Xisbiga KULMIYE Oo Ka Jawaabay Hadalo Ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha WADDANI iyo Warar Warbaahinta Qaar Qoreen

0
542

Xisbiga KULMIYE Oo Ka Jawaabay Hadalo Ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha WADDANI iyo Warar Warbaahinta Qaar Qoreen

“Xisbiyada Kale Ma Dhaawacno Ee Waanu Dhisnaa, Xisbul Xaakimkii Ayaanu Nahay” Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye
Hargeysa (Warsugan) Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo hadalo warbaahinta qaarkood qoreen oo la xidhiidhay inuu jiro loolan loogu jiro gudoomiyenimada xisbiga KULMIYE dhexdiisa.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Xuseen ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, waxaanu yidhi “Arrin aan ku arkay jaraa’idka oo ka hadlay xisbiga KULMIYE oo ku loolamayaan wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin waxa aan halkan ka cadaynayaa xisbiga KULMIYE loolan dhexdiisa ka socda oo lagu tartamayo ama ay wasiiro ku tartamayaan xisbigu dhammaan shirarkiisii uu soo qabsaday doorashooyinkiisii uu soo dhamaystay gudoomiyaha xisbiga waxa ah Muuse Biixi Cabdi ahna musharraxa madaxweynaha, Maxamed Kaahina waxa weeyaan gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE wada shaqayn wanaagsan ayaa xukuumadda iyo xisbigooda ka dhaxaysa wasiirka madaxtooyadu wuxuu xoog ula shaqeeya xisbigiisa wax tartan ah oo dhexdooda ka socda haba yaraate ma jirto”

Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Hadaanu nahay xisbiga KULMIYE waxa aanu jecelnahay inaanu tartano oo aanu la tartano xisbiyada kale, xisbiyada kale ma dhaawacno ee waanu dhisnaa, xisbul xaakimkii ayaanu nahay markaa wax kasta oo nalaga sheego wixii aad leedahay ayaa ku qabanaya wax aanu faro gelin karnaa ma jirto inaanu isku jiidno haday noo yeedhaan waanan ka qayb galay xisbigaa markuu shirka qabsanayey dadkii lagu soo casuumay ayaanu ahayn waanan ku hambalyeynay shirkooda sida quruxda badan ee ay u qabsadeen laakiin faro galin kumaanu samay”

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office