telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

“Xanta, Ceebaynta iyo Cayda, sidii Gacan-ku-dhiiglaha aynu u nacnay, waa inaynu Carab-ku-dhiiglahana u nacno..” Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir.

“Xanta, Ceebaynta iyo Cayda, sidii Gacan-ku-dhiiglaha aynu u nacnay, waa inaynu Carab-ku-dhiiglahana u nacno..” Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir.

Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ku baraarujiyey in dadkii hore saalixiyiintu ilaashan jireen diintooda iyo ajarka camalka ay sameeyaan inka badan inta aynu ilaashano aduunyada aynu haysano, loona baahan yahay ku deyashadooda.

Khudbadii Jimcaha maanta oo Sheekh Maxamed kaga hadlay halista xadgudubka sharafta iyo cirdiga qofka Muslimka, taasoo dadka qaarkood u haystaan waxyar in qofka sharaftiisa lagu xadgudbo. Waxaynu tafaasiil ka bixin doonaa mowqifka sharcigu ka taagan yaha iyo daliilada ku soo arooray iyo dadkii wanaagsanaa ee innaga horeeyey siday ahaayeen,

“Marka u hore nusuus badan ayaa ku soo aroortay oo ka digaysa qofku inaanu ku xadgudbin sharafta dadka, iyo sida loogu baahan yahay in qofku ilaaliyo carabkiisa. Carabka oo ka mid ah nicmooyinka Ilaahay SW bixiyey kuwa ugu waaweyn, Ilaahay-na SW inoogu manno sheegtay, “Miyaanan idiin siin Carab, Laba-dibnood io Laba Indhood”. Bal waxaad ka warantaa qofka hadalku iska taagay, ee doonaya inuu wax cabiro, ee waxba kuu sheegi kari la’, waxaad sawirataa qofka waxba dhadhamin kari la’ macaan iyo qadhaadh, nimcooyinka Carabka ee Ilaahay SW inoogu manno sheeganayo ayuu ku jiraa, laakiin, culayskiisu wuu yaryahay, halistiisuna wa weyn tahay, dembi weyn iyo ajar weyn labadaba Carabkuu ka yimaadaa. Markaa arrinka aynu aad u adkeynayno, sida Diinteenu innagu waaninayso ilaalinta Carabka weeye.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dadku dareemaan in waxa ay ku hadlayaan habeen iyo maalin ay yihiin wax qoran Ilaahay SW agtiisa, maalinna laguu soo bandhigi doono. Sida Ilaahay SW inoo sheegay, “Qofku waxuu ku hadlayo malaa’ig ayaa qoraysa” adigu hadaad wax kale ka shaqenaysay, isaguna hadalkaaga ayuu qorayaa.

“Ilaahay waxuu ka digay qofka dadka isha iyo afka ka xamanaya, “Halaag waxa leh qofka dadka isha iyo afka ka xamanaya” qofka dadka xamanaya, iskuna diraya iyo in la isku dheeldheelo ayuu Ilaahay SW ka digay.

Nebi Maxamed NNKH ummada iyo asxaabta ayuu waaniyey, waanno dheer oo wax-sheegnimo ku jirto, markaa ayey saxaabadii yidhaahdeen, Rasuul Allow ‘miyaa naloo qabanayaa waxaan ku hadlayno? Markaa ayuu Nebigu NNKH ku yidhi “Dadka waxa afgembi naarta ugu ridaya waxa u sabab ah Carabkoodu waxuu u keenay, ee xumaan uu ku geystay”. Nebigu NNKH isagoo ummadiisa la doonaya inay Jannada galaan ayuu u sheegaya fursadii ay ku gaadhi lahaayeen, sida macnahii xadiisku ahaa “Qofkii ii damaanad qaada inuu afkiisa xaaraanta ka hayo, ibtiisana sinnada, waxaan u ballanqaadayaa Jannada”.

