XEERKII DILKA “LAW NO 54” EE LAGU SOO OOGAY MUJAAHIDIINTA UFFO 6TH MARCH ,1981 IYO DOORKII ENG.FAYSAL CALI WARABE

0
416

XEERKII DILKA “LAW NO 54” EE LAGU SOO OOGAY MUJAAHIDIINTA UFFO 6TH MARCH ,1981 IYO DOORKII ENG.FAYSAL CALI WARABE

Qormooyinki hore waxaan ku iftiimiyay ujeedooyinkii uu General Gaani jeelka Mogadishu uga soo saaray Eng.Faysal Cali Waraabe oo u xidhna wax-iswaydaarin & xatooyo. Eng Faysal wuxuu soo gaadhay Hargeisa July ,1981 waxaanu markiiba ku dhaqaaqay inuu ka shaqeeyo habkii uu isagu xidhilahaa “UFFO” iyo General Gaani.

Wuxuu soo abaabulay kulan lagu qabtay guri ku yaallay “Xaafada Shidka” oo uu deganaa Abtigii Muj Axmed Xussein Caaby bishii Aug,1981. Eng Faysal wuxuu soo jeediyay inay la shaqeeyaan General Gaani oo ahaa Taliyaha Guud ee Gobollada Waqooyi. Wuxuu dhalinyaradii shirka fadhiday dareensiiyay in hirdanka Somalia ka socdaa ka dhaxeeyo Majeerteen iyo Mareexaan. Marka waxa Reer Sheikh Isxaaq la gudboon inay taageeraan Taliska Siyaad Barre oo ay ka faa’idaystaan ganacsagii loo yaqaanay “Franco Valuta – “ .

Waxa ganacsigaas lagu naas nuujin jiray loona ogolaa dadka taageera Taliska Siyaad Barre. “ Franco Valuta was issuance of trade licenses to importers of goods on which no foreign exchange was payable”. Aqoonyahanadii UFFO way ku gacansaydheen , waxaanay u sheegeen Eng Faysal inuu barnaamijkaas ula tago ganacsatada iyo odayaasha. Diidmadaas ka dib, Eng Faysal wuxuu la kulmay laba nin oo ay ilmaadeer hoose ahaayeen oo kala ahaa :
1. Adan Cali Guhaad “ Adan Waali” , wuxuu ku dhashay degmada Awaare,Ethiopia, 1947. Dugsiga Dhexe wuxuu ku dhamaystay Oodwayne 1962, dugsiga sarena Sheikh Secondary School 1966. Wuxuu sarkaal sare ka ahaa ciidamada denbi baadhista “ CID “.

Markii uu shaqada ka fadhiistay wuxuu noqday jeeble ka ganacsada Berbera- Jeddah , kuna shaqaysta nidaamka “Franco Valuta “.

2. Cabdi laangadhe wuxuu ka mid ahaa haldoorka Hargeisa, waxaanu kana dhex muuqan jiray mafrishyada iyo goobaha lagu kulmo . Eng Faysal wuxuu isbaray Gen Gaani iyo labada oday, waxaana lagu heshiiyay inay soo dhego dhegeeyaan dhaqdhaqaaqa “ UFFO”. General Gaani wuxuu soo bixiyay Jeega Wareega “ Assigno Circulare “ Sh.40,000 una dhiganta $ 6,300 sarifkii waqtigaas sh 6.357 per US dollar . Jeegaas waxa ku qornaa Eng Faysal Cali Waraabe. Oday Cabdi Laangadhe & Adan Waali waxay ku guulaysteen inay helaan nuqul ka mid ah Joornaalki UFFO .

Waxay ka heleen guriga Prof Axmed Jabane oo ay ku qayilaayeen dhamaadkii bishii Oct,1981. Waxay markiiba gacanta u geliyeen General Gaani & Daahir Ciid, oo ahaa taliyaha ciidmada Hangashta. Waxay wadajir u saxeexeen warqad markhaati ah “ Affidavit “ oo cadaynaysa inay joornaalka UFFO kasoo heleen Guriga Axmed Jabane, oo ku yaalay Indiyan Lineka. Guriga Prof Axmed Jabane waxa inta badan ku qayili jiray xubnaha UFFO. Markii joornaalkaasi ku dhacay gacanta General Gaani dhamaadkii Oct,1981, waxa lasoo xidhay Prof Axmed Jabane, 2nd Nov ,1981, Eng Maxamed Barood, 4th Nov, 1981.

Waxa ku xigay 26 xubnood oo u badana dhakhtaro iyo macalimiin. Waxa lagu eeday qaran dumis waxaana loo cuskuday Law No 54 oo ahaa “ Dil- Capital Punishment “. Law No. 54 wuxuu u dhignaa sidan “ “ National Security Law No. 54, grants the NSS the power to arrest and detain indefinitely those who express critical views of the government. It further gives the NSS the power to arrest without a warrant anyone suspected of a crime involving “national security”. Article 1 of the law prohibits “acts against the independence, unity or security of the State”, and capital punishment is mandatory for anyone convicted of such acts”
Qormadda soo socota waxaynu kaga eegi doona xukunkii lagu riday 20 xubnood oo ka mid ahaa UFFO , xukunkaas oo lagu dhawaaqay 6th March,1982.

Drs Hoodo Yusuf, London, UK.
yhoodo@yahoo.com