Xisbiga Ucid Oo War Qoraal Ah Ka Soo Saaray Khilaafkii Hogaanka Xisbiga

0
324

Xisbiga Ucid Oo War Qoraal Ah Ka Soo Saaray Khilaafkii Hogaanka Xisbiga

Hargeysa(WARSUGANNEWS)War qoraal ah oo ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha xisbiga iyo musharaxu dhammaysteen khilaaf soo kala dhex galay. Xisbigu wuxuu sheegay inuu raali galin siinayo taageerayaashiisa.

Musharaxa xisbiga Ucid ayaa si adag uga jawaabay weedho guddoomiyaha Ucid dhawaan ku sheegay waraysi, kuwaasi oo uu ku sheegay in haddii uu arko inaanay musharaxiintiisu dalka hogaamin karrin uu bulshada kula talin doono inay musharaxiinta xisbiyada kale taageeraan, sidoo kalena ku sheegay in reer Awdal lagu beerayo nacayb beesha dhexe ah, hase ahaatee arrimahaasi waxaa raali galin ka bixiyay Jamaal Cali Xuseen oo sheegay in xisbigu ka tashan doono Guddoomiye Faysal.

Haddaba war qoraal ah oo arrintaasi ka soo baxay ayaa u dhignaa sidan:-

“Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka UCID waxaa uu ka raali galinayaa guud ahaan Shacbiga JSL,gaar ahaana Taageerayaasha xisbiga UCID,Hadalo ay War-baahinta isu mariyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UCID,hadaladaas oo niyad jab ku keenay taageerayaasha xisbiga,Qaarka mid ah warbaahintuna ay Buun-buuniyeen,warbaahintaas oo u rogtey in khilaafkii ugu weynaa ka dhex-qarxay xisbiga UCID
Hadaba Xisbiga UCID waxaa uu bulsho-weynta JSL iyo Taageerayaasha Xisbigaba u Cadaynayaa in aan Wax khilaaf ahi habayaraatee oo ka dhex jira Xisbiga aanu jirin.

Guddoomiyaha Xisbiga iyo Musharaxa Xisbigu wixii yaraa ee dhexdooda ahaa Way dhamaysteen, imikana Waa UL iyo Diirkeed
Xisbiga UCID na waxaa kale oo uu si balaadhan u soo dhawaynayaa taageerayaasha iyo aqoon-yahanka ku soo biiraya xisbiga UCID
Xisbiga UCID waa xisbi Sal-balaadhan oo lawada leeyahay,khilaafkiisana wuu dhamaystaa iyada oo aan cidina dhex-galin, wakhti koobana wuu ku dhamaystaa
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID
Md: Yusuf Kayse Cabdi-lahi
Alla Mahad leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here