Xisbiga KULMIYE oo ka Codsaday WADDANI inuu Bulshada u Caddeeyo Ujeeddada Shirar Qarsoodi ah oo uu Xukuumadda Xamar kula Yeeshay Nairobi

0
369

Xisbiga KULMIYE oo ka Codsaday WADDANI inuu Bulshada u Caddeeyo Ujeeddada Shirar Qarsoodi ah oo uu

Hargeysa (WSN)- Xisbal-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa ka codsaday dhiggiisa mucaaridka ah ee WADDANI inuu bulshada u caddeeyo kulamo qarsoodi ahaa oo magaalada Nairobi ku dhexmaray wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Muqdisho oo sida la weriyey uu ka mid yahay Ra’isal-wasaare Cumar Cabdirashiid.

Warbaahinta Kenya, ayaa maalmahan soo bandhigaysay faahfaahinno ka soo baxay kulamo xogtooda la daahay oo hoggaanka xisbiga WADDANI kula yeeshay magaalada Nairobi siyaasiyiin xukuumadda Muqdisho ka tirsan, laguna lafo-guray sidii midnimada Somaliland iyo Soomaaliya looga shaqayn lahaa haddii uu xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashooyinka madaxtinimada ee dalka ka qorshayn sannadda 2017-ka.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga ee Hargeysa maanta, waxa uu hoggaanka xisbiga WADDANI kaga dalbaday inuu caddaymo dheeraad ah ka bixiyo kulankaas oo warbaahinta Kenya intooda badani ku sheegeen in labada dhinac kaga wadahadleen sidii mustaqbalka loo midayn lahaa Somaliland iyo Soomaaliya haddii uu xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashooyinka soo socda.

“Waxa muddooyinkan dambe bulshada reer Somaliland isweydiinaysay safarkii madaxda xisbiga WADDANI ku tageen dalka Kenya oo ay su’aalo badani ka soo noqonayeen, iminkana ifafaale iyo warar cusub oo warbaahinta dalka Kenya ay qorayaan ayaa ina soo gaadhaya, waxaanay taasi muujinaysaa in guddidaas oo ah hoggaankii xisbiga WADDANI ay la kulmeen xubno ka mid ah dawladda Muqdisho oo uu ka mid yahay Ra’isal-wasaare Cumar Cabdirashiid, kana wadahadleen sidii mustaqbalka haddii uu xisbigaasi ku guulaysto doorashada loola midoobi lahaa Soomaaliya,” ayuu yidhi Md. Xasan Gaadhaafi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu u soo jeediyey hoggaanka WADDANI inay shacabka u sheegeen wixii lagaga wadahadlay kulankaasi qarsoodiga ahaa, “Waxa aynu ognahay in xisbiga WADDANI taageerayaashiisa ballaadhani ay yihiin dad reer Somaliland ah oo ku gawracan qaddiyadda Somaliland, xisbiguna xisbi qaran oo axsaabta Somaliland ka mid ah uu yahay, waxaanuna leenahay hoggaanka xisbiga WADDANI bulshada reer Somaliland iyo taageerayaashiisaba ha u caddeeyo waxyaabihii ay halkaas la tageen, ciddii ay la kulmeen, wixii ay ka wadahadleen iyo arrimaha ay warbaahinta Kenya qorayaan waxa ka jira, intaas wixii ka dambeeyana waxanu warbaahinta soo siin doonaa wixii warar ah ee arrintaas kasoo kordha.”

Dhinaca kale, Afhayeenka KULMIYE waxa uu ka hadlay dhaawacyo saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI loogu gaystay magaalada Hargeysa dhawaan, waxaannu xusay in xisbiga KULMIYE ka xunyahay arrintaa, isla markaana waxa hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay dadaalgeliyaan sidii loo soo qaban lahaa cidda dhibaatadaas geysatay, “Xubnihii ka tirsanaa xisbiga WADDANI ee maalmihii aynu soo dhaafnay goor habeennimo ah dhaawacyo loogu geystay magaalada Hargeysa aad iyo aad baanu uga xunnahay, Ilaahayna waxaannu ka rajaynaynaa gacan ka xaq-daran baa waxyeeshaye inuu caafimaad degdeg ah siiyo, ciddii og wixii wax u geystayna waaa inay sheegaan, ciddii aan ogayna inay hay’adaha ammaanka ka caawiyaan sidii loo soo qaban lahaa dadkaas,”ayuu yidhi afhayeen gaafaadhi.