XAASHO E’ NIN LIBIN KAA XISTIYAY XUMIHII WAA YAAB!!! W/Q. BOQOR AXMED BAD-MADOW

0
493

XAASHO E’ NIN LIBIN KAA XISTIYAY XUMIHII WAA YAAB!!! W/Q. BOQOR AXMED BAD-MADOW

Ganacsade Xaaji Cabdi Aadan oo ka mid ah saamilayda shirkada Red Sea ayaa inta badan shaqsiyaad had iyo jeer aan aqoon uu lahayn muwaadinka kula kaaca aflaagado iyo eedayn aanu marnaba galabsan, sidoo kale muwaadinkan oo ah nin ganacsade ah oo dawladihii hore iyo tan imika joogta aan xil u qaban kuna soo saqajaamin wax hanti dowladeed la yidhaa, islamarkaana ah nin cibaadaddiisa iyo dhaqaankisuba ay aad u wanaagsan yihiin marka aad is barataan.Boqor Axmed badmadow

Qofkuna hadduu intaa suuban leeyahay, xaaraanta iyo xalaashaba wuu kala yaqaana, maalkiisa iyo ganacsigiisa aan marnaba ku hamiyin in hanti umad dhan ka dhexayso ku saqajaamo, laakiinse waxa aan filayaa in sababta loo eryanayaa ee aniga iila muuqaata waxay tahay, maadaama walaashii marwo Zam zam Cabdi Aadan oo ah wasiirka maaliyadda Somaliland, lakinse ay waajiib qaran tahay oo ay xaq u leedahay inay wasiir iyo wax ka sareeyaba ay dalka ka noqoto.

Halgankii Dalkan loo soo galay wasiir Zam zam waxay ka mid ahayd haweenkii dawooyinka iyo wixii kale ee loo baahdaba soo laba dhigayay, waxay ahayd wasiir Samsam dalkoo baaba’sanaa wakhtigii laga soo noqday xeeriyihi qoxoontiga, inantii u horaysay ee hay’ad samafal ah dalka keenta oo ummadeeda ugu shaqaysa si hakrasho la’an ah, cid wax u sheegan karta maanta ma jirto, Sidoo kale walaalkeedna waa nin ganacsade ah oo xoogiisa ka macaasha horena waa loogu qaldamay ninkan muwaadinka ah ee haddii aflagaadada la joojin waayo, si qaawanaan ah baa loo wada hadli.

Waxa aan ganacsade Xaaji Cabdi Aaden aan ka xaal marinaya cidii aflagaadada u geysatay, waxaanan kaga baxayaa in cid waddanka u sheegan karta oo kaga horaysa muwaadinkaasi aanay jirin, oo ay tahay in loo ducayo mar walba oo dadka iyo dalka iyo agoontaba waxtara.

Wa Bilaahi Towfiiq

W/Q. Boqor Axmed Baad-Madow

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here