Xisbiga Waddani iyo Xukuumada Farmaaje Ee Soomaaliya oo Iniriiska ka abaabulaya Banaanbaxyo Wadajir ah Oo Ka Dhan Ah Qaranimada Somaliland Iyo Go’aankii labada Gole Ku Ansixiyeen Heshiiska Saldhiga Berbera ee UAE

0
757

Xisbiga Waddani iyo Xukuumada Farmaaje Ee Soomaaliya oo Iniriiska ka abaabulaya Banaanbaxyo Wadajir ah Oo Ka Dhan Ah Qaranimada Somaliland Iyo Go’aankii labada Gole Ku Ansixiyeen Heshiiska Saldhiga Berbera ee UAE

London_ Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo xukuumada Madaxweyne Farmaajo ee Soomaaliya ayaa u midoobay mijo xaabinta Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland iyo fashilinta qorsheyaasha iyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo dalka Somaliland.

Kooxo kala taabacsan xukuumada Farmaajo ee Soomaaliya iyo Xisbiga Waddani oo mudooyinkii u dambeeyeyba kulamo xidhiidh ah oo qarsoodi ah ku yeelanayey magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa ku heshiiyey in si wadajir ah u fashiliyaan heshiisyadii kala duwanaa ee ay xukuumada Somaliland la gashay shirkadaha iyo dawladaha caalamka, gaar ahaan heshiiyada la xidhiidha sahaminta shidaalka, casriyeynta marsada Berbera iyo saldhiga Milatery ee dawlada Imaaraadku ka samaysanayso magaalada Berbera, ee ay dhowaan labada gole baarlamaan ee Somaliland wadajirka u ansixiyeen.

Isbahaysigan Somaliland diidka ah ee Xisbihga Waddani iyo Xukuumada Farmaajo ka soo kala jeedaa waxa ay iyaga oo midaysan dalka Ingiriiska ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo kala duwan oo ay ku abaabulayaan banaanbaxyo wadajir ah oo ka dhan ah dawlada Somaliland iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay la gashay dawlada Imaaraadka Carabta, gaar ahaan heshiiska saldhiga Milatery ee Imaaraadku ka samaysanayo Magaalada Berbera ee ay dhowaan goleyaasha baarlamanku fadhiga wadjirka ah ku ansixiyeen, iyaga oo isla mar ahaantaana ku heshiiyey in ay maalinta taariikhdu tahay 2da, bisha March 2017 banaanbaxyadoodan wadajirka ah ka hor dhigaan safaarada dawlada Imaaraadka Carabtu ku leedahay Magaalada London iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin xarumaha looga taliyo xukuumada iyo baarlamanka dalka Ingiriiska.

Sidaas awgeed waxa ay kooxahani fariimo iyo ogeysiisyo arintaas la xidhiidha oo ay ku wargelinayaan taageerayaashoodu in ay banaanbaxyadaas u soo baxaan ku faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta kala duwan ee Soomaalida iyo baraha internetka ee loo yaqaano social mediaha.

Waxa kale oo ay Xisbiga Waddani iyo xukuumada Soomaaliya qoraalo iyo baaqyo ka dhan ah heshiiskaas u kala direen ururo caalami ah iyo qaar ka mid ah dawladaha dunida, sida qaramada midoobay, Ururka midawga afrika, Igad, Jaamacada Carabta, Maraykanka, ingiriiska iyo Eu-da, kuwaas oo ay dhaantoodba ugu baaqeen in ay ka taageeraan sidii heshiiskaas loo hor joogsan lahaa, loona fashilin lahaa.

Tallaabadan ay qaateen Xisbiga Waddani ayaa rumeynaya ajandayaasha dahsoon ee xisbiga Waddani leeyahay ee Soomaaliweynta ah, tarsi oo lagu mijoxaabinayo qaranimada Somaliland. Haddii ay dhacdana waxay noon doontaa danbi qaranka Somaliland ay ka galeen Xisbiga Waddani waana markii u horeysay taariikhda Somaliland ee si badheedh Xisbi Somaliland ahi si toosa oo badheedha uga hot yimaado jiritaanka Somaliland lana zoo safto cadowga dada san ogoleyn jiritaanka Somaliland, inkastoo gudoomiyaha waddani dhawaan dood arrintan ku saabsan oo idaacada BBC-du qabatay uu si toosa ula soo saftey Xukuumadda Farmaajo.