Asxaabigii Sufyaan ibnu cabdillahi a saqafi su’aal qiimo leh ayuu Rasuulka CSW inoo weydiiyey, waxuu yidhi ‘Ii sheeg shaygaad aad iigu cabsi badan tahay, si aan isaga ilaaliyo’ waxuu Rasuulku CSW ugu jawaabay “Carabka” iska ilaali. Waxaad ku badbaadaysaa hadalka intaanad odhanin inaad miisaanto, afar qeybood kuu yahay, ma shar baa, ma khayr baa, ma bilaa micnaa, ma labaduu isugu jiraa. Hadalku intaa kama baxo, ama waa shar ama khayr, saddex iskaga tag, waxii shar ah, waxii shar iyo kheyr isugu jira iyo waxii bilaa macno ah, keliya dooro waxii kheyr ah. Rasuulku CSW waxuu inoo tilmaamay “Qofka Ilaahay SW iyo aakhiro rumeeyey kheyr ku hadal ama iska aamus” imaamu Nawawi markuu sharxayo waxuu yidhi, taasi waxay ku suurtoobaysaa horta qofku intaanu hadlin uu miisaamo waxuu odhan doono, kana fiirsado, laakiin aanu afka sii deynin.

Sheekh Maxamed ayaa ku baraarujiyey ummada in Nebigu NNKH ehelkiisa iyo asxaabtaba uga digi jira waxa xanta la yidhaahdo io in Carabka la sii daayo, cidna uguma dulqaadan jirin, ee halkeeda ayuu ku joojin jiray, waana mid mudan inaynu kaga deyano.

“Nebiga NNKH xaasaskiisi mid ka mid ah ayaa tidhi ‘safiya waxa kaaga filan inay sidaa tahay’ iyadoo ujeeda xaas kaloo Nebigu qabay,(qolaha taariikhud waxay xusaan way gaaban tahay keliya ayey tidhi), Rasuulku CSW wuu joojiyey oo waxuu yidhi, “Kelmadaa hadii badda lagu dari lahaa, way bedeli lahayd” (ma urteedaa, ma dhiigeedaa) waxay tahayba. Rasuulku CSW ummada markuu dardaaranka u jeedinayey, ugana digayey dulmiga ay gelayaan, ma ahayn dhiigooda la daadinayo keliya, balse cirdiga iyo sharaftoodana wuu kala hadlay.

Haddayno camal badan samaynayno, balse ummada aynu Carabka la dhacano ka deyn weyno, waxeenu waxay noqonayaan foosto gun la’ oo aynu dhaaminayno. Nin baa Nebiga NNKH u yimi, waa tusaale cajiib ah, laba dumar ah ayuu uga warbixiyey, waxuu yidhi heblaayo soon badan iyo saddaqo badan way bixisaa, laakiin jaarkeeda ayey ku dhib badan tahay oo carabkeeda laga fadhiyi la’ yahay, “Naarta ayey ku jiraa” Ilaahay baynu ka magan galnee, ayuu Nebigu NNKH yidhi.

Heblaayana soon badan iyo saddaqo badan ma samaysee, laakiin jaarkeeda ka nabadgalay, “Jannada ayey gelaysaa” Ilaahay hoy ha inooga dhigee, ayuu Nebigu NNKH yidhi.

Waxa muhiim ah in waxa aynu qabanayno wax badan aynu eegno, sida dadkii innaga horeeyey inbadan ay u ilaalin jireen carabkooda, hadalka iyo kelmada ka soo baxaysa. Siyaabaha ay isku ilaalin jireen waxa ka mid ah dadka belaayooyinka iyo xanta ku gelaya way ka warwareegi jireen inay la kulmaan. Caalimkii weynaa Ibraahim a Naqaci ayaa wax u sheegaya inantii shaaqiyada guriga u ilaalinaysay, ee hadba qofka u yimaada u sheegaysay, markaa waxuu ku yidhi ‘marka hebelkaasi kuu yimaado waxaad tidhaahdaa, masaajidka ka raadi dheh, laakiin ha odhanin halkan ma joogo, ilayn waan joogaaye’ waa dariiqo uu kaga dabaalanayo qofka dembiga u soo jiidi kara.

Waxyaabaha ay iskaga ilaalin jireen Carabka wax ka mid ah iyagoo koobi jiray hadalkooda, aamuska iyo urursanaanta way ku dedaali jireen, oo hadalkan faraha badan ee aynu ku xiiqayno may lahayn. Waxuu lahaa imaamkii Xasan ibnul bashaar muddo soddon sannadood kuma hadlin hadal kelifi kara inaan cudurdaar ka bixiyo. Innagana hadalkeenii markuu batay ee qofkii dhacdhaciisa lagu qabsado, six un wax u sheeg sixir ka daran, sidaa umaan jeedin; hadalku waa mergi, si khalad ah ayaa loo fasiray, markale raali iga ahaada, waxaa oo dhan wax aka yeedhsiinaya waxa weeye dadkii oo hadalka ay odhanayaan aan ka fiirsanayn.

