“Xisbiga KULMIYE Waa Aafada Keliya Ee Ragaadisay Dimuqraadiyadii, Talladdiina Waxay U Gacan Gashay Xidid Iyo Xasaabo” Xamarji

0
421

“Xisbiga KULMIYE Waa Aafada Keliya Ee Ragaadisay Dimuqraadiyadii, Talladdiina Waxay U Gacan Gashay Xidid Iyo Xasaabo” Xamarji

Hargeysa (Warsugannews) Guddoomiyihii hore ee gobolada Maroodijeex iyo Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), ayaa sheegay in siyaasada xisbiga tallada haya ee KULMIYE ay Somaliland u horseeday khilaafaad siyaasadeed oo dalka ragaadiyay iyo in doorashadu dib u dhacdo.

Mr. Xamarji oo u waramay Telefishanka STAR waxa kale oo uu ka digay khilaaf sidii UDUB saaxada ka saaran xisbiga KULMIYE.
“Waxaan leeyahay xisbiga KULMIYE waa aafada kaliya ee ragaadisay Dimuqraadiyadii, higsigii iyo doorashooyinkii Somaliland. Erayga Hogaan la yidhaa wuxuu ka dhashaa xadhiga,ninka iyo awrka, hoggaanka waxa loogu baahan yahay waa ninkan awrka Ooda kala leexleexanaya ee awrka waddada ku soo celinaya, Xisbigii Kulmiye maanta hogaan la’aan baa haysa,” ayuu yidhi Xamarji

Xamarji oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Waxa nin doobinaya meeshaa joogta, waxaa ka dhiman hogaankii odhan lahaa Hebelow waa adiga, hebelowna ma tihid, intaas baa ka dhiman, intaasina balaayo afka lagama dhawree waa maqaadiir iyo aafo ku timid Madaxweynaheena Jamhuuriyadda Somaliland. Taladdii waxay u gacan gashay Xidid iyo xasabo, intaas ayay u gacan gashay. Intaasina meel alla meel aan intaa indhahoodu arkayaan ahayn oo ay ku maamulaan oo aan xiisahooga ahayni ma jiro.” Ayuu yidhi Axmed Xamarji

Waxaanu intaas “Waxaan leeyahay beelaha ay maanta ku dhex rafanayaan xisbiga KULMIYE ee ay isku dhex haystaan ee ay shirarka la kala galayaan wax alaale wax kala dhexeyaa ma jiro. Xarunta madaxtooyada ayuu arrinkii xisbigani yaalaa, xarunta Madaxtooyadana arrin aan baaba’iisa ahayn oo maanta yaalaa ma jiro. Waxyaabaha aanu uga tagnay waxay ahayd rajadiisa godka madow ku sii dhacaysa, waana taas dadka maanta u muuqata,macnaha kalmadduna waa waa uu baaba’ayaa KULMIYE” ayuu yidhi Mudane Xamarje.

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here