XAGLATOOSIYE WUXUU MAANTA HELAY QULUUBTII SHACABKA SOMALILAND”JAMAAL CALI XUSEEN

0
442

XAGLATOOSIYE WUXUU MAANTA HELAY QULUUBTII SHACABKA SOMALILAND”JAMAAL CALI XUSEEN

Hargeysa(Warsugannews):- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ku tilmaamay Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) inuu hantay quluubta shacabka reer Somaliland, isla markaa bogaadiyay.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay qoraal koobaan oo uu soo saaray, waxaanu sheegay Dr. Saleebaan Ciise Axmed inuu u qalmo xilkasta oo uu raadsado ilaa xtaa Madaxweynanimada.

Mudane Xaglatoosiye wuxuu maanta helay quluubtii shacabka Somaliland iyo intii daawanaysayba.Runtii waan ku hanbalyeeynayaa dedaalka uu sameeyey, waxaanu Xaglatoosiye u qalmaa oo uu weliba ka noqon karaa qarankan Somaliland xil kasta oo uu raadsado mustaqbalka inshallah xataa ka Madaxweynaha. Weli waa nin dhalinyaro ah; hankiisana wuu gaadhi doonaa mustaqbalka haddii Eebbe yidhaa.

Hadalkan ayaa ka danbeeyey, kadib markii maalintii Salaasada ee shalay Shirweynihii 5aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE lagu doortay hogganka Xisbiga, isla markaana Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) uu u tartamay jagada Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga KULMIYE oo lagaga badiyay, waxaanu jeediyay khudbad Cajiiba oo dhaxal-gal noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here