Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe Oo Baaq Mihiim Ah U Diray Murashaxiinta Saddex Xisbi Qaran, Ugana Digay Yoo-Yootanka Iyo Hadalada Xanafta Leh

0
449

Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe Oo Baaq Mihiim Ah U Diray Murashaxiinta Saddex Xisbi Qaran, Ugana Digay Yoo-Yootanka Iyo Hadalada Xanafta Leh

“Murashixiinta Madaxtinimada Doonaysa Waa Inay Si Sharaf Leh U Tartamaan, Ninka Imika Khilaaf Kiciya Ee Caytama Ama Rabshad Kiciya Xagu Wax Ku Doonaya?”Xaaji Cabdi Waraabe

Hargeisa (Warsugan) – Oday Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi waraabe) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa murashaxiinta saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID ugu baaqay in mid kastaba dhinaciisa ka ilaaliyo hadalo u sheegay inay ummada kala fogaynayaan, isla markaana nabadgalyada ka wada shaqeeyaan.

Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu shacbiga reer Somaliland ugu baaqayaa inay wada ilaalashadan nabadgalyada, iskana jiraan waxyaabaha nabadgalyo darida keeni kara.

Xaaji Cabdi isago hogo tusalayna musharaxiinta doorashada madaxtooyada ku tartamaysa ee dalka ka qabsoomaysa 13ka November 2017ka ayaa u jeediyay in murashaxa soo baxa loogu haneeyo si sharf leh.
Sidoo kalena waxa u xubnaha golaha guurtida u jeediyay inaanay ku milmin xisbiyada, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa u yidhi “Golaha guurtidu waxa uu caan ku noqday wada jir, goluhu waa guurti magaceenu waa dhex, dadka dhex u ahaada oo guurti ahaada u siman, waraaqda (codbixinta), ninba ninku doono ha ugu rido’e golaha guurtida taleedu waa inay mid ahaata.

Waxaan leeyahay guurtdu meel ay joogtaba waa inay dhex noqoto, oo xubno xisbi u shaqaynaya aynaan iska dhigin, xisbiyada ninba ku doono ha ugu rido ee guurtdu waa inay iska ilaaliso xisbi ay u shaqeeyaan.
Waxan ku daraya inta murashixiinta madaxtinimada doonaysa ee tartamaysa waa inay si sharaf leh u tartamaan, ninka imika khilaaf kiciya ee caytama ama rabshad kiciya xagu wax ku doonaya, isaga dadka iska eryaya waa inuu si sharaf leh baraamijkiisa uga dhaadhiciyaa dadweynaha.

Ninka imika buuq kiciya isaga cidlada is dhigaya, saddexda nin ee tartamaya ha iska ilaaliyaan inay rabashad kiciyaan, magac baynu u leenahay nabadgalyada, magaca ha inaga duminina, gobanimadu waa nabadgalyada, si sharaf leh u tartama.

Shacbiga nin walowba kaad doonto ugu rid idinma kala xigaan nabadgalyadana aynu wada ilaashano, ciidamada iyo guud ahaan shacbigu mid aynu ahaano.

Saddexda murashax ee tartamaya saaxiib ha ahaadeen ka hela uun ha u hanbalyeeyan.
Ciidamo qaran oo wanaagsan baynu leenahay, Booliis wanaagsan baynu leenahay dhex ha u shaqeeyaan, culimaa’idiin, macalimimiin, arday dhamaan waa inaynu guud ahaan nabadgalyada ka wada shaqayna

Haday nabadgalyo inoogu dhacdo nin walba waa madax, caalamka ina eegaya, waftiyo badan oo inoo yimid oo ina jooga, waa la ina eegaya dee sharaf hala inagaga tago oo yaan ceeb la inaga sheegin.

Waxaan ku dardaarmaya guud ahaan nabadgalyada aynu wada ilaashano yar iyo weynba, si wanaagsana doorashadu ha inoogu dhacdo insha allaah”.

wargeyska warsugan
cadadkiisi maanta 31.10.2017