Xisbiga KULMIYE oo Isu-soo-baxyo iyo Mucaawanooyin uu Bixiyey ka Dhigay Maalintiisa Shanaad ee Ololaha Doorashada +SAWIRO

0
766

Xisbiga KULMIYE oo Isu-soo-baxyo iyo Mucaawanooyin uu Bixiyey ka Dhigay Maalintiisa Shanaad ee Ololaha Doorashada

Hargeysa (WSN)- Xisbul-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa isu-soo-baxyo waawayn oo taageero iyo mucaawanooyin uu ugu deeqay xarumaha ciidammada iyo kuwa dadka jilicsan ku jiraan ka fuliyey guud ahaan dalka maalintiisa shanaad ee ololaha doorashada oo ku beegnayd maanta oo Jimce ah.

Caasimadaha xarumaha u ah gobollada iyo magaalooyinka kala duwan ee degmooyinka dalka, ayaa laga sameeyey isu-soo-baxyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay baaxaddiisa taageerada uu haysto iyo taakulo xoolo iyo hanti kale ah oo uu ugu deeqay cusbitaallada, talisyada ciidammada kala duwan, xarumaha agoomaha iyo xarumaha kale ee ay ku jiraan dadka baahani.

Gobolka Sool oo xudun u ahaa isu-soo-baxa ugu ee xisbiga KULMIYE ku muujiyey taageerayaashiisa maalinta shanaad ee ololaha doorashada, waxa shacabweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolku soo bandhigeen taageero indhuhu ku daraandareen oo ay ugu dabbaaldegeen xisbul-xaakimka.

Kumanaan qof oo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo isugu soo baxay fagaaraha khayriyada Laascaanood maanta oo ay buux-dhaafiyeen iyagoo sita calanka astaanta u ah KULMIYE, kuna dhawaaqayey erayo taageero ay ugu muujinayeen xisbiga iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, waxa kala qaybgalay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin miisaanleh oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Md. Xuseen Aadan Caddi, wasiirro badan, xildhibaanno, hoggaanka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Sool, haween, dhallinyaro, waayeel iyo madax-dhaqameed, waxa halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay taageerayaasha xisbiga, isla markaana lagu guubaabiyey inay codkooda la garab galaan maalinta codaynta.

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa iyaguna isu-soo-baxyo ay ku soo bandhigeen degmooyinka kala duwan ee magaaladu ka kooban tahay ku taageeray xisbiga KULMIYE.

Kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo ka qaybgalay isu-soo-baxyo ka dhacday fagaarayaal ku kala yaal shanta degmo ee waawayn ee ay ka kooban tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee kala ah; Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, 26 June iyo Ibraahim Koodbuur, waxay ku muujiyeen heerka baaxadda ballaadhan ee taageeradooda xisbiga KULMIYE ah iyo sida ay diyaarka ugu yihiin doorashada murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Sidoo kale, Xisbiga KULMIYE waxa uu deeqo xoolo ah gaadhsiiyey goobo kala duwan ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna guddida ololaha xisbiga ee gobolku ay xoolo dhan 37 neef oo Geel ah iyo 136 neef oo Adhi ah ku wareejiyeen Talisyada Ciidammada Millatariga, Booliska iyo Asluubta, Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo cusbitaalka Qaaxada ee caasimadda, xarunta Agoomaha Hargeysa iyo xarumaha lagu hayo dadka qaba xannuunka maskaxda ama dhimirka.

Geesta kale, kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Waaxyaha kala duwan ee ay ka kooban tahay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa xaafadaha kala ah; Sheekh Cismaan, Sheekh Cali Jawhar, Sheekh Axmed Salaan iyo Sheekh Makaahiil, ayaa isu-soo-baxyo kala duwan oo qayb ka ah ololaha maalinta shanaad ee xisbiga KULMIYE ee doorashada Madaxtooyada ku soo bandhigay barxado kala duwan oo ku yaala xaafadahaasi, waxaanna kala qaybgalay xafladahaasi masuuliyiin iyo saraakiil ka kala tirsan xisbiga iyo xukuumadda oo uu hormood u yahay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ahna Guddoomiyaha Ololaha KULMIYE ee Gobolka Awdal.

Waxa kaloo guddiga ololaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal ay mucaawano ay gaadhsiiyeen cusbitaallada iyo xarumaha dadka kale ee jilicsani ku jiraan oo qayb ka ah in xisbigu taakulo gaadhsiiyo dadka taageerada u baahan.

Gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka ayaa sidaa si la mid ah looga sameeyey ololeyaal taageero xisbiga KULMIYE ah iyo taakulooyinka madaxda xisbigu ku bixiyeen goobaha ay ku jiraan dadka xannuunsanaya iyo kuwa in la caawiyo u baahan.