Xildhibaan Nac Nac Oo Xukuumada Ka Difaacay Eedaymo Musuq Maasuq Oo Loo Jeediyey

0
444

Xildhibaan Nac Nac Oo Xukuumada Ka Difaacay Eedaymo Musuq Maasuq Oo Loo Jeediyey

Hargeysa(warsugannews):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiiladda ayaa tilmaamay in aanay jirin wax musuqmaasuqa oo ay ku kacday xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Xildhibaan Nacnac oo la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo yahay mujaahid dalka u soo halgamay waxaana uu tilmaamay in aanu ahayn madaxweyne Siilaanyo nin adduun doonaya.

0px 24px; outline: 0px; padding: 0px; vertical-align: baseline; color: rgb(43, 43, 43); line- 24px;”> Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxweynuhu maaha nin adduun doonaya oo lagu sheego inuu urursanayo waa nin mujaahida oo waddanka soo xoreeyay markaa waa ku ceeb ninkii waxaas in loo quudho, geed hoostii ayuu u fadhiistay, madaxweynuhu halgankii dalka lagu xoreeyay isagoo wasiir ah ayuu iskaga yimid dawladii Somalia, waligii Siilaanyo ayaa musuqmaasuq lagu xantaa waa noo maanta waana Mandelaha Somaliland oo taariikhda ayuu galay.”

Xildhibaan Nacnac waxa kale oo uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo awood u leeyahay in uu soo celiyo xeerarka iyo go’aamada ka soo baxa golaha wakiiladda maadaama uu dastuurku awood u siiyay.

warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa.OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here