Xaaji Cabdi Waraabe Oo Axsaabta Mucaaradka Ku Canaantey Rabshadaha Dhallinyaradu Ka Sameeyaan Hargeys

0
372

Xaaji Cabdi Waraabe Oo Axsaabta Mucaaradka Ku Canaantey Rabshadaha Dhallinyaradu Ka Sameeyaan Hargeysa

Hargeysa(Warsugannews) – Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Guurtuda Somaliland, ayaa axsaabta mucaaridka ah ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dhalinyarada kooxaha isku disha ee xaafadaha caasimadda Hargaysa qaarkood. Waxaanu sheegay in madaxda mucaaridka oo doonaya in ay dalka iyo dadka hoggaamiyaan haddana ay bulshadii ka dhex wadaan in ay kala xigtaystaan.

Wuxuuna Xaaji C/waraabe tilmaamay in aanay ahayn in Masuuliyiinta xisbiyada mucaaridku kala xigtaysan bulshadda, haddii ay sidaasi ku sii socdaana aanay hadhow cidi dooranaynin, waxaanu bulshada u soo jeediyay talooyin dhaxal gal ah, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto dhalinyarada xaafadaha caasimadda dhibaatada ku haya bulshada.

“Nin madaxnimo doonaya oo haddana dab shidayaa waa cajiib, haddii uu wixiiba baabiinayo xaggee buu kursiga ka doonayaa. Waxaan leeyahay siyaasiyiintu yaaney dadka kala xigtaysan, waayo dhammaan bushada madax bay u yihiin ama madaxnimay ka doonayaan” ayuu yidhi, Xaaji Cabdi Waraabe oo ka qayb-galay dood golaha Guurtidu ka yeeshay nabadgalyada dalka, waxaanu intaasi ku daray “Nin madaxnimo doonaya oo colaad tabcay isagaa iska saaray meesha, hadhowna cidi dooran mayso….”

Xildhibaan Xaaji Cbadi Waraabe oo ka hadlayay si looga bixi karo dhibaatada dhalinyarada kooxo-kooxaha isku dishaa ku hayaan shacabka ayaa soo jeediyay “Sida wax looga qabanaayo dhalinyarada habeenkii wareegaysa ee dadka dhibaysa, bilayska tuur-tuuraysa. Waxaan soo jeedinayaa in marka ugu horaysa booliska la xoogeeyo oo lala shaqeeyo, qof kastaana gacan ha siiyo booliska. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in wax laga qabto dhalinyarada kooxo-kooxaha isku raacda ee loo taag la’ yahay, waa in meel lagu xareeyo oo lagu dhaqaaleeyo markay halkaa bilo ku jiraan ee la baro xirfado kala duwan iyagoo raga ayay soo bixi hadhow…”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here