Xildhibaan Maxamed Wali oo madaxweynaha kula taliyey inuu magacaabo wasiirka Caasimada Wadanka

0
452

Hargeysa (warsugannews)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa Madaxweynaha tallo ugu soo jeediyay inuu sameeyo wasiirka caasimadda.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu yidhi “Marka ay dadkeena qurba jooga ahi iyo sidoo kale dadka kale ee waddamada dibadaha ay dalka yimadaan, waxa ay aad ula yaaban waxyaabo badan oo ay ku arkaan Caasimadda, oo aanay lahayn Caasimaddaha Wadamada kale , waxayna aad ula yaaban Baarkin la’aanta haysta Caasimadda, iyo Baabuurta ku soo badanaya,Waddooyinka cidhiidhiga ah iyo wax la mid ah, waxa kale oo iyana jira oo inta badan iyana aynu aragnaa in Shilalkii Baabuurtu aad u soo badanayaan, dadkiina ay Waddooyinkii oo markii horeba cidhiidhi ahaa ay ku soo durkayaan.

Waxa kale oo jira Biyo yaraan aad u balaadhan oo inta badan Magaalada ka jirta, haddana waxa dhacda in marka u roobku da’o in Biyaha Dooxo ay si toos ah u galaan Badda, markaas iyada oo dhibaatooyinkaas oo dhan iyo qaar la mid ah jiraan, ayaa anaga oo og in Caasimaddu Maayar leedahay, Maayarkuna aanu keligii waxba qaban karin, madaama ay Caasimaddu sii balaadhanayso, ayaa waxa aan ku talin lahaa, Madaxweynaha ka codsan lahaa inuu Wasiir u magacaabo Caasimadda, sida uu Wasiir ugu magacaabay Biyahaba, haddii Wasiir loo magacaabo Caasimadda, wax badan ayaa fududaan lahaa, waxaanu Wasiirku wax badan ka qaban lahaa culayska iyo dhibka ka jirta Caasimadda, waxaanu Wasaarad walba kala xidhiidhi lahaa hawlaha kaga xidhan sida Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashadaba”.

XIGASHO GEESKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here