Xakamaynta Sicir-bararka Ma u Beddelnaa Mashruuc Dawladeed? By: Cumar M.Faarax

0
805

Xakamaynta Sicir-bararka Ma u Beddelnaa Mashruuc Dawladeed?
By: Cumar M.Faarax
Isagoo hadalka xarakanayey, ayuu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, sheegay in xukuumaddu ay ku filan tahay in xakameyso xannuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay gobolka Togdheer oo dhimashadu gaadhay ku dhowaad soddameeye qof.
Waxa uu Wasaaradda Caafimaadka ku amaanay inay daweeyeen ilaa toban kun oo ruux dalka oo dhan oo xannuunka shuban biyoodka u jiifsaday dhawr gobol oo dalka ka mid ah. Wasiir Xaashi wuxuu bulshada ugu qalbi qaboojinayey in xaaladda xannuunkani aanay ahayn mid ku socda xawaare faro ka bax ah, waxaannu ku dooday in lala tacaaley.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo ah adeege aad u jajaban oo madaxweynaha ka saacida hawlihiisa, waa waayo-arag ku soo dhex jiray maamulka 26kii sannadood ee Somaliland ku naaloonaysay madax-bannaanideeda. Waa duqii u horreeyay ee Burco xiligii magaaladaasi ay martigelisay shirkii beelaha Somaliland ee lagaga dhawaaqay gooni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa kaloo oo uu ahaa Golihii saddexaad ee Wakiillada Somaliland oo uu mar ka mid ahaa xubnihii foolaadka ahaa ee deynabada u ahaa aqalkaas. Waxa uu magaciisu qabsaday dalka oo dhan xiligii 36 Mudane oo uu hoggaaminayay ay Golaha horkeeneen mooshin maamuus ka xayuubin ah oo lagu gole joojinayay madaxweynihii geeriyooday ee Marxuum-Maxamed Ibraahim Cigaal oo wakhtigaas kaga badbaaday hal cod oo kaliya.
Muddadii ka dambaysay, wuxuu noqday kaadir wayn oo qurbaha ka taageera xisbal xaakimka KULMIYE, wakhtigii uu ahaa mucaaridka, waxaannu markii madaxweyne Axmed Siilaanyo la wareegay talada uu noqday Wasiirka Duulista, muddadii uu joogay wasaaradaasi, waxa laga fuliyay Madaarrada Berbera iyo Hargeysa mashaariic waaweyn oo hortiina aan laga fulin dabadiina aan la arag, mashruucaasi waxa maalgelisay dawladda Kuwait.
Wasiirka Madaxtooyada oo lagu majeerto inuu khibrad u leeyahay wada-xaajoodyada xiliyada khilaafaadku aloosan yahay, waxa uu hadda Guddoomiye u yahay Guddi qaran oo Madaxweynuhu u magacaabay ka-soo kabashada tabaalaha abaarta.
Guddidan oo iskugu jira Xukuumadda, Ganacsatada, culimada, ururrada bulshada iyo xisbiyada qaranka, waxaa ay gacanta ku hayaan ururinta qaadhaan lagu qadaray 10 Milyan oo Doolar oo loogu talogalay in dib-u-dejin loogu sameeyo dadkii abaaraha ku caydhoobay.
Waxaa guddidiisa isha lagu hayaa sida hufan, wax ku oolka ah ee ay u maamuli doonaan dhaqaalahan oo 70% gacantooda soo galay.
Waxa kaloo hortaalla hawl culus oo ah inay shan mashruuc oo waaweyn dalka ka fuliyaan oo ay ka mid tahay inay 20 kun oo qoys oo abaartii ku barokacay u daad-gureeyaan deegaannadoodii, inay 12 kun oo qoys xooleeyaan oo ay u iibiyaan xoolo nool iyo inay bineeyaan dhaammam waaweyn oo lagu samato-baxo xiliyada abaaruhu jiraan.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo hibo u leh aftahanimo dabiici ah oo hadalkiisuna hal qabsi yeesho, waxaa uu magaalada Burco dhawaan kormeeray jeel weyn oo laga dhisayo oo ay ku baxayso hal malyan iyo badh doolar oo dawladdu dabarayso, waxaannu yidhi; “Waxaan maqlayey iyadoo la leeyahay jeelkii wuu istaagay, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo meelna dhagax ma dhigno, hadaanu dhignana waanu dhisnaa, mashruuca aannu gacanta u qaadnana waannu dhammays tirnaa, waxaanu rajaynayaa inuu jeelkani dhammaado, wax weyna ka taro nidaamka garsoorka caddaalada iyo dhaqan celinta maxaabiista.”
Wasiirku wuxuu ku baanay inaanu wali mashruuc ay gacanta u qaadeen dhicisoobin, taasina waa mid laga doodi karo, waxase habboon in muddada lixda bilood ah ee u hadhay xil haynta madaxweyne Siilaanyo inay awooda saaraan suulinta sicir-bararka dalka aafeeyay iyo qiime u yeelista lacagta dalka ee waddankeeda ku qiimo beeshay. Sida arrintan wax looga qabtaa waxay magac u tahay madaxweyne Siilaanyo oo ah dhaqaale yahan ay tahay inaanu xilka ka degin ilaa uu ummadiisa ka saarayo sicir-bararka iyo sarif bararka is biirsaday ee la daadegay noloshii bulshada danyarta ah ee Somaliland.

Sidaas darteed, waxaan ku soo khatimayaa Mudane Wasiir xakamaynta Sicir-bararka si xal waara loogu helo ma u beddelnaa mashruuc dawladeed, maadaama oo aad tidhi “mashruuc ma bilowno, haddii aanu gacanta u qaadnana ma fashilmo.”