Xildhibaanada u tartamaya xilka gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta jeedinaya qudbadahooda

0
427

Musharixiinta u tartamaya xilka guddoonka baarlamaanka ayaa maanta ka hor jeediyaan xildhibaanada golaha shacabka, khudbado ay kaga hadlayaan waxqabadka ay laSida lagu wado, xildhibaanada u taagan xilka guddoonka baarlamaanka ayaa maanta soo bandhigaya waxqabadkooda, waxaana xigi doono xildhibaanada u taagan xilka guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka.

Waxaana jiro loolan adag oo u dhaxeeya musharixiinta madaxweynaha dalka, kuwaasi oo doonaya in ruux ay isku fikrad yihiin uu kusoo baxo xilka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cismaan Cilmi Boqore, ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka loo gudbin doono liiska musharixiinta iska diiwaan gelisay xilka guddoonka baarlamaanka.

Inka badan 20 musharax ayaa u taagan xilalka guddoomiyaha baarlamaanka, ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamaanka Soomaaliya. imaanayaan haddii loodoorto xilka ay u tartamayaan.