telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Xildhibaan Maxamed CaliObama Oo Si Qoto-Dheer Uga Hadlay Caqabadaha Hortaagan In Sixir-Bararka Xal Loo Helo, Soona Bandhigay Qodobo Lagu Dawaynkaro

“Maraykanka Sida Dollarka Looga Isticmaalo Ayaa Hargeysa, Burco Iyo Ceerigaabo Iyo Somaliland-Oo Dhanba Looga Isticmaalaa, Zaadka Iyo E-Dahab Labaduba Waa Ka Badh Baan Anigu  Qabaa Shakhsiyan Inuu Sicir Bararku Kobco”

 

“Waxaan Habi Ku Ahay Odaygii Oo U Ruqaansaday Inuu Talada Dalka Ka Qayb Qaato, Hore Ugamuu Qayb Qaadan, Waa Raga Wadanka Wax Badan U Soo Qabtay Markaa Waxaan Anigu Aaminsanahay Inuu Isagu Igaga Xaq Lahaa”Xildhibaan Obama 

 

 

Hargeysa, 23, 1, 2018(Warsugan)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si qoto-dheer uga hadlay caqabadaha hortaagan in xal waara loo helo sixir-bararka aafeeyey bulshadda, kaas oo xukuumadda Madaxwayne Biix ugu baaqay inay qaado talaabooyin ad-adag oo uu tilmaamay lagu dabiibi karro sixir-bararka.

Xildhibaan Obama waxa uu tibaaxay in isticmaalka lacagta doollarka ee bulshadu aadka ugu xidhan tahay inuu kaw ka yahay qiima dhaca lacagta dalka, kaas oo xukuumadda kula taliyey inay ku dadaasho sidii qiimaha lacagta dalka kor loogu qaadi lahaa.

Xildhibaan Maxamed Cali Obama waxa kale oo uu ka hadlay hankiisa siyaasiga ah, kaas oo sheegay inuu xil inoo ka hungureeyo xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi ama uu mustaqbalka iska sharaxo xisbiga KULMIYE uu ka doorbiday inuu u tanasulo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo uu sheegay inuu isaga uga xaqbadan yahay inuu qayb ka noqdo madaxda hogaaminaysa Somaliland.

Waxanu sidaa ku sheegay mar uu shalay saxaafada kula hadlay Magaladda Hargeysa, ugu horayn isagoo arrimahaasi xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ka hadlaya waxa uu yidhi “Wadan kasta sicir barar wuu ka dhacaa, sida kaliya ee loo xaliya waxa weeye dawladda oo ka qaadata go’aamo adag, go’aamada laga qaadayo maxaa ka mid ah, ma nihin Somalilander sababta oo ah waxaynu isticmaala doollar oo Somaliland shilling ma isticmaalo.

Maraykanka sida dollarka looga isticmaalo ayaa Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo iyo Somaliland-ba looga isticmaala taasi waa qalad baa qabaa, waa in lacagteena la isticmaala imika maanta inanka gaadhi ku maydhaya laba doollar buu ku waydiinaya, ka baalashka dollar buu ku waydiinaya, hudheelku cuntadiisu dollar baa lagu waydiinaya, dee waxaas oo dhami waa qalad.

Ingiriiska markaad joogto, maraykan joogto ee aad joogto Africa-da kale wadan waliba lacagtiisu la isticmaala, lama ogola inaan UK.Bond inaan ku iibsado aniga oo Maraykan jooga, Norway ma ogola.

Markaa horta dhibaatada ugu waynee ay inagu haysa lacagteenii oo aynaan isticmaalayn horta waa qayb, waxa dawladda looga jeeda in xukuumadu in amar adag ay ka soo saarto in baayacmushtarka aynu wax ku kala iibsano oo bal wadankeena aynu  ku kala iibsano lacagteena waa muhiim, amar adag oo la raaci karo hadii la helo waxaan qabaa inuu hoos u dhacayo sicir babarku.

