Xildhibaanaw Xeerka Ilaaliya Xilbaa Ku Saaran

0
349

Xildhibaanaw Xeerka Ilaaliya Xilbaa Ku Saaran

Xildhibaanadu waxay metelaan shacabkii soo doortay.

waxay xakameeyaan kuna ilaaliyaan sharciga masuuliinta.

waxay ILAALIN KAABID WAX KABEDEL ku sameeyaan

shuruucda iyo distoorka dalka u dejisan. waxay daba

galaaan golahana hor keenaan masuul wal oo hawshiisa

gudan waaya sida wasiirada oo ay war bixin iyo wax qabadkiisa

ka dhegaystaan.qabyo tirka shuruucda dalka marba xaaladaha

geyiga ku soo kordha . ansixinta wasiirada. mudana yaal idinkoo

ah gole karaamada mudan ahlul xikmo mudan in la idinku

tuhmo MAWSHIN KU MACAASH waa nasiib daro. waxad

korodhsateen misharkiinii oo min 1500 doollar baad qaadataan

iyo guno weliba wadankan xaalkiisa dhaqaale aad ogtihiin.

u hiiliya xaqa shacabkiina ilaasha sharciga aad ilaalisaan dhawra

kaasi haduu dumo arinku

waa DAL DUMOW YAA KU LE.

KARAAMADA MILGAHA IYO SHARAFTA golaha ilaaliya oo ha

calyaa ceshanina sida xoolaha ee waxa goluhu u codeeyey waa sharci.

ka noqosho male ee siday guurtidu qawlkeeda u meel marisay

idina meel mariya. wiilasha qaad qamaxa ah iska qabta. waad cadayseen.

HAAMAHA KAYDKA EE BERBERA shacabkana kalsooni baad ka hesheen.

ee ha ceeboobina arin idinka dhamaaday ilooba.sharciyada aad soo saarteen

ee ku laasheen wareejinta haamaha ha loo hogaansamo taasi waa sharafta

xildhibaanka iyo kalsoonida qaraarada golaha wakiilada. somalidu waxay ku

ku maahmaahdaa ILAAHAW HAA IYO MAYA HANAGA WADA YEEDHSIIN.

golaha guul iyo goaan adag baan u rajaynayaa.

MUSA AW HASSAN LODOON

AWDALI DUBAI

muse hassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here