Xadhig Iyo Lacag Kala Dooro? W/Q: Mujaahid Cali Xaraaro

0
411

Xadhig Iyo Lacag Kala Dooro? W/Q: Mujaahid Cali Xaraaro

Waa arinta horta taala Saxaafada madaxa-banaan ee somaliland, waxaan ka markhaati kacayaa iney jirtey xili la odhon jirey ama lagu tilmaami jirey saxaafada madaxa banaan golaha afraad ee dalka ka jira anigu in kastoo aanan ahayn saxafi hadana mudo dheer ayaan ku dhix jirey saxaafada madaxa banaan ee somali land waxaan goob joog ahaa maal mihii la aasaasay wergeys yada jamhuuriya iyo xuriyo markaa is bedeleda iyo siyaabaha ay wax u jiraan ayaan xogogaal ka ahay, waxa lagu yaqaaney saxaafada ilaalinta xuquuqda dan yarta isla markaana waxa saxaafada lagu ogaa iney tahay ilaaliyaha guud ee qaranimada jsl, hadaba akhriste aynu is weydiino maxaa sababay in saxaafada madaxa badan keedu gasho gacanta xukuumada? iyadoo lagu tilmaamo xukuumadan maanta joogta tii uugu liidatey ee dalka soo marta tii uugu tacadiga badnayd ee dalka soo marta tii uugu hanti boobka badneyd ee dalka soo marta, anigu waxaan u arkaa waxa ku dhacay saxaafada madaxa banaan sedex qodob oo kala ah.

1. Dhanka wargeys yada dalka ka soo baxa tiradoodu waa ilaa labaatan wargeys, xiliyadii hore waxa wargeys yada gacanta ku hayn jirey rag garanaya qiimaha saxaafadu leedahay isla markaana baahidoodu yartahay,

Wargeys yada maanta jira badan kooda waxa gacanta ku haya rag dhalinyaro u badan oo garashada saxaafadu ku yartahay isla markaana baahidoodu badan tahay. waxa kaloo jira dhalin yaro kaba dhigtey shaqo ama subaxii kuba raadiya masaariifta xataa waxa jire wargeysyo ay xukuumadu leedahay oo wasiirada qaarkood u sameeyeen inamo ay is xigaan laguna sheego wargeysyo madax banaan intaas waxa dheer xukuumada axmed siilaanyo oo markay talada la wareegtey markiiba ku dhaqaaday hanashada saxaafada madaxa-banaan waxaanay kula kacday saxaafada cabudhin iyo caga jugleyn joogta ah iyo weliba lacag la dhinac sido wargeyskii intaa ku joogsan waayeyna xarumihii ayaabay la wareegeen sidii ku dhacday wargeys yada Hubaal iyo Haatuf, haseyeeshee waxa xayiraadii laga qaaday wargeyska Hubaal welise waxa xayiran xaruntii wargeyska Haatuf oo ciidamo degen yihiin marka aynu xaqiiqada ka hadalno wargeys yada waxa weli jira wargesyo ilaaliya ama ka hadla xadgudubka dan yarta kaga yimaada dhanka xukuumada isla markaana gaadhka ka ah qaranimada jsl in kastoo tiradoodu yartahay

2. Qodobka labaad waa TV.yada laga leeyahay somaliland ee madaxa-banaan iyaga waxa samaystey oo iska leh ganacsato,laakiin wey jiraan qaar ka hadla xaq-darada dulimiga iyo hanti booka ay wado xukuumada axmed siilaanyo

3. Xaga war baahinta loo yaqaan websites oo ku shaqeeya internetka runtii waa Warbaahinta badankeedu difaacda shacbiga kana waranta hagar daamooyinka iyo shirqoolada ay Xukuuumada Axmed Siilaanyo ku wado qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana waxay soo gudbiyaan dhacdoonyinka foosha xun ee maalin walba ay ku talaabsato xukuumada axmed siilaanyo in kastoo xukuumaduba qayb ku leedahay isla markaana ay lugta kula jirto kuwa kale

Cali Cismaan Libaax (Mujaahid Cali Xaraaro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here