Lacagta badan ee wadanka ka baxda iyada lafteedu  waa ka qayb, qaadka ka soo qaad waxa allaale waxaynu dollar hayna habeenkii bay gudaan, wax inoo soo dhaafana habayaraatee ma jiro, taasi lafteedu way keeni kartaa.

Dawladda ayaanay u taala inay ka soo saarto qawaaniin adag oo ah inaanay lacagta adagi ka bixin dalkeena, iyaduna waa go’aan dawladeed baan qabaa.

Zaadka iyo E-dahab labaduba waa ka badh baan anigu  qabaa shakhsiyan inay sicir bararka kobciyaan, Zaadka iyo E-dahab labaduba wadankuba xeer kama laha, waa dhibaatada dalka haysata, dawladu xaq bay u leedahay in ay tidhaa hala joojiyo maadaama xeer loo racaaba jiro.

Intaa oo milyan oo dolar oo habeen walba wareegaysa  oo wadankuba aanu ka lahayn xeer, shacabka waa u faa’iido la’aan, qaranka waa u faa’iido la’aan, qofka kasta oo lacagi kaga jirto Zaad iyo edahab haday company-yadaasi maanta kacaan waxa xeer ah oo lagu maamulayo iyo wax uga meel yaala ma jirto.

Waxa weeye in xeer wadanku ka yeesho, zaadka aduunka waa laga isticmaala laakiin sidaynu inagu u isticmaalo maaha, wadan kastaba xeer buu leeyahay, xeerka maxaa keenaya, xeerka waxa keenaya wuxuu odhanaya zaadka sidaas ayaa loo isticmaalaya company-yadana waa u xeer, shacabkana waa u xeer labadii qolaba way ilaalinayaan”

Dhinaca kale xidhibaan Obama waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaamo ka tirsan degmada Ceel afweyn ee gobolka Sanaag, waxa uu yidhi “Dagaalkaas ka dhex dhacay labada beelood ee walaalaha ah ee deegaanka Dararweyne horta waynu ka wada xunahay.

Hadaynu nahay masuuliyiinta qaranka hadaynu nahay shacbi weynaha reer Somaliland meel ay joogaanba, waxaynu u diraynaa baaq nabadeed oo aan jecalahay inay dagaalka sida ugu dhakhsaha badan joojiyaan oo ay wada hadlaan oo wixii ku kala maqan iyaga dhexdoodu ay ka haeshiiyaan maadaama ay yihiin laba beelood oo aan kala maarmi karin.

Aad iyo aad baanu dhimashada uga xunahay, waxaananu u soo jeedinaynaa inay nabadgalyo ku dhamaystaan arrimahooda, dawladana waxaanu ku adkaynaynaa arrintani way soo noqnoqotay oo laftigeeda gacan birra ku qabataan oo ay noqoto wax xal waara laga helo.

Waxaan qabaa in imika lagu hawlan yahay oo haday noqoto madaxdhaqameed haday tahay   xukuumada-ba aad loogu hawl jiro oo arrin kui culus ay tahay qaranka oo dhan, taasi laakiin waxaan jeclaan lahayn in ay joojioyaan dagaalkaas oo ay dhamaystaan arrimahooda”

“Anigu waxaan waday nin oday ah oo runtii dalkan iyo qarankan wax badan u soo qabtay oo in badan dalkan usoo shaqaynayay oo aan qabo dawladihii hore inay dulmiyeen.

Marka waxaan happy ku ahay odaygii oo ruqaansaday oo go’aansaday inuu talada dalka ka qayb qaato, hore ugamuu qayb qaadan, tii Siilaanyo, tii Rayaal iyo tii ina Cigaal kama qaybqaadan, waana ragga wadanka wax badan u soo qabtay markaa waxaan anigu aaminsanahay inuu isagu igaga xaq lahaa”.

 

 

 

461 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins