Xiddigaha lacagaha ugu badan ka jooga suuqa oo la soo saaray…(Neymar oo dhulka ku jiiday Messi iyo Ronaldo)

0
374

Diraasad cusub ay sameysay CIES ayaa lagu soo saaray liiska 100-ka laacib ee qiimaha ugu sarreeya ka jooga suuqa kala iibsiga ciyaartoyda adduunka ee waqtigan.

Neymar ayaa hogaanka u haya Liiska iyadoo loo arko inuu yahay laacibka ugu qaalisan.

Xiddiga reer Brazil ayaa lagu qiimeeyay adduun dhan 217 oo bound halka Lionel Messi oo labaad ku jira lagu qiimeeyay 150-milyan oo bound.

Pogba ayaa saddexaad ku jira, halka uu afaraad ku jiro laacibka Atletico Madrid Antoine Griezmann.

Luis Suarez ayaa 5-aad kaga jira liiska halka xiddiga reer England iyo kooxda Tottenham Harry Kane uu ku jiro 6-aad, Cristiano Ronaldo oo dhawaan ku guuleystay Ballon d’Or iyo waliba laacibka ugu fiican FIFA ayaa  7-aad kaga jira liiska iyadoo lagu qiimeeyay 111.2-milyan oo bound.

Liiska 10-a sare waxaa dhammeystiraya Xiddig yaraha Juventus Dybala iyo midka Tottenham Dele Alli, Eden Hazard ayaa ku jira 10-aad.

EEG liiska 25-ka lacagaha ugu badan suuqa ka jooga: