Xisbiga Wadani Oo Maciin Biday Faafinta Warar Aan Sal Iyo Raadtoona Lahayn Booqashadii Waftiga Buurta Gacan Libaax

0
368

Xisbiga Wadani Oo Maciin Biday Faafinta Warar Aan Sal Iyo Raadtoona Lahayn Booqashadii Waftiga Buurta Gacan Libaax.‏

Xisbiga Wadani Oo Maciin Biday Faafinta Warar Aan Sal Iyo Raadtoona Lahayn Booqashadii Waftiga Buurta Gacan Libaax.
Cali Xasan Xisbiga Wadani Oo Maciin Biday Faafinta Warar Aan Sal Iyo Raadtoona Lahayn Booqashadii Waftiga Buurta Gacan Libaax.

Xisbiga wadani oo ah xisbiga ugu qabyaalada xun Somaliland islamarkaana ah xisbiga keliya ee laga soo abaabulo duufaanada qabyaaladeed ayaa inta badan wuxuu ku caan baxay faafinta wararka been abuurkaa iyo kuwa qabyaalada isagoo salaan ka dhiganaaya boro bagaandada.

Xisbiga Wadani oo ah aafada qabyaalada Somaliland ee dalka saamaysay ayaa samaystay suxufiyiin gaara oo kasoo jeeda musdanbeedka beesha xisbiga iska leh kuwaas oo lagu naas nuujiyo islamarkaana u xil saaran faafinta waxkasta oo dacayaada, inamadaasi yar yar malaha wax aqoon saxafaadeed ah , mararka qaar waxay soo qoraan qoraalo qaranimada wax yeelaynaaya balse aanay iyagu fahansanayn.

Xisbiga Wadani iyo beeshiisa ayaa in badan ku caana faafinta qabyaalada wararka been abuurka dhawaan jiray wafti balaadhan oo Caraba si heer caalami ahna loogu soo dhaweeyey magaalada berbera, waftigaasi waxay tageen Buurta Gacan Libaax, balse nasiib daro waxay noqotay waxaa waftiga daba socday suxufiyiin ku sheeg ah kuwa u adeega xisbi qabyaaladeedka Wadani loona soo diray inay halkaasi kasoo faafiyaan warar aan xaqiiqada ku salaysnayn maadaama meesha la tegayaa ay tahay deegaanka beesha Xisbiga wadani, waxaana ay soo faafiyeen warar aad looga naxo oo been abuur cad kuwaasi markii la maqlay aad loola yaabay noqday.

Musdanbeedka Xisbiga wadani ayaa hore u balan qaaday inay bixin doonaan dhaqaale gaara oo lagu faafiyo wararka isxabaarkaa ee qabyaalada iyo been abuurka sidoo kalena lagu weeraraayo sharafta qaarkamida masuuliyiinta Dawlada iyo Beelaha Somaliland, si uu xisbiga wadani dadka uga dhaadhiciyo fikrad khaldan taas bedelkeedana la sameeyo dhawr inan oo dhanka qoraalka ku fudud kana soo jeeda beesha, islamarkaana lagu carbiyo dareen qabyaaladaysan lana tuso mustaqbalka marka xisbigoodu guulaysto inay yihiin hormuudka ugu horeeya ee laga fuudh yeelo doono baahiyahooda.

Cali Xasan

Calixasan806@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here