Xaglo toosiye ma Wasiir-baa? Faallo

0
1130

Xaglo toosiye ma Wasiir-baa? Faallo

Kalsooni, karti iyo Kasbasho Ma ku gaadhi karaa yookiisa fog? W/Q: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Wali wuxuu ku mashquulsanyahay howl-gal uu ku dhayayo dhaawacyadii ka dhashay dhagirihii colaaddeed ee ka dhacay Deegaanka KALSHAALE dhowr sannadood ka hor iyo dhaqan-gelinta qorshe maamul daadejineed oo uu ku sabaaleynayo Bulshada ku dhaqan gobolka Buuhoodle. waxaase muuqata inaanu ka leexan tubtii hogaaminta shacbi ee uu Somaliland ku yimi, taasoo inuu sii kordhiyo mooyaane, aanay waxba ka dhicin yoolkiisa.

Daadejinta adeegyada Caafimaad ee dawliga ah, dar-dar gelinta Mashaariicda hoos-yimaada Wasaaraddiisa iyo daadejinta Maamul ee siyaasadda Wasaaraddu, waxay dhamaantood muuqaal ahaan u eegyihiin hab-dhaqanka hogaamineed ee lagu kasbado taageerada Mujtamaca, iyadoo micnuhu yahay inay shaqadu u socoto si habsami ah, una fulaan mashaariicda Dawladdu balan-qaado xilliyada Olollaha.

U-dhego-nuglaanta dhawaaqyada baahiyaha aasaasiga ah ee adeegyada Caafimaadka, u-sal-fududdaanta safaradda loogu dhabo-gelayo helida adeegyadaas iyo u-darbanaanta danaha Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waa astaamo kale oo lagu xaqiiqsan karo hanka iyo himillada fog ee Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo wakhti xaadirkan la odhan karo waa wasiirka ugu Kalsoonida, Kartida iyo kasbashada badan Golaha Wasiirrada.

Inkasta oo aanay wali fari ka qadnayn howlaha Siyaasaddeed iyo barmaamujyada ay ka filayaan taageerayaashiisu, isla markaana ay horyaallaan Hal-xidhaaleyaal badan oo loo baahanyahay inuu ka jawaabaa, haddana marka la eego horu-kacyada Siyaasadeed ee uu sameeyey muddo afar sannadood ah oo uu ka tirsanaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, guulahaasoo tusaale loo soo qaadan karo Musharaxnimadii Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye oo wax badan ka bedeshay Kalsooni-daradii kala dhex taalay Somaliland iyo Shacbiga Gobollada uu ka soo jeedo, waxa sida cad-ceed soo baxaysa u ifaya inuu Wasiir Xaglo-toosiye beegsanayo meeqaam mar uun uu ku noqdo Madaxweynaha Somaliland oo mid ah.

Marka aad loo bidhaamiyo muddada ay ku qaadan karto inuu gaadho yoolkiisa Siyaasaddeed ee uu ku beegsanayo Kursiga ugu sareeya ee Madaxweynenimada ama ku-xigeenka, waxaaba muuqata inuu haysto fursad uu ku iib-geynayo miisaankiisa Doorashada Madaxweynaha ee soo socota. Waxa dhici karta inay xisbiyada Qaranku maalmo aan fogayn oo soo socda kala-hororsan doonaan taageerada shacbiga ku dhaqan Gobollada uu ka soo talaabiyey Xaskii iyo Buurihii ku kala-xidhnaa Somaliland, waa Goboladda SSC-ye.

Maalinta ay taasi timaado, ma qabo inuu soo dhalan doono ama Hargeysa ka soo dhex toosi karo Siyaasi kale oo aan Xaglo-toosiye ahayn oo laabta u garaaca ama la gorgotami doona, Xisbiyada codka ka doonaya shucuubta ku nool, Degmada Laasqoray ilaa Buuhoodle (SSC), waxaana iminka fursada ugu dhow ee Miisaanka taageerayaasha Xaglo-toosiye haysta Xisbiga Kulmiye oo uu Xukuumaddiisa ka tirsanyahay, iyadoo sida la rumaysanyahay badi siyaasiyiinta ay isku deegaanka ka soo jeedaan ee ku kala jira saddexda Xisbi Qaran ka Shidaal qataan isaga.

Wallow ay jiraan dad badan oo dhaliila, kuna dhaleeceeya arrimo siyaasaddeed iyo gol-dalloolooyin maamul oo la taaban karo, jirrina karaan waxyaabo badan oo si Il-duufo ah ugu dhacay, isla markaana uu bina-aadam u yahay khaladaadka iyo guul-darrooyinka, haddana marka la qiimeeyo mustawaha siyaasaddeed ee uu gaadhay, intii uu xayndaabka dawliga ah ku jiray, waa masuul lagu qiimeyn karo aragti ladifan oo ka reeban Qabyaalad iyo Qof Jeclaysi, laguna dhiiri-geliyo dedaalkiisa ku wajahan middeynta Somaliland.

FG: Maqaalkan kama lihi danno Siyaasaddeed iyo mid shakhsiya toona, balse waa dareen ka dhashay daraasad aan sameeyey oo faafinteedu ku soo beegantay xilli loo baahanyahay in la dhiiri-geliyo Masuulkan howl-galka Qaran ugu maqan deegaanka Buuhoodle ee aanay dawladnimadu gaadhin.

W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Email: curad1986@hotmail.com

Hargeysa/ Somaliland