Xildhibaanno Tallo U Soo Jeediyay Murrashaxiinta La Doortay Ee KULMIYE, Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Tallaabo Aan Hortii La Qaadin

0
504

Xildhibaanno Tallo U Soo Jeediyay Murrashaxiinta La Doortay Ee KULMIYE, Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Tallaabo Aan Hortii La Qaadin

Hargeysa (Warsugannews):- Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in si dimuqraadiya uu u qabsoomay shirkii golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo lagu doortay murashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbigaas toddobaadkii hore.

Xildhibaan Dhakool oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu ku dooday in shirkii golaha dhexe ee Kulmiye ahaa mid dimuqraadiya u qabsoomay oo waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Xisbiga, kaas oo uu ku xusay inuu ahaa shir aanay ka muuqan wax mad-madow ahi.
“Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye waxa uu ku dhammaaday si nabad-galyo ah oo daganaansho ah oo wada tashiya, waxaana markhaati ka ah in shirku u dhacay si cadaalalda, dadka joogayna ay ahaayeen ergooyinkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye kaadhadhkii lagu coddeeyay ayaa cadaynaya,”ayuu yidhi Xildhibaan Dhakool oo shalay u warramayay wargeyska DAWAN.

Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay murrashaxiinta jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeen Xisbiga KULMIYE in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo isu soo dhawaynta xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa murrashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka loo doortay, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici in ay dadka isku wadaan oo nin doortay iyo nin aan dooranba u muujiyaan odaynimo iyo masuuliyad oo ka hawl-galaan si ay u soo celiyaan siyaasiyiintii murrashaxiinta ahaa ee shirka golaha dhexe aan ka soo qayb-gelin oo ah niman mustaqbal siyaasadeed leh waana inay samraan oo ay sugaan wakhtigooda.”

Geesta kalena, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac Nac) oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland,ayaa ku bogaadiyay Madaxweyane Siilaanyo tallaabo uu qaaday oo taariikhda u gashay isla markaana aan hortii cid ku dhacday aanay jirin Xildhibaan Nac Nac oo qoraal uu arrintaas kaga hadlayo ku faafiyey bogga uu ku leeyahay Facebook ayaa waxa kale oo uu ka hadlay taariikhda uu leeyahay Madaxweynaha Somaliland ee halgankii. Waxaanu yidhi “Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa madaxweynaha gartay inuu hankiisa musharraxnimo uga tanaasulay saxibadiisii iyo ardaydiisii mudada dheer siyasada Ku soo wada jireen.

Waa shaqsi Ku suntan siyasadda Somaliland illaa dalkii la isku odhan jiray Somalia waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladahii kala dambeyey ee inna soo maray. Waa mujaahid u huray naf iyo maalba siday dadkan iyo dalkan u xoriobi lahaayeen kana hoos bixi lahayeen rajiimkii kaligi taliska taas oo u ahaa Gudoomiyahi ugu mudada dheeraa SNM duruufo badana la soo maray isaga iyo mujaahidiin badan kuwi dhintay ALLE ha u naxariistee. Xildhibaan Nacnac (2)Xildhibaan Nacnac (2)

Waa aasaasihii xisbiga KULMIYE oo muddo dheer mucaaridnimo la soo maray oo doorashaddii 2003 kaga dhaqaaqay wax ka yar 80 cod taas oo rag badan oo xisbiga Ku jira u cuntami wayday. Waxa uu kaga tanaasulay u tudhis uu u tudhayo dalka iyo dadka taas oo lexejeclo ka haysay dalka . Marki uu Ku guulaystay madaxtinimada dalka waxa uu soo ban-dhigay wax-qabad iyo karti faro badan iyo shaqo dheeriya.taas oo dadku Ku diirsaden isbedelka weyn ee uu horkacayey madaxweynahu taas oo meelo badan ka muuqata xaga waxbarashada , waddooyinka, caafimadka, amniga dalka, shaqo sameynta dhalinyarrada iyo waxyaabo badan oo aan qormo kaliya lagu koobi Karin.Waxaan Ku soo gabagabayanayaa tariikhda madaxweynaha laguma soo koobi karo qoraal iyo maqaal kaliya ee tariikh ayaa is qori doonta. Waxaan leeyahay madaxweyne tariikhda baal dahab ah baad kaga jirtaa inta cimrigaaga Kuu hadhay ALLE caafimaad qab ha kugu gaadhsiiyo Ammiin Amiin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here