Xarunta CID-da Oo Xog Waraysatay Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal iyo Eedaha Loo Haysto

0
346

Xarunta CID-da Oo Xog Waraysatay Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal iyo Eedaha Loo Haysto

Hargeysa(Warsugannews)August-31-2015- Guddoomiyaha wargeyska fadhigiisu yahay Hargeysa Ee Ogaal, Muuse Faarax Jaambiir , ayaa hay’adda dambi baadhista ee CID-du xog waraysi kala yeelatay xoggo wargeysku ka qoray qorshaha xukumaddu ku wareejinaysay Haamaha shidaalka ee Berbera.

Guddoomiyaha Ogaal, ayaa xarunta Dambi baadhista tagay xalay kadib markii xarunta wargeyska loogu keenay warqad yeedhmo ah oo maxakamadda ka soo baxday, iyadoo halkaasi lagu waydiiyay xagga uu ka keenay xogaha wargeysku ka qoray Haamaha xukumaddu wareejin rabtay.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu CID-da ugu war celiyay in xogaha ay hayaan yihiin wixii Wargeyska lagu soo daabacay, islamarkaana ay la xidhiidhay dareenka bulshada ku qabto wareejinta Haamaha iyo sidii shacabka loogu iftiimin lahaa.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in arrinta CID-du baadhis kiis la xidhiidho, isla markaana uu xog ku helay in dacwaddani ka timi dhinaca madaxtooyada oo ay la xidhiidho warar iyo dareenada shacabka ee la xidhiidha mawduuca Haamaha oo uu baahiyay.

Wargeyska Ogaal ayaa todobaadkii hore baahiyey Xogo la xidhiidha in xukuumaddu ku wareejinayso Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera shirkado gaar loo leeyahay oo qaarkood lagu xidhiidhiyey inay iska leeyihiin ama Saamiyo ku leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka Ganacsiga oo isaguna maalintii shalay ka hadlay arrintan, ayaa sheegay inuu jiro heshiis qorshihiisu qabyo yahay oo Xukuumaddu ku doonayso inay Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera kaga kirayso isla markaana maamulkooda ku wareejiyo Shirkadaha dalka keena shidaalka oo markii hore laga qaadi jiray khidmadda Haamaha iyo Cashuurta ku waajibtay.

Sidoo kalena mulkiileyaasha shirkaddaha Shidaalka keena ayaa shalay naqdiyay go’aanka wakiilladu ku laaleen wareejinta Haamaha, iyagoo ku dooday inay xukumadda ka dalbadeen in haamaha lagu wareejiyo maadaama ay dayacan yihiin.

warsugannews
warsugamedia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here