Xisbiga KULMIYE Oo Masuuliyiin Cusub U Magacaabay Gobolka Salal Markii Ugu Horaysay

0
331

Xisbiga KULMIYE Oo Masuuliyiin Cusub U Magacaabay Gobolka Salal Markii Ugu Horaysay

Hargeysa (Warsugan) Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa masuuliyiin cusub u magacaabay gobolka Salal. Masuuliyiinta uu magacaabay gudoomiyaha xisbiga ahna murrashaxa madaxweyne ee KULMIYE ayaa waxaa ku jira gudoomiyaayaal iyo masuuliyiin kale.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa lagu yidhi “Ujeeddo: Magacaabista Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.

Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddida Fulinta ee heer Gobol u leedahay habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016:

1. Axmed Yaasiin Muxumed Barkhadle – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
2. Cawaale Xasan Aadan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
3. Maxamed Xaamud Cismaan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
4. Cali Isaaq Ibraahim – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyaradda xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
5. Mako Cilmi Sheer – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
______________________________________________
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyepartychairman@gmail.com
Telephone: +25263 4026659, +25263 4093555,
Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.
Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office