Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Dhallinyaro iyo Aqoonyahan ka soo Jeeda Bariga Sanaag oo la Midoobay

0
332
????????????????????????????????????

Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Dhallinyaro iyo Aqoonyahan ka soo Jeeda Bariga Sanaag oo la Midoobay
Hargeysa (WSN)-Hoggaanka xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey aqoonyahan ka mid ah kuwa jaamacadaha iyo dhallinyaro kasoo jeeda bariga gobolka Sanaag oo la midoobay xisbiga KULMIYE.

Kulan kooban oo ahayd maamuska aqoonayahankan iyo dhallinyarada oo lagu qabtay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE maanta, ayaa waxa ka qaybgalay madaxda xisbiga KULMIYE oo uu horreeyo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Md. Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Garabka Haweenka KULMIYE ee heer qaran Marwo Canab Cumar Ileeye, siyaasiga Cali Maxamed Cali (Cali-caliyow) oo ka mid ah Guddiga Fulinta, saraakiil kale oo xisbiga ka tirsan, cuqaal, waxgarad, dhallinyaro iyo aqoon xisbiga ku soo biiray iyo weliba marti-sharaf tiro badan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq u badan oo lagu hogo-tusaaleeyey sida uu xisbiga KULMIYE mar walba diyaarka ugu yahay inuu kasbado maskaxda iyo maanka da’yarta aqoonta u saaxiibka ah.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo ugu horrayn madashaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey aqoonyahanka iyo da’yarta ka soo jeeda bariga gobolka Sanaag, waxaannu xusay inuu hubo inay wax badan ku soo biirin doonaan xisbiga.

Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ahna xubin Guddida Fulinta ee xisiga KULMIYE Md. Cali Maxamed Cali (Cali-cali-yow) oo isaguna halkaas, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu kalsooni badan ku qabo bahda aqoonyahanka ah ee kasoo jeedda bariga gobolka Sanaag, waxana uu shaaca ka qaaday inay albaabada xisbigu u furan yihiin, isla markaana fikirkooda iyo aragtidoodaba xisbigu soo dhaweynayo.

Mustafe Axmed Maxamed oo afka aqoonyahanka ka soo jeeda bariga gobolka Sanaag ku hadlayey, Siciid Yaasiin Maxamed, Marwo Ikraan Cawaale Salmaan iyo Abwaan Maxamed Iimaan oo iyaguna hadallo ay ku sharxayeen aragtida aqoonyahanka xisbiga ku soo biiray, ayaa si isku mid ah u sheegay inay ku qanceen hannaanka xisbiga KULMIYE wax u wado iyo waxqabadka muuqda ee uu dalka ka hirgeliyey.
Caaqil Jaamac Warsame Ciroowe (Jafaal) oo ka mid ah cuqaasha caanka ka ah bariga Gobolka Sanaag, ayaa isaguna xusay in aqoonta durugsan iyo xidhiidha xeesha dheer leh ee bulshada gobolkaas iyo hoggaanka KULMIYE ka dhexeeyaa horseed ka yahay inay aqoonyahankani ku biiraan xisbiga, isla markaana naf iyo maalba u huraan taageeradiisa.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isaguna hadallo soo dhaweyn ah uu aqoonyahankaas u jeediyey ku faahfaahiyey miisaanka iyo taariikhda lama ilaawaanka ah ee bulshada deegaanka bariga Sanaag leeyihiin, waxana uu xusay in midnimada ay dhallinyaradani muujiyeen marag u tahay inay marba marka ka dambaysa sii ballaadhanayso cududda uu xisbiga KULMIYE ku yeelanayo gobollada kala duwan ee dalka.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo hadallo soo dhaweyn iyo jawaab uu u diray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI u badan goobta ka jeediyey, ayaa ugu horrayn dhallinyarada iyo aqoonyahanka ka soo jeeda bariga Sanaag ugu bushaareeyey inay qaybtooda qaadan doonaan talooyinka iyo joongoynta lagu samaynayo arrimaha xisbiga, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta laga bilaabo xisbiga KULMIYE la idiinku talinmaayee waad ka talinaysaan, heerkiisa qaranka iyo heerkiisa gobolladaba waad ka talin doontaa, guddidiinana arrintaas waanu ka wadahadalnay, hablahana waxaannu la xidhiidhinanaynaa garabka haweenka ee heer gobol iyo heer qaran, dhallinyaraduna labadaas heerba qayb bay ka noqon doonaa, waxana aynu ku wada shaqayn doonaa qaab-dhismeedka xisbiga KULMIYE uu leeyahay.”

Guddoomiyuhu isaga oo sharraxaya fursadaha uu xisbiga KULMIYE siiyey da’yarta dalka iyo sida uu xeerarkii u furfuray, ayaa waxa uu yidhi,“Xeerarka Somaliland waxay ay qorayeen in Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka cidda isku sharraxaysaa ay da’doodu noqoto 40-jir, laakiin xisbiga KULMIYE dabarkaas isagaa jebiyey, waxana uu barnaamijkiisii siyaasiga ahaa ku soo bandhigay in golayaasha deegaanka da’da laga dhigo 25-jir, ragga maanta golayaasha deegaanka ku jira dalka oo dhamina marka shakhsiyaad yar laga reebo waa da’diinan oo kale, markaa si aad damac siyaasi ah u yeelataan ayaa fursadaas la idiin siiyey.”

Dhinaca kale, waxa uu jawaab adag u diray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo muddooyinkii dambe ka dardaar-werinayey kalsoonida ay ku qabaan natiijada ka soo bixi karta doorashooyinka dalka ka qorshaysan iyo weliba siyaasiyiin dhaliilo u jeediyey xeerarka iyo shuruucda dalka oo ay ku sheegeen kuwo aan ummadda kala saari Karin, “Waxa jira xisbiyo iyo siyaasiyiin odhanaya doorashada natiijadeeda lama aqbali doono oo waynu isku dilaynaa, KULMIYE 84-cod baa lagaga helay oo uu aqbalay, waa xisbiga keliya Afrika jooga ee aqbalay in doorashadii madaxweynaha 84-cod lagaga helay, adduunyadana meel ay ka dhacdaa ma jirto, Guddoomiyaha xisbiga UCID wuu aqbalay natiijadii in doorashadii laga helay, xisbigii UDUB madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin si sharaf leh buu u aqbalay in doorashadii 2010-kii laga helay. Xisbiga WADDANI waxa uu ku soo kordhinayaa siyaasadda Somaliland oo uu iminka sii caddeeyey inaannu aqbali doonin natiijada doorashada haddii laga helo, xalay (Sabtidu soo galaysay) bay ka hadlayeen oo lahaayeen sharci halla sameeyo, laakiin sharci weynu leenahay oo xeer-qaran baynu leenahay oo distoorkeenaa qoraya oo Baarlamaanka dalkaa sameeyey qaabka xisbiyadu u gelayaan doorashada, qaabka doorashada loo kala helayana hay’ad qaran oo la yidhaahdo Komishanka doorashooyinka ayaa inoo samaysan oo Maxkamad Distoori ah oo natiijada doorashada marka ugu dambaysa soo saarta,ayaa inoo samaysan, xisbiga KULMIYE –na sida uu markii horeba u caddeeyey waxa uu imikana caddaynayaa inuu natiijada komishanka iyo maxkamadda sareba aqbalaayo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

dsc_6152

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????