Xasan Sheekh Oo Ku Ololaynaya In Wada Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Waji Cusub Lagu Dayayo

0
651

Xasan Sheekh Oo Ku Ololaynaya In Wada Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Waji Cusub Lagu Dayayo

Muqdisho(Warsugan) Madaxweynaha wakhtigu ka sii dhammaanayo ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu waji cusub ku qaabili doono haddii uu mar kale madaxweyne ka noqdo Soomaaliya. Wada hadallada labada dhinac ayaa fashilmay muddo xileedkiisii rasmiga ahaa laakiin, hadalkiisan ayaa u muuqda mid olole ah.
Xasan Sheekh oo hadal ka jeedinayay madal uu habeen hore ku shaacinayay musharraxnimadiisa iyo codsiga uu xildhibaannada madaxweynaha dooranayo u dirayo ayaa soo hadal qaaday wada hadalka Somaliland, waxaanu sheegay in laga balaadhin doono nidaamkii hore, islamarkaana madaxda dhaqanka,aqoon yahanka iyo qaybaha kale ee bulshada laga qayb galin doono. Ma uu sheegin in arrintaasi ay Somaliland la qabto.

Xasan Sheekh oo sharraxaya dhinacyada ka qayb galaya wada hadalka ayaa yidhi “Waxaanu ka qayb galinaynaa siyaasiyiinta, aqoon yahannada, bulshada rayidka ah, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo haweenka, sidii natiijo wax ku ool ah looga gaadhi lahaa wada hadallada Soomaaliya la gelayso Somaliland.”

Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay inay xeeladdo cusub u adeegsan doonaan sidii bulshada Somaliland iyo tan Soomaaliya la isugu soo dhaweyn lahaa “Waxaanu adeegsan doonaa, siyaasadda, suugaanta, dhaqanka iyo diinta, si loo soo celiyo midnimada iyo wada jirka dalka iyo dadka Soomaaliya,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay u muuqda mid fududaaday. Siyaasiyiinta Somaliland ee ku hungoobay Soomaaliya oo ku soo noqonaya Somaliland, iyo kuwo Somaliland joogay oo Xamar tagaya ayaa ka mid ah astaamaha muuqda. Sidoo kalena wariyeyaasha iyo fannaaniinta ayaa kordhiyay isu socodkooda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana kordhay socdaalkooda Muqdisho.

Xigasho Wargeyska Warsugan