Xarunta Tudhaale ee Dhiirigalinta Iyo Tababarada ayaa Munaasibad Loogu Dabaal Dagayo Sanadguuradii koobaad ee ka soo wareegtay aas aaska xarunta loogu qabtay Magaalada Hargaysa

0
449

Xarunta Tudhaale ee Dhiirigalinta Iyo Tababarada ayaa Munaasibad Loogu Dabaal Dagayo Sanadguuradii koobaad ee ka soo wareegtay aas aaska xarunta loogu qabtay Magaalada Hargaysa

Hargeysa(WSN)Munaasibadan ayaa ahayd mid loo dabaal dagayay sanad guuradii kowaad ee xarunta dhiirigalinta iyo tababarada ee Tudhaale motivational Training and center

Waxaaana ka soo qeyb galay masuuliyin uu ka mid yahay wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada iyo taciinta sare mudane maxamed xaaji aadan dhalinyarada wax ka barta xarunta iyo marti sharaf kale ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay aas aasaha xaruntani Xamse siciid maxamed tudhaale isagoona ka warbixiyay waxyaabaha meesha lagu dhigo iyo sababahii ku kalifay waxaana uu gobtaasi ku soo bandhigay intii ay jirtay xaruntani waxqabadkoodi waxaana uu yidhi

“fikirkan waxaa uu ka imid wakhti aan waday buugayga tudhaale, wakhtigaasi waxaan mari jiray iskuulada kuwasi oo aan ugu talo galay inaan la wadaago waxii dhiirigalina iyo waxii talo bixina, markaas xiligasi ayaa waxan arkay dad badan oo baahi u qaba qofku isagu siduu u sameysan karo mustaqbal iyo qofku siduu naftiisa u maarayn karo, markaas ayaa waxaan ku fikiray inaan sameeyo machad lagu bixiyo tababarada horumarinta shaqsiyada”ayuu yidhi

Xamse siciid tudhaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay u rumowday riyadii wakhtigaasi ay hayeen waxaana uu yidhi
“ilahay waa igu guuleyay in uu iga soo baxo fikirkaasi inteena badan fikirku waa uu inagu dhex dhintaa lakin waxaa ugu muhiimsan in aad ka midho dhaliso fikirkaaga oo uu noqdo mid aakhiro iyo aduun ku anfacaya umadana wax u taraya, caqabadii ugu horeysay ee iga hortimid waxay ahayd inaan helo goob aan machadka ku dhigo,kadib waxaan imid dugsigan sheikh bashiir waxaanan la hadlay maamulaha sheikh bashiir, waxayna ii balan qaaday inay I siiso labba class (Fasal) khamiisaha iyo jimcayaasha markii aan xayaysiiski baahinay ayaa waxaa isa soo diiwangaliyay 24 arday, waxaana ay 24 ardayba nasiib u heleen inay ka qalinjabiyaan 10 December 2015 markaasan dareemay inay riyadani tahay mid suurto gali karta” ayuu yidhi
Gabagabadii munasibadaasi waxaa so oaf meeray wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare mudane maxamed xaaji aadan waxaana uu ku dhiirigaliyay aas aasaha xaruntani iyo dhalinyaradaba in ay ka qeyb qaatan horunmarinta dalkooda waxaan uu ugu baaqay ka wasaarada ahaan in ay waxa ay rabaan la garab istaagu doonan

“Mashaaricdan aynu aduunyada ku aragnay ee gawaadhida iyo diyaaradahaba leh cidbaa fikirtay cidbaana ku tacabtay, dhamaantood kumay tabcin cidii ku fikirtay marki hore oo kaliya lakiin ummadbaa markii la arkay wax soo saarka caynkaas oo kale ah dhiirigalisay oo dabeedna suurto galisay, waxaanu soo dhaweynaynaa oo aanu ku dadaalaynaa in aynu afkaarta quruxda badan ee anfacaysa ummadan in aynu dhiirigalino oo aanu daalin ee uu helo wahel iy kaalmeeyayaal garabkiisa jooga, ka xukumad ahaan wax aan iska balan qaadayo oo aan meesha kaga kacayaa ma jirto lakin waxaan jeclahay in wax alle waxii aan kala qeyb qaadan karno aan kala qayb qaadano isaga iyo inta la midka ah ee sidaas oo kale u fikiraysa, waa arin aad iyo aad u wanaagsan waxaa inoo muuqanayay sanad isagoo jira waxi uu qabtay wax la taaban karo ayay ahaayeen, wax ummadan anfacaya ayay ahaayen waxaanan leeyahay hanbalyo hanbalyo” ayuu yidhi
Munaasibada ayaa intii ay socotay waxa halkaasi shahadooyin lagu guddonsiyay arday ka qeyb qaadatay horunmarinta xaruntani

img_0463

img_0491

img_0503

img_0530

img_0538

img_0546

img_0550