Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Oo Lagu Maamuusay Shahaado Sharaf Uu Ku Mutaystay Doorka Waxqabadka Iyo Horumarka Gobol Togdheer

0
612

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Oo Lagu Maamuusay Shahaado Sharaf Uu Ku Mutaystay Doorka Waxqabadka Iyo Horumarka Gobol Togdheer

Hargeysa(Warsugannews)Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Wuxuu noqday Xildhibaanka keliya ee ugu sumcada iyo saamynta badan golayaasha deegaanka Dalka oo dhan . Xildhibaanka ayaa la sheegay inu yahay shakhsiyad ku suntan Horumarka Gobolka uu xildhibaanka u yahay ee Burco

11998368_972944109429664_74517203_n

Jaamacadda Golis ayaa maanta Shahaado sharaf Qiimaheedu sarreyo Guddoonsiisay Shakhsiyaad Wax u qabashada Bulshada iyo Horumarka Dalka si weyn uga Dhex muuqday Shakhsiyaadkaas waxa ka mid ahaa Xildhibaan MubarikYusuf Cilmi Bidhi oo ka mida Golaha Degaanka Burco kuna suntan Horumarinta Bulshada iyo wax u qabashada dadka jilicsan, isagoo ah Xildhibaan inta badan u dhaq dhaqaaqa horumarka Gobolka Togdheer islamarkaana ku suntan wax qabad badan oo Gobolka Togdheer iyo deegamadiisa ka hir galay.
11992148_972944139429661_1211112365_n

Xildhibaan Mubarik Yusuf Cilmi Bidhi oo uu shahaado sharaftaasi guddonsiiyey Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa munaasibad ay ku qalinjebinayeen in ka badan 1000 Kun Arday looguna dabaaldegayey sannadguuradii 10aad ee aasaaska jaamacadaha Gollis lagaga sheegay inu yahay shakhsiyad kusuntan Horumarka Gobolka uu xildhibaanka u yahay ee Burco, isla maarkaasna uu ka mid yahay taageerayaasha ugu waaweyn ee dhalinyarada ku taageera hawlaha ay qabanayaan iyo horuarka kale ee gobolka ba, sidoo kale wuxuu ka mid yahay Xildhibaan Mubaarig Bidhi dadka inta badan u ololeeya la dagaalanka qabyaalada jecel midnimada iyo Horumarka Somaliland, wuxuuna sumcad badan ku leeyahay Gobolka uu kasoo jeedo ee Togdheer iyadoo si balaadhan looga wada yaqaan guud ahaan Gobolada Somaliland.

Xildhiban Mubarik Bidhi ayaa aad looga ammaanay munasibadaasi, waxana madaxdii jamacadda gollis ee shahaado sharafta guddoonsiiyeen sheegeen inu yahay shakhsi u qalma shahaado sharaftan iyo wax ka qiimo badan ba, si loogu dhiirigeliyo loogana mahadceliyo dedaalkiisa iyo juhdiga uu geliyo danaha Bulshada iyo hurmarka Gobolka uu kasoo jeedo oo mudadii uu joogay uu wax badan ka bedelay, Xildhibaanku wuxuu dhawaan aasaasay islamarkaana rukunada u taagay Xarun lagu daryeelo derbi jiifka Burco, taasi oo hore ay ugu amaantay Marwada qaranku kaalinta uu ka geystay Xaruntaasi ilaa hadana uu gacanta ku hayo.

11999874_972944169429658_87852724_n
Xildhibaanka oo markii uu xafladda soo galay ay sacab weyn ku soo dhoweeyeen ardaydii jaamacadda Gollis faraceeda Burco oo safafka ugu horeeyey fadhiyey ayaa noqonaya xildhibaankii ugu saamaynta badnaa dhinac walba xildhibaanada golaha degaanka isagoo shacabkiisa isku baray dedaalkisa iyo sida uu wax ugu qabto danyarta iyo dadka jilicsan, isla markaasna mar walba ugu ololeeyo danaha dhalinyarada.

Xildhibaan Mubarik Bidhi ayaa gebogabadii qaar kamida warbaahinta u sheegay inu uga mahadcelinayo jamacadda Gollis shahado sharafta ay ku maamuuseen, isla markaasna uu u qaadanayo dhiirigelin iyo ka sii badi uun inay tahay, sidoo kalena uu sii wadi doono dedaalada horumarka iyo u adeegida bulshada jilicsan ee nugulka ah.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Ayaa Lagu Maamuusay Shahaado Sharaf Uu Ku Mutaystay Doorka Waxqabadka Iyo Horumarka Gobol Togdheer

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here