Imaamkii Bishruk ibnu mansuur la odhan jiray waxuu lahaa, isagoo dadka ku waaninaya hadal yaraanta ‘maanta oo dhan waxaan ku hadlay hadaan is idhaado dib u soo tiri waan tirin karaa’ bal innagu ma tirin karnaa 12 saacadood la soo dhaafay waxii aynu ku hadalnay, wax la garan karo maaha tiradooda? Taasi waxay tilmaamaysaa inaynaan xukumin waxa afkeena ka soo baxaya. Waxay ahaayeen dad u arkayey qofka iyaga xumaynaya ama xamanaya inay ka faa’iidaysanayaan, hadii ay iyagu wax xantaana iyaga laga faa’iidaysanayo. Diintooda iyo ajarkooda ayey ilaashanayeen, in ka badan aduunka inta aynu ilaashano innagu.

Imaamkii Carbdiraxmaan ibnu wahbi ayaa yidhi, hadii aanan karaahiyeysanayn in Ilaahay SW la caasiyo, casrigan dadka jooga inay I xantaan ayaan jeclaan lahaa, maxaa ka wanaagsan kitaabkaaga oo maalinta qiyaame uu ka soo baxo camal aanad samaynin adiguna aanad ogeyn. Xassanul basri, taabicigaa ayaa la yidhi hebel baa ku xanta oo xantaada badiya, wuu u fiirsaday oo inay jirto ayuu ogaaday, wuxuu u hadyadeeyey madiibad weyn oo timir ah, wuxuu yidhi u sheega ‘waxaan uga cudurdaaranayaa, waxuu I siiyey iyo waxaan siiyey inaanay isku mid ahayn, isagu ajarkiisi ayuu I siiyey, anniguse aduun kooban ayaan siiyee, ha iga raali ahaado’.

Sheekh Maxamed oo tafaasiil ka bixinayey akhlaaqdii dadkii wanaagsanaa ayaa sheegay inay u arkayeen carabka oo la sii daayo inuu keen ur iyo arag xumo,

“Nin salafkii ka mid ah ayaa saaxiibkii waxuu ku yidhi, wakhtigii Rasuulka CSW waxa la dareemi jiray xantu urta ay leedahay iyo macsiyadu arag xumida ay leedahay. Imika dadkii maxaa ku dhacay ayuu yidhi, markaa ayuu ugu jawaabay sankii ayaa ka buuxsamay markii urtii iyo xumaantoodii ay badatay, laakiin dadkii saalaxiinta ahaa Nebi Maxamed NNKH iyo saxaabadii wacnayd iyaga waxan ayaa ku yaraa oo wuu u soo urayey.

Waxyaalaha ay ku yarayn jireen halista Carabka dadkii saalaxiinta ahaa oo sheekh Maxamed ka hadlay ayaa yidhi,

“Cumar ibnu Cabdicasiis ilaahay ha u naxariistii, Madaxweynahii Muslimiinta ee Caadilka ahaa ayuu nin u yimi oo u sheegay in ninka hebel la yidhaahdo wuu ku xantaa, wuu ku yidhi, soo fadhiiso, saddex arrimood kala dooro in arrinkaa marka baadhitaan lagu sameeyo uu been noqdo, oo markaa aad faasiq noqotid, sida Ilaahay SW aayad inoogu sheegay “Hadii faasiq war idiin keeno iska hubiya”, in marka arrinkaa baadhitaan lagu sameeyo uu run noqdo, waxaad soo geli doonaa sida Ilaahay SW aayad kale ku sheegay “ka ilaahay ku ceebeeyey inuu dadka isku diro” arrinka saddexaadna waa in layska kaa cafiyo,? Oo ceebta iyo isku dirka mu’miniinta aanad dib ugu noqon, ninkii ayaa cafiskii dalbaday.

Markaa waxaynu leenahay xanta, ceebaynta iyo cayda, sidii gacan-ku-dhiiglaha aynu u nacnay, waa inaynu carab-ku-dhiiglahana u nacno . Ilaahay ceebaheena ha asturo, camalkeenana ha wanajiyo, amin

50 total views, 7 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins