Xirsi Ma Wasiir Xul Ahbaa Mise Waa Raysal Wasaare???

0
539

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wa Barakaatu, Marka ugu horeysa Waxaan Salaamayaa dhamaan Shacbiga reer Somaliland gudo iyo debedba meelay joogaan, Marka labaad Waxaan Somaliland illaahay uga baryayaaa inuu siiyo Horumar,Barwaaqo iyo Aqoonsi buuxi.Intaas ka dib Waxaan Maanta qalinka u qaatay inaan maankayga ku sifeeyo mid kamida Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland Waa Xirsi Cali X. Xassan

Beryahan Waxaa jira hadalo ay bulshada reer Somaliland isla dhex marayeen sidoo kale Warbaahinta Somaliland lagu qaadaa dhigayay laguna tilmaamayay Wasiirka Madaxtooyadu inuu yahay Raysal Wasaare sidaas daraadeed waxaan jeclaystay inaan Xirsi wuxuu yahay raad guro, Baadhitaan dheer kadib ayaan jeclaystay inaan bulshada reer Somaliland maxsuulka aan helay inaan usoo bandhigo Waxyaabaha xirsi aan ka ogaaday hadii aan isku soo xooriyo ayaa waxay yihiin sidan hoos ku xusan:

Waa maxay shaqsiyada Wasiir Xirsi?

Aan hoosta ka xariiqo shaqsiyada Wasiir Xirsi: Waa shakhsi ku sifoobay Howl-karnimo, Daacadnimo iyo karti sidoo kale waa abaabule bulshe waa qof jecel inuu ka midho dhaliyo hankiisa waxaanan u helay cadayn taas waayo muddo laga joogo Saddex toddobaad ayaan waxaan baadi doonay inaan helo shaqsiyaad la kulmay wasiir xirsi si aan aan u helo xoggo ku saabsan xirsi madaama aanan waligay la kulmin wasiir xirsi waxaanay ii sheegeen hadalo isku mid ah waxaanay si daacadi ku jirto iigu hufeeen xirsi iyo dabeecadiisa,

Raage Muuse waa mid ka mida dadka aan kula kulmay magaalada London, Maruu hargeysa booqday ayuu la kulmay Wasiir Xirsi markii aan su’aalo xirsi ku saabsan aan weydiiyay waxa iigu jawaabay sidan, “Xirsi waa nin soo dhawayn badan, Qadarin badan habeen iyo maalinba ku hawlan shaqo qaran oo ka soo baxay xilka uu umadda u hayo”
Sidoo kale Cabdale Xuseen Qariye ayaan isnay maraan meel dukaan ah kula kulmay ayaan isna si kaftan ah u weydiiyay kolay waadigii hargeysa tegaye Xirsi waad kulanteen waxaanu si qiiro leh iigu jawaabay “Iga daa saaxiib ma waxaan moodayay mise wuxuu noqday, Waxaan u haystay nin kibir iyo isla weyni badan, laakiin wuxuu noqday qof dadka kii caaya iyo kii amaanaa ay isku mid yihiin mar kastana ka shaqaynaya maslaxada ummada”
Maxaa Raysal Wasaare laagu Cumaamaday?

Hadii aan isku soo xooriyo Sababta keentay hadal haynta wakhti xaadirkan ee warbaahinta loogu gorfeeyo Xilka Raysal Wasaaranimo ee Wasiir Xirsi dadkii qaarkii la doorbideen ayaan helay sababahan aan hoos ku suntay
 Waxaan ogaaday oo biyo kama dhibcaan ah inuu xirsi yahay shaqsi ka soo baxay waajibaadkii qaran wadiiqana u jeexay dhabaha masuulnimo iyo sida ummada loogu shaqeeyo.

Waxaan ogaadey oo ii iftiimay inaanay naxli ka ahayn xilka aanu hayn ee lagu suntay oo ah inuu yahay Raysal Wasaare laakiin bulshada reer Somaliland la jeclaatay xilkaas iyo mid ka sareeyaba kadib markay arkeen shaqo wanaagiisa iyo dad jacaylkiisa balse marka aynu muujino runta waxaa uu noqday wasiirkii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara Somaliland intii ay jirtay taariikhdana wadankeenana ka galay baal dahaba

Waxaan ogaadey oo ii bidhaantay in dadka reer Somaliland badankoodu neceb yihiin qofka kasoo baxa waajibaadka iyo xilka lagu cumaamaday laakiin ay ka doorbidaan qofka xilka loo dhiibay u adeegsado danahiisa gaarka ah iyo sifo aan ahayn sifo sharci ah kuna tilmaamaan Hebel waa Libaax, Waa Gob, Waa sidan iyo sidan waxaanan shacbiga reer Somaliland ku waaninayaa inay ka waantoobaan dhaqanadaas foosha xun ee wax u dhimaya danteena iyo sumcada madaxdeena
Waxaan ogaadey oo ii cadaatay, inuu yahay Wasiir aanay waligii Somaliland ka maarmayn oo noqday masuul ay reer Somaliland ku dhaadan doonaan yahayna wasiirka kaliya ee kasoo bixi doono waajib kastoo qaran oo dushiisa fuula

Wabilaahi Tawfiiq

Maxamed Xaaji Quule Yaasiin
London UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here