golaha wakiillada
Somaliland ee la quudarraynayo in ay dalka ka qabsoonto kal-dembe, isaga oo
sheegay in uu u taagan yahay xubinnimada labaatanka xildhibaan ee ka sharraxan
gobolka Hargeysa.
Musharrax Cabdimajiid
Jannogale oo War qoraal ah oo uu maanta Hargeysa kasoo saaray u qaybiyey
warbaahinta ayaa sheegay in kadib markii uu eegay xaallada siyaasadeed ee dalka
iyo baahida loo qabo xildhibaanno dhalinyaro ah oo aqoon iyo waayo aragnimo
xeel dheer u leh xaallada siyaasaddeed, isla markaana uu door
biday in waayo aragnimadiisa ku wajahan baahiyo badan oo uu wax ka qabashadooda
xog ogaal u yahay uu go’aansaday in uu isu taago doorashada xubnaha golaha
wakiillada ee la filayo sida qorshuhu yahay in ay dalka ka qabsoonto kal dembe
2017-ka haddii alla idmo.
Qoraalka Uu Cabdimajiid
Janno-galle u qaybiyey warbaahinta madaxa banaan ee somaliland oo nuqul kamid
ahi soo gaadhay Hubaal Media, waxaa uu farriin kooban oo baaq xambaarsan u
diray madax dhaqameedka beesha uu kasoo jeedo oo uu ugu baaqay in ay dhex u ahaadaan
isla markaana soo dhaweeyaan cid kasta oo han siyaasadeed leh, waxaana
qoraalkaasi u dhignaa sidan: “ Aniga Oo Ixtiraam Badan U Haya
Cuqaasha Iyo Odayaasha Reerka Waxaan Ka Codsanaaya In Ay Dhex U Ahaadaan
Musharixiinta Ka Sharaxan Beesha Iyo Cid Kasta oo Han Siyaasadeed Leh, Lana
Ilaaliyo Isku Xidhnaanta Beesha Iyo Wada Jirkeeda Taas Ayayana Guusha Reer Ku
Jirtaa iyo Tan Qaranka Somaliland , Guul Iyo Gobinimo Ayaan U Rajaynaay
Cidkasta Oo Horumarka Iyo Wadda Jirka Ummadda Jecel …..” Ayuu ku Yidhi Musharax
C/Majiid Sh. Maxamed Ibraahim (Jannogale) Oo Ah Musharraxa U Taagan
Doorashadda Golaha Wakiillada Somaliland Kana Sharaxan Gobolka MaroodiJeex.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Tacsi U
Diray Ehelada Ay Ka Baxeen Labada Marxuum Ee Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare iyo
Axmed Maxamed Xasan Awowo (Axmed Jabaan)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu
shacbiga ka tacsiyadaynayaa geerida ku timid marxuumiinta kala ah, Marxuum
Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare iyo Marxuum Mujaahid Axmed Maxamed Xasan
Awowo(Axmed Jabaan) oo Taariikhda maanta 28.02.2016 ku geeriyooday
magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa Qoysaskii,
Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka bexeen.
Madaxweynuhu waxa uu labada marxuum ku sifeeyey kuwo magac ku
lahaa dalka iyo dadkaba, iyagoo kala ahaa halgamaa ka soo qaybqaatay xorayntii
wadanka iyo aqoon yahan door muhiima kaga jiray dib u dhiska iyo horumarka
dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu
naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii,
Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka
siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxmaan Sh.
Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Boliiska ayaa qabtay, waxaana la baadhayaa caafimaadka
maskaxdeeda. Haweenayda ayaa ka timid Asiyada Dhexe waxanay ahayd qofkii wiilka
madaxa laga gooyey hayay.
Waxaa looga shaki qabaa inay dishay ilmaha yar ee ay madaxiisa
sidatay ka hor intii aanay dab qabadsiin guriga cida dhashay ilmaha oo ku yaal
waqooyi galbeed Moscow. Masuuliyiinta ayaa sheegay in ilmo afar jir ah oo madaxa laga gooyay laga helay guriga
dhexdiisa